HomeKulan Dib Loogu Eegayay Qaabka Ay U Socoto Diiwaangalinta Codbixintu Oo Madaxtooyada...

Kulan Dib Loogu Eegayay Qaabka Ay U Socoto Diiwaangalinta Codbixintu Oo Madaxtooyada Lagu Qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
blankblankblankblank

 Hargeysa(Slpost)-Shir gaar ah oo ku saabsan habka uu u socdo barnaamijka Qaranka ee diiwaangalinta codbixiyaasha oo haatan maraysa Saaxil, Gabilay iyo Hawd, ka dib markii laga soo dhameeyay Togdheer iyo Awdal, ayaa lagu qabtay xalay  qasriga Madaxtooyada JSL.

 Shirkan oo uu gudoominaayay Madaxwaynaha  JSL, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, weheliyayna Madaxwayne ku xigeenka,  Mudane  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil  (Saylici), Gudoomiyayaasha  Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Wadani, Xubnaha komishanka doorashooyinka  oo uu horkacayo Gudoomiyaha komishanka, wasiirro iyo  Masuuliyiinta xukuumadda iyo  xisbiyada qaranka ka tirsan ayaa si qoto dheer loogu lafo-guray  sida diiwaangalinta  codbixiyayaashu ilaa hadda u socoto.

 Xubnaha  komishanka dooroshoyinka Qaranka (KDQ) oo  ahaa shan xubnood  uguna horeeyo Gudoomiyaha Komishanka  Mudane  Cabdiqaadir Iimaan Warsame  ayaa qeexay in ay diiwaangalintu sidii la rabay ee loogu talo galay u socoto, cidkastoo isku dayday in ay isdiiwaangaliso halmar wax ka badanna qalabka lagu shaqaynaayaa qabtay, sharcigana lala tiigsan doono .

 Xubnaha komishanku waxay ka digeen in caadiifad inna qaaddo oo habka ay diiwaangalintu u socoto la farafareeyo, loona ordo waxa loo malaynayo in ay gobol ama degmo gaar ugu badinayso.Waxay ku adkaysteen xubnaha komishanku in nidaamka diwaangalintu ee codbixiyayaashu yahay kan ugu fiican cadaaladda, laguna meel marin karo  tartan xor iyo xalaal ah doorashada loo balansan yahay 2017, hadii Eebbe idmay.

 Waxay caddeeyeen Xubnaha KDQ in nidaamka codbixiyayaasha loo diwaan galinaayo  aanay cidna uga horrayn caalamka Somaliland, kalsooni wayna lagu qabo in uu guulaysto habkani.

 Dhinacooda Xubnaha ka tirsan Asxaabta iyo Masuulliyiin xukumadda ahiba waxay tilmaameen inay kalsooni ku qabaan komishanka  dooroshooyinka iyo qalabka lagu shaqaynayoba, waxay rabaana yahay in tirada ugu badani ee codbixiyeyaashu is diwaangaliyaan, xaqa dastuuriga ah ee codbixiyeyaashana loo  ilaaliyo.Markii la qaadaa dhigay ka dib, waxa la isku dardaaray in habka lagu wado diiwaangalintu ay sideeda u socoto, Gobolada iyo Degmooyinka ay ka socotana lagu dadaalo in Goobaha Diwaangalinta lagu ururiyo si dadka ugu badani isku diiwaan galiyaan.

 Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland oo soo gunaanaday kulanka ayaa ku dardaaray ka qaybgalayaasha kulanka in Komishanka dooroshooyinka qaranka  lagu qaddariyo shaqada culus ee ay u hayaan Qaranka, komishanka dooroshooyinka qarankuna ay tixgaliyaan cabashooyinka aan ka hor imanaynin  wakhtiga iyo  habka shaqada diiwaangalinta loo qorsheeyay.

 ALLAA MAHAD LEH

 

Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories