HomeSharciyadda Madax-bannaanida Somaliland oo lagu soo bandhigay Warbixin-Sannadeedka Xisbiga SACP ee Koonfur...

Sharciyadda Madax-bannaanida Somaliland oo lagu soo bandhigay Warbixin-Sannadeedka Xisbiga SACP ee Koonfur Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xisbiga South African Communist Party SACP ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay go’aaminta qadiyada madax-banaanideeda. Isla markaana ay haysato sharciyad caalami ah iyo mid Maxalli ah oo ay ku hanan karto aqoonsiga Beesha Caalamka.

Xisbiga SACP oo soo xiganayey shir dabayaaqadii sanadkii 2020 uu marti geliyey xisbigoodu oo lagaga hadlayey dalabka qadiyada Madaxbanaanida Somaliland ee ah in ay noqoto dal madaxbannaan, ayaa warbixin sannadeedkiisii 2020 oo uu saaray Isniintii todobaadkan ku sheegay in Xeerka caalamiga ee Qaab-dhismeedka Afrika xaq u siinayo Somaliland dal iskii u taagan oo ka madaxbannaan Soomaaliya oo uu ku tilmaamay Waddan fashilmay oo aan nidaam ahi ka jirin.

blankWarbixinta Xisbiga oo ku soo beegmaysa 99-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xeerka caalamiga ah ee Afrika uu si cad u qeexayo in xudduudihii Afrika ee gumaysigu ay yihiin kuwa kaliya ee la aqoonsan yahay. Isla markaana ay yihiin soohdimaha loo adeegsanayo xadadka waddamada qaarada.

Warbixin sannaddeedka Xisbiga oo aad u dheerayd, isla markaana lagaga hadlay dhibaatooyinka Caalamka, dhibaatada Xannuunka saf-marka ah ee Covid 19, dhaqaalaha Kuududsaday ee adduunka, mushkiladaha taranka Bulshada adduunka, Cimillada adduunka, doorka Maraykanka ee dunida, colaadaha Afrika iyo arrimo badan oo kale, ayaa qayb ka mid ah oo uu qadiyada Somaliland ku soo qaaday Xisbigu waxa uu ku yidhi, “SACP ayaa dhowaan martigalisay shir looga hadlayo dalabka Somaliland ee ah inay noqoto dal madaxbanaan. Dalabkan oo salka ku haya taariikhdooda xilligii gumeysiga ee ahaa in Somaliland gooni ka ahayd Soomaaliya. Soomaaliya oo ahayd dal uu horey u gumeysan jiray Talyaanigu haddda waa dal fashilmay, halka Somaliland xasiloonideed iyo kobaca dhaqaalaheeduba dhisan yahay, isla markaana la soo waday in ka badan labaatan sano,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

Waxa kale oo Xisbigu warbixintiisa ku yidhi, “Waxa intaa dheer in dadka reer Somaliland ay rabitaankooda ku muujiyeen aftidii sanadkii 2001 oo ay doorteen inay dib ugu noqdaan meeqaamkii madax-bannaanida, iyada oo madaxbannaanida la waafajinayo Xeerka Qaab-dhismeedka Afrika ee ka hadlaya in xuduudaha gumaysiga sidoodii loo daayo, loona adeegsan doono in ay noqdaan soohdimaha kala qaybin doona waddamada.”

Warbixinta SACP waxa lagu sheegay inuu Xisbigu sii wadi doono taageerida baaqa Somaliland ee kala tagga iyo inuu ku dhiiri geliyo dadka reer Koonfur Afrika inay gacan ka geystaan dhismaha iyo ganacsiga dalkaas.

Dhibaatooyinka Qaarada Afrika waxa ay warbixintu kaga hadashay colaado ka taagandalal badan oo Afrika ah sida Swaziland, Zimbabwe, Lesotho, DRC, Cameroon, Sudan iyo Mozambique. Sidoo kale Inqilaabkii ka dhacay Mali ayaa warbixintu sheegtay in laga werwersan yahay. Colaadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Jabhadda Xoreynta Shacbiga ee Tigreega ayaa iyaduna warbixintu ku sheegtay in ay saameyn iyo culeys amni ku keeni karto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Iska horimaadka rabshadaha wata ee ka soo cusboonaaday dhulka loo yaqaano Spanish Saxaara ayey warbixintu ku tilmaamantay mid walaaciisa leh. Taasi oo lagu sheegay in ay ka turjumayso daandaansiga iyo isla weynida Maroco oo dhowaan dib loogu soo celiyey Midowga Afrika.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories