HomeShanta Magaalo ee Yurub ugu Jeeb-siibka Badan

Shanta Magaalo ee Yurub ugu Jeeb-siibka Badan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

UE(SLpost)-Inta badan magaalooyinka Yurub waqtiyada dalxiisayaashu tagaan amma fasaxyada waxa aad uga qadhaabta jeeb-tuuga amma jeeb-siibka, kuwaasoo inta badan qofka aan la socon dhaqanka halkaas ka jira kala baxa hantida jeebka ugu jirta.

Tuugta dadka jeeb-siibta ee Yurub waxa ay u wada shaqaystaan koox koox, iyagoo isticmaala xirfad ay inta badan ku dhacaan dadka dalxiisayaasha ah ee ku sugan goobaha aadka u buuqa amma soo jiidashada leh.

Haddaba, shanta caasimadood ee ugu jeeb-siibka badan Yurub waxa ay kala yihiin:

Barcelona: 

Magaalada Bercelona ee dalka Spain oo inta badan caan ku ah dhismayaal qadiimi ah iyo xeebo loo dalxiis tago, dadka tamashle taga ahna ay aad ugu qulqulaan, ayaa maalintii waxa la diiwaangeliyaa in 300 dambi oo tuug jeeb-siib ah ka dhaco, taasina waxa ay keentay in magaaladan caan ku noqoto jeeb-siibnimada, adduunkana ugu jeeb-siib badato.

Meel kasta ood joogto tuuga jeeb-siibka ah wuu kugu heli kara, balse goobaha ay sida gaarka ah u bartilmaameedsadaan waxa la yidhaa Cathedral Square, Las Ramblas, Plaza Catalunya iyo Plaza Real.

Paris:

Caasimada dalka Faransiiska oo ka mid ah magaalooyinka ugu booqashada baan, ayaa dadka dalxiisayaasha ah waxa ay cabasho badan ka muujiyaan jeeb-siib koox koox u shaqaysta.

Taalada dheer ee la yidhaa Eiffel Tower, ayaa maalin dhan xidhnay sannadkii hore, kadib markii shaqaalaha goobtaas jooga ka mudaharaadeen tuug ka hawlgasha halkaas oo khaati ka dhigtay dalxiisayaasha.

Muusiyamka ugu booqashada badan adduunka ee Louvre ayaa sidoo kale sannadkii 2013 mar la xidhay, kadib markii tuugta jeeb-siibka ah si baas u dhacday shaqaalaha iyo dadka dalxiisayaassha ah.

Booliska Faransiiska ayaa sannadkii hore qaaday hawlgal ay ku bartilmaameedsanayaan, kuna qabqabanayaan tuugta jeeb-siibka ah.

Madrid:

Magaalada Madrid oo ah caasimada labaad ee Spain, ayaa iyaduna sida wargeyska MailOnline sheegay ka mid ah shanta magaalo ee ugu jeeb-siibka badan, taasoo waliba caan ku ah in ay hoy u tahay qabiil la yidhaa Bosnian.

 Afar haween ah oo hore uga aasaasay Barcelona koox jeeb-siibka caan ku ah ayaa watigan u soo wareegtay Madrid boqolaal kun oo qofna jeebsiibay.

Prague:

Magaalada Prague ee Jamhuuriyadda Czech, ayaa tuugta jeeb-siibka ah dadka ku xaddaan gaadiidka dadweynaha, sida basaska, tareenada iyo waddooyinka iyo goobaha dalxiiska, balse waxa tuugta jeeb-siibka ah ee magaaladan caan ku yihiin in ay qof qof u shaqaystaan oo aanay isku xidhnayn.

Rome:

Magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, ayaa Xafiiska Arrimaha Dibadda Ingiriisku ka qayliyey, kadib markii dadkooda aad loogu jeeb-siibay ama lagala baxay lacago iyo dukumantiyo ugu jiray jeebkooda.

Goobo badan oo dalxiiska, gaadiidka dadweynaha iyo waddooyin ah oo magaaladan ku yaala qofka aan dhaqankeeda garanayn waa uu dhacmaa haddii uu lugeeyo oo uu iska mushaaxo kaligii si uu u tamashleeyo.

Xigasho Maankaab

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories