HomeShaqaalaha Jaamacadda Hargeysa oo Shaqo-joojin Iclaamiyey iyo Shuruudo ay ku xidheen

Shaqaalaha Jaamacadda Hargeysa oo Shaqo-joojin Iclaamiyey iyo Shuruudo ay ku xidheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Jaamacadda HargeysaHargeysa (SLpost)- Shaqalaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa ka hawl-gala, ayaa shaaca ka qaaday shaqo-joojin buuxda, kaddib markii kooxo Arday ah oo Jaamacadda ka tirsan weerareen isla markaana khasaare naf iyo maalba isugu jirta ka geystaan jaamacadda.

Arday ka tirsan Jaamacadda Hargeysa oo qayb ka noqday khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Jaamacadda, ayaa maanta weeraray isla markaana dhaawacyo kala duwan u geystay Qaar ka mid ah shaqaalaha Jaamacadda halka sidoo kale khasaare laxaad leh la gaadhsiiyey Gaadiidkii shaqaalaha iyo macalimiinta Jaamacadda.

Sida lagu shaaciyey war-murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen Shaqaalaha ka hawl-gala Jaamacadda Hargeysa, waxa ay sheegeen in shaqo-joojinta ay sameeyeen kaddib markii ay u soo baxday in xaaladdooda Ammaan halis ku jirta, go’aansadeenna inaanay shaqada bilaabin inta cadaaladda la horkeenayo ciddii soo abaabushay iyo Dadka fuliyey weerarka Jaamacadda lagu qaaday.

War-murtiyeedka ay soo saareen Shaqaalaha Jaamacadda, ayaa u qornaa sidan:- “Shaqaalaha kala duwan ee Jaamacadda Hargeysa waxay la socodsiinaynaa dhammaan daneeyayaasha Jaamacadda in laga bilaabo Maanta 27 July 2015 ay sameeyeen shaqo joojin sababahan dartood:

  1. Markii ay soo wajahday Jaamacadda Hargeysa amni darro baahsan oo sababtay in dhammaan la sugi kari waayay amniga ardayda, Macalmiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda.
  2. Markii 17 kii June 2015 ay koox abaabulani soo weerartay shir wada jir ah oo ay lahaayeen gollaha sare iyo dhamaan maamulka Jaamacadda Hargaysa shirkaasi oo dhaawacyo halis ah loogu gaystay shaqalaha Jaamacadda iyo Xubno golaha wasiirada ah oo shirkaasi hogaaminayay (Wasiirka Caddaaladda iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka) – Isla markaana lagu boobay hanti ay xubnaha la weeraray haysteen.
  3. Markii manta 27 July 2015 oo imtixaanno ay ka bilaabmayeen mar labaad la soo weeraray Jaamacadda isla markaana gebi ahaanba jugo iyo dhaawacyo la soo gaadhsiiyay 20% kiiba shaqaalaha Jaamacadda, la burburiyay gaadiid dhan 120 gaadho oo ay lahayeen shaqaalaha, macalimiinta, maamulka iyo ardayda Jaamacadu.

Shaqaalaha Jaamacaddu waxay go’aansadeen in gebi ahaanba ay sameeyaan shaqo joojin maaddaama oo aanay sugnayn amnigooda, ka macalimiinta iyo ka ardayduba. Waalidka sharafta leh waxaanu u sheegaynaa in ay ardayda amnigooda sugaan isla markaana ardayda ka joojiyaan imaatinka Jaamacadda ilaa arrimaha amni ee Jaamacadda laga gaadhayo xal, isla markaana la sugayo amniga iyo kala dambaynta.

Waxaanu u sheegaynaa shaqaalaha iyo ardayda dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed soo gaadheen in aynu dhawrno isla markaana sugno halka shuruucda iyo cadaalada wadanku mariso dhibka ina soo gaadhaay.

Xukuumadda waxaanu ka codsanaynaa in ay cida abaabulka iyo dhibka ka wada Jaamacadda ay talaabo ka gaadhaan “Cadaalad raagtaa waa Cadaalad la burburiyay.

Nabad iyo Wada noolaansho ayaa horumar lagu gaadhaa.

NB: Shaqo joojintu waxay soconaysaa inta talaabo sharci laga qaadayo cidii dhaawacyada nafeed iyo maaliyadeed gaysatay iyo cidii soo abaabushaybam.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories