Home“Sharciga Ciddina Kama Sarayso, Saxaafadduna Waa Inay Anshaxa Ilaaliyaan” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

“Sharciga Ciddina Kama Sarayso, Saxaafadduna Waa Inay Anshaxa Ilaaliyaan” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland  Prof.  Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa  ugu baaqay saxaafadda in ay ilaaliyaan anshaxa Suxufinimo iyo  xeerarka dalka u yaalla, waxa uu sheegay in go’aankii uu dhawaan ku sheegay inaan saxaafadda la iska xidh-xidhi Karin, aanay macnaheedu ahayn in qofkii khalad gala aan tallaabo laga qaadaynin.

Aadan Xaaji Cali ayaa sidan ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyay  Tabobar uu u furay Koox garsooreyaal ah  oo loo tabobarayayo takhakhuska  qaadista dacwadaha xasaasiga ah, kuwaasi oo ka kala yimid gobollada dalka.

“Maalin dhawayd waxaynu  qaadanay in aanay ciddina   sharciga kama sarayso oo marka hore dacwad lagu furo Saxaafadda,  dabadeedna ay is-difaacaaan oo  wixii lagu helo markaa lagu xukumo. Laakiin aan la iska xidhin iyagoo aan dacwad laga furin. Arrintan macnaheedu maaha,   cidna lama dacwayno markaa waxa loo baahan yahay saxaafada laftigeedu in anshaxa iyo akhlaaqda iyo xeerarka ay ilaaliyaan.

Marka la leeyahay marka  hore yaan la xidhxidhin,  macnaheedu waxa weeye in fursad loo siiyo in ay is-difaacaan,  waxa  lagama maarmaan ah  in xeerarkooda dib u eegaan, akhlaaqda saxaafada ilaaliyaan oo ay samaystaan Guddidii iyaga looga dacwoonaya,”Ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Waxa uu ku booriyay Saxaafadda Somaliland inay  noqdaan xirfadleyaal koraya, waxaanu yidhi  “Duniddu wixii dagaalkii labaad ee adduunka  ka sokeeyay,   Saxaafadda hab gaar ah  ayaa lagula dhaqmaa.  markaa waxa loo baahan yahay saxaafadduna  inay korto,  xeerkoodana  dib u habeeyaan.”

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories