HomeSheekh Aadan Siiro oo ku Eedeeyay Madaxtooyaddu in ay ku Wareejinayso Cid...

Sheekh Aadan Siiro oo ku Eedeeyay Madaxtooyaddu in ay ku Wareejinayso Cid Gaar ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa sheegay in Xukuumaddu ku soo rogaal celisay Maktabadda Gaandi isla-markaana doonayso inay cid gaar ah ku wareejiso halka uu ku yaalo dhismaha Maktabaddu.

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaga hadlay dhibaatada Dulmigu u leeyahay Aadamaha, ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay diidaan in cid gaar ah la siiyo dhismaha Maktabadda Gaandi ee Magaalada Hargeysa, maadaama buu yidhi ay tahay Maktabadda kaliya ee Hargeysa leedahay.

Sheekha oo soo xiganaya Xadiis laga weriyey Nebigeenna Suuban ee Muxamed (CSW), oo uu kaga hadlayo Dadka u adeegga kuwa Ummadda Dulmiya, ayaa yidhi, “Xadiis Nebiga laga weriyey baa odhanaya ‘waxa iman doona dad u taliya ummadda, kuwaa waxa daboola oo ag-yaaca ama ku xeeran oo Tayga u soo xidha inay Sacabka u garaacaan oo ay wax ka dhigaan, kuwaasi Runta uma sheegaan (Madaxda) ee dadkaa ku wada jecel iyo habeenkii baa lagugu riyoodaa, Dumarkii durbaanka ayay garaacayaan oo adiga ayuun baa laguu heesayaa ayay ku odhanayaan iyaga oo been u sheegaya, markay sidaa leeyihiin Ummad badan bay Xuquuqdoodii dulmiyayaan. Nebigu (CS) wuxuu yidhi qofka kuwaa u gala ee rumaysta beentaa ay Dadka ka iibinayaan ee Dulmiga ku kaalmeeya aniga igama mid aha,  aniguna kama mid ihi, ayuu yidhi Nebigu (CSW).”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu ka hadlay Maktabadda Gaandi oo uu tilmaamay in Madaxtooyadu cid gaar ah lagu wareejinayo, “Shalay (Doraad) Khamiistii waxa ila soo hadlay Axmed Yuusuf Ismaaciil oo ah ninka haysta Maktabadda Gaandi, wuxuu igu yidhi waxa Warqad ii keenay nin ka mid ah nimankaa aan ka hadlayo ee Xadiiskuna ka hadlayo ee Hantida Ummadda Magacyada ku samaystay ama u dillaala kuwaa Ummadda dulmiyaya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray, “Axmed Yuusuf Ismaaciil waxa ii sheegay in ninkaasi ku yidhi, adeer waad iskaga baxaysaa Dhismaha Maktabadda Gaandi oo Madaxtooyada ayaa la iga soo faray.”

Sheekh Aadan-Siiro, waxa kale oo uu Xusay, “Maktabadda Gaandi waxa ku dedaalay oo dibadda uga yimid Axmed Yuusuf Ismaaciil, laakiin, Cisaabaadka dalka haysta koox ka mid ah, ayaa heshiiyey oo yidhi Hebel buu ku wanaagsan tahay (Halka Maktabaddu ku taallo) ee waa in laga wareejinayaa Maktabadda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isaga oo isbarbar dhigaya Ahmiyadda Dalalka Adduunku siiyaan aqoonta iyo Maktabadaha iyo sida aan Somaliland waxba looga soo qaadin, “Maktabadda ku taalla New York waxa yaalla 55 Milyan oo kitaab, laakiin Hargeysa oo ay ku nool yihiin 3.5 Milyan ayaa Maktabaddii yarayd ee ku taalay maalinba Madaxtooyadu qof u soo direysaa oo la leeyahay meesha hala banneeyo hebel baanu siinaye.”

Somalilandpost.net

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories