HomeSheekh Aadan Siiro oo Sheegay Xog Ururin ka Bacdi in uu Soo...

Sheekh Aadan Siiro oo Sheegay Xog Ururin ka Bacdi in uu Soo Bandhigayo Tirada Rasmiga ee Hantida Ummadda ee Xukuumaddu Iibisay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa:(SLpost)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey(Aadan-siiro), ayaa si adag uga hadlay hanti-lunsiga iyo wax is-dabamarin baahsan oo uu sheegay inuu dalka ka jiro, waxaana uu farta ku fiiqay inay jiraan Kooxo isku bahaystay inay si gaar ah u gurtaan Khayraadka waddanku leeyahay.

Sheekh Aadan Siiro oo maalintii shalay Khudbad uu arrintan kaga hadlayo ka jeediyey Masaajidka Xaafadda Xawaadle ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu sheegay in Shacabku u kala baxay Dabaqad tadhahday iyo qaar aad dabkaba loo shidin, “Oohinta iyo dhibta iyo kuwa soo ootay aanay tiro lahayn, halka ay qaar badani maalintii ku  xisaabtamaan inay guryahooda ku isticmaalaan Dakhli dhan $20,000 (labaatan kun oo dollar) oo waxa ay isticmaalayaan ay tahay wixii kuwa aqoonta ah ee ooyayaa.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Waxa uu sheekhu si gaar ah uga Hadlay Xarunta Dugsiga Haweenka Wax lagu bari jirey ee Women’s Club oo dhawaan la sheegay in cid gaar ah laga iibiyey, waxana uu yidhi,“Women’s Club-kii baa inagoo soo taagan oo Hargeysa Hal milyan iyo saddex boqol oo kun ku nool yihiin ayuu  qof maamulka ku jiraa intuu guri dheer dhistay oo Parking-kii gurigiisa ka reebi kari waayey uu yidhi 1200 ee Hablood aynu dibadda u tuurno oo anigay igu wanaagsan tahaye aan Parking ka dhisto.”

Sheekha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah waxa uu farta ku fiiqay dhul la’aanta Magaalada Hargeysa ka jirta iyo sida dhulkii danta guud oo dhan loola wareegay, isagoo intaas ku daray in Xilligii Rejiimkii siyaad Barre uu ay Hargeysa sidan dhaantay,“waad ogtihiinoo hargeysi ma laha wax jaamacad ah oo  loo sameeyey in ka badan 25-km,  ayaa maamulkii aynu la dagaallanay ee aynu lahayn dulmi buu inagu hayaa uu ka tegay, Jaamacadda maanta Hargeysa ka dhaxaysaa waa dhisme la dhisay  1971-kii oo dugsi sare ahaa, iyadoo la ogyahay in wax allaale iyo wixii dhul Hargeysa ka hadhsanaa intii hadhayna ay maanta iib u taagan yihiin, waxana marag ka ah wadaadadii, Salaadiintii iyo kuwii magaca sheeganayey.”ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Waxa uu Sheekhu ku dhawaaqay inuu dhawaan soo bandhigi doono caddaymo muujinaysa Tirada Guryaha Danta Guud ahaa ee cidda gaarka ah laga iibiyey iyo lacagaha la siistay, waxana uu yidhi,“maalmaha soo socda waxan idiin soo gudbin doonaa tirada Rasmiga ah ee  Dhulka Maamulka Talada hayaa uu iibiyey iyadoo caddaan ah, hanti bandanna waanu ku bixinay iyadoo rasmi ah inaanu helno annaagoo diidan inaanu sheegno wax male awaal ah, waxana aanu Bar-bar dhigi doonaa inta ay qabteen oo aan ka  noqonaynin Boqolkiiba Hal(1%)”

Dhibaatada Dalka haysata mar uu sheekhu ka Hadlayey ayaa waxa uu yidhi, “Mushkiladda ina haysataa waa wixii inaga dhexeeyey oo dhan baa koox yari doonaysaa inay qaadato, haddii la helo koox ilaahay garanaysana dadkeena gebigoogaba waa la masruufi karayaa.”

 

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories