HomeSheekh Aadan Siiro oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Wiil Yar oo Agoon ah oo...

Sheekh Aadan Siiro oo Abaalmarin Gudoonsiiyey Wiil Yar oo Agoon ah oo Masaajidka Xawaadle Xoogiisa ku Caawiya, Kana Hadlay Arrimo Dalka ka Jira.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Khadiibka Masjudul-Qubaa (Xawaadle) ee magaalada Hargeysa Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey ( Siiro) ayaa Shalay Abaal marin guddoonsiiyey Mustafe Naasir Ibraahim oo ah wiil agoon ah oo isu xilqaamay inuu u khidmeeyo Masaajiskaas iyada oo aan cidina diran. Sheekh Aadan oo Khudbadii saalada jimce ee shalay kadib Masaasjidkaas ku gudoonsiiyey wiilkan yar abaal marin lacag ah, waxaa uu ka warramay shakhsiyadda wiilkan yar iyo tarbiyaddiisa oo uu sheegay in ay yar yihiin  qayrkiisa la midka ahi. Waxaana uu ku sifeeyey in waalidkii oo midkood mootan yahay [Aabihii] ay ayaan badan yihiin isla markaana ducada uu u soo duceeyo ay heli doonaan.

Markii salaada jimcaha laga baxay waxa sheekhu abaalmarinta lacageed guddoonsiiyey wiilkan yar, kaasi oo uu ku mutaystay is xilqaanka, waxaana ku tilmaamay in ay dhif tahay kuwa qayrkii ah ee la midka waxaana uu yidhi “ Ayaankaas yaa heli kara, ilmo kaa dembeeya oo   agoon ah oo waalidkii u soo duceeya” sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadam oo tilmaamo ka bixinaya shakhsiyada wiilkan yar, waxaana uu intaa ku daray “ waxa jira kuwo soddon jirro ah oo waalidkood habeenkii ka werwerayo inuu soo hoyday iyo in kale, kanina (wiilka yar) masaajidka ayuu had iyo jeer joogaa oo uu u adeegaa, annaga oo aan odhanin kaalay oo sanduuqa qaad oo lacagta sadaqada dadka kasoo uruuri laakiin isaga ayaa is xilqaamay”.  Intaa kadib waxa uu sheekhu halkaas kaga dhawaaqay abaalmarin uu masaajidku guddoonsiin doono wiilkan yare e agoonka ah ee magaciisa la yidhaahdo Mustafe Naasir Ibraahim, waxaana markii laga baxay salaadii jimcaha uu sheekha iyo wiilkan agoonka ah oo barbar taagani halkaa kaga dhawaaqay lacag abaal marin ah,    “inkastoo aanaan lacag buuran siinayn, haddana maanta waxaanu guddoonsiin doonaa boqol dollar ilaahay cimrigiisa ha barakeeyee”

 

Sheekh Aadan waxa kale oo khudbadiisii salaaadda jimcaha uu kaga hadlay arrimo kala duwan oo dalka ka jira kuwaas oo ay ka mid yihiin shakhsiyaad uu sheegay inay dillaaliin yihiin oo ay macaash ka dhex raadiyaan hantida ummada. Qoddobka muhiimmaddiisa lahaa ee kamid ahaa khudbadda sheekha oo aanu halkan idinkusoo gudbinayno waxaa uu ku yidhi “Dalka waxa ka jira niman dillaaliin ah oo maamullada ku xidhan, oo ganacsatada ku xidhan oo dadka danaha gaarka ah dalka ku leh ku xidhan” sidaa ayuu sheikh Aadan yidhi waxaana uu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya shakhsiyaadkan uu sheegay iyo astaamahoodu “Waa maxay wejiyada ay dadkaasi isticmaalaan?. Waxa ay isticmaalaan in ay reebaan inanka [derejada] A-da ku gudbay imtixaanaadka ee jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka soo baxay. Waxa ay reebaan qof kasta oo hal abuur [creative] leh oo illaahay hibo u siiyey ay meesha ka saaraan. Shaqadooduna waxa ay tahay in ay qofkaas qof kale ku beddelaan oo ay halkaas macaash ka raadiyaan, waana qaar hantida ummada ku mamay oo talada dalkana wax ku leh oo mushahar badan u xaadira”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories