HomeSheekh Aadan Siiro oo Madaxtooyada Ku Dhaliilay Furfurista Dadka Somaliland Iyo Xaaladaha...

Sheekh Aadan Siiro oo Madaxtooyada Ku Dhaliilay Furfurista Dadka Somaliland Iyo Xaaladaha Dalka Ka Jira

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

 

Hargeysa(SLpost) – Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii jimcaha ee maanta kaga hadlay hogaaminta iyo aadaabta looga baahan yahay hogaamiyaha, waxa kale oo uu soo hadal qaaday arrimo ay ka mid yihiin Iibinta xaruntii waxbarashada dadban ee Haweenka(Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh, shaqaaqooyinkii ka dhacay Boorame iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo diinta Islamka, isaga oo xukuumaddana ku macneeyay in ay doonayso kana shaqaynayso furfurista Somaliland.

 

“Waxaynu si kooban uga  hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka baxeen ee Women’s club-ka la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen. Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfurta, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto,” ayuu yidhi Sheekh AadanSiiro

 

Sheekha ayaa isagoo sii hadlaya yidhi “ Women’s club-ka la iibiyay, dalkii waxaa helay casaabado.casaabad madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa caruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno (Madaxtooyada),”

 

Wuxuu sidoo kale sheekhu ka hadlay Wariye Sakaaro oo Burco dhawaan lagu weeraray “Burco maanta nin baa lagu garaacay oo hebel buu wax ka sheegay, Inan yar oo saxafi ah oo miskeen ah dhulka loogu tuuray. Yacnii nabadgalyadii halkaasay maraysaa, hebel buu wax ka sheegay, hebel buu taabtay, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto,” ayuu yidhi Sheekh.

 

Sheekh Aadan Siiro oo cabiraya xaaladda Somaliland wuxuu ku hogotusaaleeyay dhacdo nin maskaxda ka jirrani sameeyay “ Maahmaaha Soomaalida ay leedahay waxaa la yidhi bari baa nin yara xanuunsaday, dabeedna wuu ladnaaday. Waxa loo dhiibay Konton Awr, markii uu soo  dhaamiyay isagoon reerkii soo gaadhin ayuu Boolkii barigii hore yara dabcay( Ninkii Xanuunkii ku soo noqday) dabeedna Awrkii ugu horeeyay ayuu hogaankiisii dabada ugu xidhay Awrkii ugu dambeeyay. Waa konton Awr, markaasay awrtii sidaas isugu meeraysatay, dabeed intuu halkaas fadhiistay ayuu isagii yaabay markay awrtii isku meeraysatay, markaasuu yidhi Illaahayow farash u bixi waad arkaysaaye. Maanta madaxii baa la iskugu keen wada xidhay Illaahayow farash u bixi ayay maanta maraysaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories