HomeShaqaalaha Dowladda ee laga maarmi karo iyo kuwa u nugul Safmarka Covid-19...

Shaqaalaha Dowladda ee laga maarmi karo iyo kuwa u nugul Safmarka Covid-19 oo la fasaxayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland, ayaa wareegto Salaasada maanta ay soo saartay, laguna socodsiiyey Agaasimeyaasha Guud ee laamaha kala duwan ee hay’adaha dowladda, waxa ay ku fartay in xaaladda xannuunka Covid-19 awgeed loo fasaxo shaqaalaha u nugul xannuunka iyo kuwa laga maarmi karo ee aan xilalka muhiimka ah u haynin qaranka.

blank
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe

Wareegtada oo sumaddeedu tahay CSC/XG/HSD/10.0340/2021, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda, lagu war-geliyey madaxweynaha Somaliland, Wasiirrada iyo Guddoomiyayaasha Wasaaradaha lyo Hay’adaha Dawlada, Guddida Komishanka ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Guddida Heer Qaran ee Xakamaynta Safmareenka COVID-19, ayaa lagu amray in la fasaxo dhammaan shaqaalaha Dowladda ee u nugul xannuunka Covid-19 iyo kuwa la nool xannuunada kale.

Wareegtada oo ka kooban Afar Qodob oo lagu xoojinayo dedaallada ka-hortagga faafitaanka Xannuunka Covid-19, ayaa u qornayd sidan:-

“Sidaad La socotaan waxa immika Inagu soo laba kacleeyay safmarka Cudurka COVID-19 oo khatar nafeed ivo geeri koobsaday, iyadoo taas maanka lagu hayana ahmiyadda ay qaranka u leeyihiin shaqaalaha dawlada lyo In Ioo fekero xoojinta badqabkooda caafimaad.

Sababahaas awgeed, waxaan halkan idinku wargelinayaa

  1. In shaqaalaha u nugul Safmarka Covld-19 ee ay ku jiraan kuwa da’doodu wayn tahay,
    kuwa xanuunada la nool iyo kuwo caafimaadkoodu aanu wanaagsanayn laga fasaxo
    goobaha shaqada oo guryahooda ku dhex shaqeeyaan ilaa war danbe iyo talo aan ka
    helayno Wasaaradda Caallmaadka.
  2. In Shaqaalaha aan xil iyo masuuliyad muhiim ah hayn ee looga maarml karo shaqada iyo shaqaale hoosaadka iyagana laga maarmikaro aad ku wargelisaan inay guryahooda joogaan muddo laba bilood ah. Waxaana wasaarad iyo hay’ad kastaa eegaysaa baahideeda shaqo hadba Inta ay shaqaale fasaxayso.
  3. In shaqaalaha guud ahaan lagu amro Inay soo xidhaan daboolka wejiga (Face Mask) Lana soo celiyo faraxalkii iyo dhammaan talaabooyinka ka hortagga si Ioo xoojiyo badqabka Iyo xaqiijinta caafimaadka shaqaalaha iyo guud ahaan dadka loo adeegayo si Iooga qayb qaato yaraynta faafinta safmarka COVID-19.
  4. In wixii agab yo qalab caafimaad ah Ioo fududeeyo Lana siiyo ahmiyad gaar ah in loo soo iibiyo si joogto Iooga isticmaalo goobaha shaqada.

Waxaan rajaynaynaa lnaad hawshaas xil wayn iska saartaan, iyadoo aanu Idinku amaanayno Sidaad horeba xil wayn isaga saarteen oo run ahaan wax wayn ka taray hoos u dhigidda faafista safmarka COVID- 19.

Allah ha Inaga badbaadiyo dhamaanteen safmarka Coronavirus.

AlIaa Mahad Leh
Farxaan Aadan Haybe
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories