HomeSharcigu Maaha Qabyaali!

Sharcigu Maaha Qabyaali!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Qalinka: Mustafe Sh. Cumar Geeddi

Waxa la yidhi waqtiyadii Soomaaliya uu xooga ku haystay Xisbigii Hantiwadaagu ayaa madal Olole ah oo Madaxweynihii fadhiyo la isku guubaabiyay in laga wada shaqeeyo dhismaha xisbiga. Waxaa kale oo la tilmaamay in qofkii ka hadha Tareenkaas socda, waa Kacaanka’e, aan waxba loo noqonayn. nin ka mid ah Kaadirkii shirka ka qayb galay ayaa kacay, waxaana laga qoray hadal duur-xul ahaa oo wuxuu yidhi, “Madaxweyne, in aanaan Tareenkaas Xisbiga ka hadhin waa ku dedaalaynaa, Laakiin, anigoo xejisanaya oo ku dheggan, hadii la iga tuurayo ka waran.”

Intaasi waa kaftan. Waxaanse uga gudbayaa, baryahan waxaa soo noqnoqotay arrin la xidhiidha cabashada dad sifo aan sharci ahayn loogu diiday Jinsiyadda Somaliland.

Marka koowaad waa inaynu isla qirno, qof meel fadhiya – oo hadduu doono masuuliyad hayaa heerka uu doono ha joogo’e, dookhiisa shakhsiga ah wixii uu doono kuma sameyn karo, ciddii uu doono sharci kuma siin karo, midka jinkiisu sanifo ama uu tafiir ahaan isirka uu ka soo jeedo u neceb yahayna kagama hor joogsan karo.

Sidaas oo kale, Xuquuq sharcigu u ogolaaday, ruuxna kuma waayi karo Beesha uu yahay. Haddiiba ay dhacdo oo sarkaal dawladeed si badheedh ah ama si kama ba ah uu u jiidho xariiqii nidaamku u xaddiday, dabadeedna ku xad-gudbo xaqa muwaadin kale, waa in aynu ka dhiidhino oo markaba wax laga qabto.

Marka aynu sidan leenahay, maaha macnaheedu in laga soo horjeedo oo gabi ahaanba la diidan yahay in nidaam la hubiyay oo baadhiseed la mariyo qof kasta marka la joogo bixinta jinsiyadda. Waxaana dadka qaar u arkaan in waaxda Jinsiyadu ka mid tahay meelaha ugu musuqa yar ee la mahadiyay. Laakiin, shaqo kasta oo socota dhaliilo ayaa ka soo noqda, waana in la toostoosiyo oo hadba wixii ka xun la saxo ileyn karriin nidaam ayaa socda’e.

Haddiise dhegaha laga furaysto cabashada oo aan sida loo fuliyay sharci iyo sharci-darro midka ay tahay hubinteedda la joogteyn, markaas waxaa imanaysa in la jabiyo qodobka 8-aad ee Dastuurka Somaliland. Qodobkaas oo si cad u damaanad qaaday sinnaanta muwaadiniinta, islamarkaana reebay kala saarayn ku dhisan midabka, qabiilka, dhalashada, luqadda, lab iyo dheddig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm.

Waxaa kale oo imanaya Takoor aanay sinnaba qiil ugu noqon karin, qodobka Afraad ee Dastuurka iyo qodobbada labaad iyo saddexaad ee Xeerka Jinsiyadda Xeer-No-22-2002, kuwaas oo faahfaahiyay muwaadinnimada u dhalashada ah iyo qaabka lagu helayo aqoonsiga.

Ugu danbeyn waa in sharciga loogu dhaqmo sida uu yahay (Law as it is) ee aan laga dhigan hadba sida uu jecelyahay sarkaalka jooga xafiiska Jinsiyaddu islamarkaana la dabbaqo qodobka 8-aad ee dastuurka farqadiisa 2-aad oo u dhigan sidan:-

“Kala sarraynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga, dhalashada iyo deegaanku waa reebban yihiin, isla markaa barnaamijyada lagu cidhib tirayo dhaqamada xunxun ee soo jireenka ah waa waajib Qaran”.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories