HomeSheekh Aadan-Siiro oo si ballaadhan loogu Soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, shacabkana...

Sheekh Aadan-Siiro oo si ballaadhan loogu Soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, shacabkana talooyin iyo mahad-naq u jeediyey

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa (SLpost)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan siiro) oo muddooyinkii u danbeeyey socdaal caafimaad dibadda ugu maqnaam, ayaa maalintii maanta soo dhawayn ballaadhan loogu sameeyey magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.
Sheekh Aadan waxa soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay madax- dhaqameed, culimo-awdiin, dhalinyaro iyo haween, iyada oo soo-dhawaynta Sheekha ay hagayeen guddi gaar ah oo iska xilsaartay.
Sheekh Aadan Siiro oo ka soo dagey gegida dayuuradaha ee cigaal internation airport ee magaalada hargeysa ayaa u mahad naqay dadweynihii soo dhaweeyey waxaana uu yidhi, “Waxaan u mahadnaqayaa dadkan reer Somaliland ee sida wanaagsan ii soo dhaweeyey, intii aan walaalayaal idinka maqnaa isbeddelo badani waa jiraan wax badanina waa soo kordheen, waxaanse jecelahay markaan Arrimahaas eegno dadkii wanaagsanaana aan la tashado aan wax ka odhan doono,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahad naqay shacabkii muddadii uu dalka ka maqnaa xidhiidhka la samaynayey ee Caafimaadkiisa la socday, waxaanu yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa dadkii Khayrka badnaa ee aad iyo aad u danaynayey Caafimaadkayga intii aan Maqnaa ee habeen iyo maalin ila soo xidhiidhiyey ee I weydiinayey Caafimaadkaygu halka uu marayey iyo kuwii khayrka badnaa habeenka madow iyo saacadaha wax la aqbalo ilaahay ii baryayey.”
Sheekh Aadan-siiro waxa uu ka hadlay doorka ay shacabku kaga jiraan ilaalinta ammaanka dalka marka laga yimaaddo ciidanka kala duwan, isaga oo sheegay in dadka intooda jilicsan ee wanaagga jeceli ay yihiin kuwa feejignaanta badan iyo dhugmada u leh Horumarka iyo Nabadda dalka ka jirta, waxaanu yidhi, “Kolleyba waxaan jecelahay Dadka kuwa Hooyooyinka agoonta korinaya, kuwa lugaha la’ iyo kuw indhaha la’ iyo kuwa Dalkani u soo leeleelay ee Runtii cid Taqaanaa ay yartahay ee maryaha cas-cas leh ee marka ay waddooyinka marayaan inta badan ku duceeya ilaahayow dalka noo hagaaji, kuwaasi waa kuwa Awooddoodu ay ilaalinayso dalkan maanta ay wadno ee dhacdadii ugu dambaysay ee jeelka ka dhacday u gurmaday.”
Sheekhu waxa uu talooyin ku aaddan dhinaca horumarka iyo nabadda u jeediyey shacabka iyo dawladda, waxaanu yidhi, “Nabaddaa, Wanaaggaa aynu hayno iyo midnimadaas iyo dalkeenan kooban ee Qaniga ah inaynu iskugu tagno Horumarkiisa weeye taladayda guud, Culimaduna waxay yidhaahdaan kuwa waxna xidha waxna gunta waana inta Aqoonta, Aragtida, Hoggaanka, wanaagga, Ururinta iyo Hal abuurka lagu tuhmayo oo runtii bulshada oo dhan ka kooban.”
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa bilowgii bishii January ee sannadkan xaalad caafimaad ugu baxay dalka Malaysia, halkaas oo qalliin fudud oo dhinaca wadnaha loogu sameeyey ka dib uu in muddo ku sugnaa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu nasasho u joogay, isaga oo markii dambena gaadhay magaalada Barkaysan ee Maka oo uu ku soo cimraystay.

DAAWO SOO-DHAWAYNTA SHEEKHA

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories