HomeShaqo-la’aanta dhalinyarada & Tahriibtu waa laba isku lammaan - Faallo: Khadar Jaamac...

Shaqo-la’aanta dhalinyarada & Tahriibtu waa laba isku lammaan – Faallo: Khadar Jaamac dirir

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

dirirSomaliland waxaa dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dadkiisa haysta ka mida shaqo- la’aan baahsan, maadaama ay aad u yar yihiin fursadaha dalka dhexdiisa shaqooyinka lagaga heli karo.

Shaqo la’aanta oo ah aafo saamaysay guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa si gaar ah u taabatay da’yarta haba ugu darnaadeen kuwooda wax bartay maadaama ay dhaxalsiisay niyad jab iyo in ay ka rajo dhigaan yoolal badan oo ay higsanayeen si ay noloshooda u horumariyaan.

In badan oo kamid ah dhalinyarada Somaliland wiilal iyo gabdhaba uma suurtagasho in marka ay dugsiyada sare iyo Jaamcadaha ka baxaan ay shaqooyin helaan, waxayna arintaasi ku beertaa in maankooda ay kusoo dhacaan fikrado hor leh kuwaas oo mararka qaar ay naftooda halis u geliyaan.

Qaar badan oo ka mid ah barbaarta ay shaqo-la’aantu deriska u noqotay waxaa soo wajaha dhibaatooyin nafsi ah waxayna ku dhacaan falal denbiyoodyo amaanka liddi ku ah, badbaadada naftoodana khatar ku ah, qaarkood Burcad badeed ayey noqdaan, qaarka kalena waxay u sahay qaataan sidii ay ugu hayaami lahaayeen dalalka Qurbaha oo ay aaminsan yihiin in ay ka heli doonaan nolol dhaanta tan dalka taala iyo weliba shaqooyin ay hanti fiican ka helaan.

Hadaba si aannu ugu kuur-galno dhibaatada shaqa la’aantu ay dhaxalsiisay dhalinyarada Somaliland ayaa waxaa noo suurtagashay in aan noloshooda ka wareysano qaar ka mid ah da’yarta Somaliland, kuwaas oo ka xog- waramaya dhibaatada ay shaqa la’aantu baday iyo sida ay mustaqbalkoodii ifayey mugdiga u galay

Xasan  Macalin Daa’uud wuxuu ka mid yahay dhalinyarada ku nool magaaladda wuxuunna waxbarashada dugsiga sare dhamaystay sannadkii 2006, intaas kadib wuxuu ku biiray mid kamida Jaamacadaha dalka ku yaal oo uu mudo afar sanno ah dhiganayey kana qalin jebiyey isagoo bartay Culuumta Engineerinka

Xasan oo mudo 4-sanno ka badan shahaado Jaamacadeed sitey waxa uu sheegay in aanay u suurto gelin in uu helo shaqo uu ku qanco wuxuuna intaas raaciyey in iyada oo fursadaha shaqooyinka lagu heli karaa ay iskaba yar yihiin hadana caqabada kale ee dadka aqoonta ay ku shaqeystaan leh hortaagani ay tahay in dadka wax shaqaaleeyaa ay muhiimada 1-aad siiyaan dadka ay xigtada ama asxaabta yihiin “Inkasta oo in shaqo la helaa ayba iska adag tahay hadana waxaa arinta sii murgiyey waxa soomaalidu qaraabo-kiilka u taqaan oo ah in qofba qofka xiga uu wax la doono halkaasna ay dad badan oo shaqo doon ahaa aqoonna lahaa ay meesha kaga baxaan.”Ayuu yidhi Xasan

Ducaale Axmed oo isna kamid ah barbaarta ay shaqa la’aantu  saamaysay ayaa nooga xog waramay waayaha noloshiisa “Markii aan cilmiga soo bartay waxaan maankagaya ku soo dhacday in aan beri shaqo tagi doonno, laakiin arrintaasi waxay noqotay goronyeyo gabal-baasi ku dhac, maadaama oo yoolkii aan higsanayey ay ku soo idlaatay rejo la’aan ka jirta xaga shaqo-la’aanta.”Ayuu yidhi Ducaale

Cali Xaaji waxa uu sheegay in uu dalka Liibiya  uu dhowr jeer u tahriibey si uu ugu sii gudbo dhinaca dalka Talyaaniga oo ay qaar ka tirsan, balse nasiib darro waxa uu sheegay in marna aanay u suurta gelin in uu gaadho dalka Talyaaniga “Markii aan shaqo ii qalanta waayey dantu waxay igu khasabtay in aan naftayda ku samirsiiyo in maalin uun ay fursadi isoo mari doonto, balse hadda sida ay saadaashu tahay shaqa la’aanta haysata aniga iyo dhalinyaro badan oo ila mid ah u malayn mayo inay tahay mid xiligan xal loo heli karo…” ayuu yidhi Xasan Xaaji

Sidoo kale dhalinyaro badan oo la mida oo sidan oo kale duruufaha adag ee shaqola’aantu ay u soo food saareen ayaa doorbiday in ay galaan fal denbiyeedyo hadii ay shaqooyin wanaagsan heli lahaayeen aanay marna ku hamiyeen oo ay Burcad badeednimaduna qayb ka tahay iyadoo ay jiraan qaar badan oo naftoodii qaaliga ahayd waayey iyaga oo dhaqaale raadis ah oo dalkoodii hooyo ka waayey nolol maalmeed ku filan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories