HomeSheekh Dirir oo Sharxay Tilmaamaha ay Diinta Islaamku Jidaysay ee Ka-hortagga Cudurrada...

Sheekh Dirir oo Sharxay Tilmaamaha ay Diinta Islaamku Jidaysay ee Ka-hortagga Cudurrada loo maro

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir, ayaa faahfaahin ka bixiyey tilmaamo ku sugan Diinta Islaamka oo in loo hoggaansamaa bulshada ka badbaadinayso aafooyinka la xidhiidha xannuunada iyo masiibooyinka kale ee ka dhaca Caalamka.

blankKhudbadii Jimcaha maanta oo Sh Maxamed kaga hadlayey mowduuc ku saabsan ka-hortagga iyo ka-feejignaanta oo ka mid ah casharadda Diinta Islaamku fartay umadda Muslinka ah, waxa uu Sheekhu sheegay in Eebbe (SWT) mudan yahay in laga qaato tilmaamaha iyo toosinta oo faa’iido u ah bani’aadamka.

“Waxaanan khudbadan ku faahfaahin doonaa qeyb ka mid ah qodobo kitaabka iyo axaadiistu ina fareen oo ka hortaga la xidhiidha iyo sidii loo ilaashan lahaa caafimaadka dalka, dadka iyo nafta.

Maanta dunidu waxaad maqlaysaan cudurada noocan ah daawen uma hayno, ee ka hortag ha lagu dedaalo, haddaba Islaamku maxuu ka hortaga ka yidhi? Waa casharo runtii u baahan oo aynu ku saxxayno dalkeena iyo dadkeena, ubadkeena iyo ehelkeenana muhiim ah inaynu barno, si aynu uga helo ajar iyo amaan, horumar iyo caafimaad dhan walba,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sheekha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Ka hortaga markuu Rasuulku CSW ka waramayey waxuu inna baray, si aynu jidhkeena, ruuxdeena u ilaashano iyo sidii aynu uga gaashaaman lahayn dadka hoose ee aynaan arkayn. Laba qiso ayaa wakhtigii Nebiga NNKH dhacay, mid waxay ku dhacday saxaabigii Abu Hurayra, midna saxaabigii Ubaya ibnu Kacab, qaarigii Nebiga NNKH. Markaynu soo gaabino, waxay sheegayaan labadaa qiso, labadaa asxaabi mid walba meeshii uu raashinka dhiganayey ee istoodhka u ahayd ayuu mid Jin ah soo weeraray, waxna ka xaday, saxaabi walba wuu qabtay Jinkii, waa laba wakhti oo kala gaar ah, waxuu saxaabadii ku yidhi jinkii isii daa aan kuu sheego wax daawo kaaga noqdee, weliba qisada Abu Hurayra, maxaa daawo ka ah inaanad ii iman? waxuu idhi JInkii Aayatul Kursiga akhriso, markaa ka hortaga jinka iyo dhibkiisa waxaa daawo u ah akhriska Aayatul Kursiga.”

“Nebi Maxamed NNKH waxuu xadiis kale oo Tarmiidi werinayo oo (Xassan ah), “Qofku haduu aroortii iyo galabtii akhriyo suurada Qul-walaha, Qulacuudu Birabil-Falaq iyo Qulacuudu Birabi-naas, mid walba saddex jeer, wax walba ka hortag way ugu filan tahay dhib uga iman lahaa.”

Waxa kaloo Nebigu NNKH inoo tilmaamay sida xadiiska Bukhaari iyo Muslim sheegayo ‘Qofkii akhriya labada aayadood ee u dambeeya suuratul AlBaqra habeenkii akhriya, wa ku filan yihiin”. Culimadu waxay sharxeen maxay labada aayadood kaga filan yihiin? Khalqiga Ilaahay SW abuuray waxii dhib kaga iman lahaa ayey kaga filan yihiin.”

Waxa afraad ee Nebigu NNKH inoo sheegay ka hortagana ka mid ah digriga “La Ilaha IIlallah, Waxdahu La Sharika Lahu, Lahul-Mulku Wa Lahul-Xamdu Wahuwa Calaa Kula Shay’I Qadiir” towxiidkaa qofkii boqol jeer akhriya ayuu Nebigu NNKH yidhi, axa badan ayuu tiriyey, kaasuu helayaa, dembi-dhaafkaa, waxuu raaciyey, waxay xijaab uga noqonaysaa sheydaanka maalintaa.

“Waxa shanaad oo Nebigu NNKH xusay oo waxaabaha ka hortaga ka mid ah ducadan kooban innanu barano oo akhrisanno “Bismillahi lahi la yadurru ma’ ismihi shai’un fil-ardi wa-laa fil-samaa’i  Wahuwa Samiicul Cadiim” marka magaca Ilaahay xijaab laga dhigto jin iyo insi wax kaaga imanaya ma jirto, qofkii aroortii iyo gelinka dambe akhriya wax dhibayaa ma jiro   ayuu Nebigu NNKH  yidhi, shey kastoo kaga iman lahaa jinka, insiga, bakhteeriyada, fayraska intaba Ilaahay SW ayaa ka difaacaya, ilayn isagaa abuuree.”

“Arrinka lixaad ee Nebigu NNKH inoo sheegayo waxa weeye digri kooban oo kaa hore ku dhow oo galabtii la akhriyo “Acuudu bi kalimaati laahi taamati min shari maa khalaq” waxaan Ilaahay kelimaadkiisa ka deyrtay sharka wax ala waxii uu abuuray, haduu intaa akhriyo ayuu Nebigu NNKH yidhi wax xumad ah kuma dhacdo habeenka, xanuun walba xumad ayuu leeyahay. Nin baa Nebiga NNKH ku yidhi bahal ayaa I qaniinay xumad adag I badday, waxuu Nebigu NNKH ku yidhi hadaad ducadaa ‘Acuudu bi kalimaati laahi …akhriyi lahayd, xawayaankaasi wax dhibaato (xumad) kuguma keeneen. Fayras baynu ka hadlaynaaye qaniinyadii bahalka hoose ayuu Ilaahay SW kaga jooiyey.”

“Arrinka todobaad ee ka hortaga Nebigu NNKH inna baray waxa ka mid ah in qofku marka subaxii waagu u bayo haduu helayo uu cunno timirta la yidhaahdo Cajwada (Waa timirta uu Nebigu CSW ku beeray Madiina, mid ka mid ah) todoba xabadood, maalinkaa suntan iyo sixirku waxba ma yeelaan, waa laba dariiqo oo dadka liita isticmaalaan.”

“Arrinka sideedaad ee Nebigu NNKH inoogu sheegay ka hortaga waxa ka mid ah is-dhowrida (Ximyada) iyo qofku inaanu noqon qmid hunguri weyn oo kakan oo nimcooyinka Ilaahay SW ku siiyey si wanaagsan oo miyir qabta aad u isticmaasho, sida aayada suuratul AlAcraaf tilmaamayso “Kuluu Washrabuu walaa tusrifuu” cunna oo caba, oo ha xadgudbina. Culimada caafimaadku waxay sheegeen in labadaa kelmadood uu ku jiro caafimaadka qofka iyo dadkuba. Cun oo ha xadgudbin, cab oo ha xadgudbin. Xadgudbku saddex nooc ayuu noqon karaa, iyadoo qofku aanu u baahan cunto uu caloosha ku rido, xadgudubka labaad wax aka mid ah qofku markuu wax cunno inaanu dibirin, markuu Nebigu NNKH tilmaamayey waxuu yidhi, qeyb raashinka ku rid, qeyb biyaha, qeybna neefsiga u daa, si aad u cibaadasan karto, u shaqeysan karto. Hadaad buuxiso qeybtii neefsashada wax kale kuuma banana inaad iifsato mooyee, ilayn waad dibirtee?” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Dirir.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories