HomeSheekh Dirir: “Waa inaanu jirin wakhti aanad aqoon oo ilmahu leeyahay, hadaad...

Sheekh Dirir: “Waa inaanu jirin wakhti aanad aqoon oo ilmahu leeyahay, hadaad doonaysid inaad si fiican u tarbiyadeyso”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Mukhadaraadka, sinada, qaawanaata, isku si uma arkaan ilmaha la tarbiyadeeyey iyo ka kale, midna wuu xishoonayaa, midna wuu ku faanayaa….” Sheekh Maxamed Sh. Cumar

Hargeysa(SLpost)- Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa waalidiinta, macalimiinta , madaxda iyo dhamaan waxgaradka ummada ugu baaqay inay dhaqankoodu ku salaysnaado diinta islaamka, maadama ubadka yaryar tusaale ay ku deydaan u yihiin.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha ee shalay ku soo qaatay muhiimada in ubadka lagu koriyo akhlaaqiyaadka diinta islaamku, isla markaana sheegay hadaan lagu barbaarin yaraantooda, lagala kulmi doono cawaaqib xun marka ay qaangaadhaan.

Sheekh Maxamed oo ka hadlayey qodobada muhiim ka dhigaya in ubadka yaryar la tarbiyeeyo ayaa yidhi,

“Si ilmahu ugu deydo Rasuulkeenii Maxamed CSW iyo asxaabtiisii, waa in casharo la siiyaa ku saabsan mowduucaa, oo aad looga dhergiyaa, ku deyashada Nebiguna CSW waa waajib, si ubadku u jeclaadaan. Waxa muhiim ka dhigaya si ubadku ugu helaan difaac shahwaadka iyo shubuhaadka, maadama da’yartu labadan halis kala raacaan, qaar afkooda iyo ibtooda ayey ka waashaan, oo shayaadiinta ayaa kaxaysta, qaarka shubha ayaa ku dhacda, oo isagoo diin doonayey ayey ku qaloocataa, waad maqlaysaan beryahan, sida loo faafinayo shiicada ee da’yarteena loo gaadhsiinayo, waxaas oo dhan tarbiyada ayaa lagu saxi karaa, oo qofka la rabeeyey uma nugla arrimahaa. Waxyaalaha muhiimka ka dhigaya tabriyada, ilmahu adkaysi ayuu u yeelanayaa mustaqbalkiisa, haduu rabaysan yahay, gaajada ayuu u adkaysanayaa, cadowga ayuu u adkaysanayaa, aqoonta uu baranayo ayuu u adkaysanayaa, haduu rabaysan yahay, cibaadada ayuu u sabrayaa, waayo waxuu garanayaa faa’iidada uu ka helayo, markaa ilmaha la rabeeyey iyo ka kale isku awood maaha.

Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir oo ka sii hadlayey faa’iidada tarbiyeynta caruurta ka helayso ayaa sheegay inay ka dhigayso mid naftiisa, waalidkii iyo umadiisa anfaca, waxaanu yidhi, “

Waxa muhiim ka dhigaya ilmahu inuu anfaci karo naftiisa, waalidkiisa, ummadiisa, oo hadii diin lagu rabeeyey wuu anfacayaa. Waxa ka dhigaya muhiim tarbiyada cuduro badan ayaa baahay, ilaahay waxuu kaga daweyn karaa tarbiyada, mukhadaraadkii, sinadii, qaawanaatii, isku mid maaha ilmaha la tarbiyadeeyey iyo ka kale, midna wuu xishoonayaa, midna wuu ku faanayaa. Tarbiyadu waxay keentaa in ilmaha isagoo yar uu tusaale lagu deydo noqdo, mid u naxariista ummada oo kheyrka jecel, qodobadaasi waa kuwa muhiimka ka dhigaya in mowduuca tarbiyada isku baraarujino. Qofka iyo waalidkuna isku deyaan inay wax ka bartaan, oo cajaladaha ka dhegeystaan. Inteena halkan fadhida ee khudbadan dhegeysanaya ama Madax ayeynu nahay ama waalid ama macalimiin, mid walbana kaalintiisa ayuu ku leeyahay, oo meelahii ubadka laga rabaynayey, waa masaajidkii, waa warbaahintii, waa gurigii, ama suuqii, inteenan ayaa ka masuul ah intaaba.

Sheekh Maxamed Dirir oo ka hadlayey dariiqyada loo marayo tarbiyeynta caruurta ayaa yidhi,

“Dariiqyada loo marayo marka ubadka la rabaynayo waxa ka mid ah in ku deyasho fiican u noqdaan dadkaa aynu sheegnay ee hormoodka bulshadu, nin dadkii wanaagsanaa ee hore ka mid ah ayaa ilmo uu dhalay u geeyey nin u tarbiyadeeya, waxaanu ku yidhi, waxaan doonayaa ugu horeyn inaad adigu u noqotid tusaale wanaagsan oo ku deydo, laakiin ilmaha waxaad u dhigayso iyo waxaad ku dhaqmayso yaanay kala duwanaan. Ilmahu waa lagama maarmaan in raadaarkeenu hayo oo isheena aanu ka libdhin, xillima ayuu wax bartaa, masaajidka joogaa, saaxiibadee ayuu raacaa, waa inaanu jirin wakhti aanad aqoon oo ilmahu leeyahay, hadaad doonaysid inaad si fiican u tarbiyadeyso, wakhti walba 24-ka saacadood, wakhti walba meesha uu joogo waa inaad taqaanaa, ilaa intuu noqonayo qof gaafa-baxa, oo weynaada, sidaadana u fikiraya. Ilmaha inaan uga digto oo khad cas ka mariso waxii diintu u diidan tahay waa lagama maarmaan, Xassan binu-Cali RC ayeynu soo marnay isagoo gurguuranaya in Nebigu CSW laa “ish..ish..”, markaa shayga xumaanta iyo xaaraanta in waalidku ka qiiraysan yahay oo ka dagaalamayo waa in ilmahu ogyahay. Intuu yaryahay waa in diinta la soo baraa, oo qur’aanka la soo baraa oo carabkiisa lagu soo saxaa. Waa in waxa kastoo wanaagsan lagu celceliyaa u sheegistiisa, si uu dhaqan ugu noqdo.

Sheekh Dirir ayaa sheegay in ilmaha wanaagana la jecleysiiyo, xumaantana looga digo, waxaanu yidhi, “

“Waa in ilmaha waxna la jecleysiiyo, isla markaana wax looga digayo jiraan, oo hanjabaad la socoto, waxaad hadaad samayso, waxaa ayaa dhacaya, ama Ilaahay kala kulmaysid ama anniga (waalidka) kala kulmaysid, ama ballanqaad wanaaga uu sameeyo aqoonta hadaad baratid, salaadaha hadaad oogtid, wanaaga hadaad samaysid, ilaahay waxaa ayaad ka helaysaa, annigana (waalidka) abaalmarintaa ayaad iga helaysaa, labada arrimood faa’iido iyo khasaaro waxuu kala kulmayo waa in ilmahu ogyahay, oo ku baraarujisaa. Waa inaynu caruurteena waaninaa, ma waaninee, qisada Luqmaan al-xakiim ee qur’aanka waa inaad akhridaa, inta ilmaha yar la soo fadhiisiyo waa inaad casharo siin kartid , ilmahii yaraa ayuu ogaanshiyaha Ilaahay, iyo cilmigiisu siduu u xeeldheer-yahay uga sheekaynayaa, sidaa daraadeed waxa ilmaha yar qalbigiisa ku beermaya in Ilaahay la socdo dhaqdhaqaaqiisa, kuna rabaysaa inaanu waalidka keligii iska eegin ee Ilaahay iska eego, waa inuu bartaa inuu Ilaahay ka baqo.” La soco qeyb dambe.

 Xigasho Himilo
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories