Home“Shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta,...

“Shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya,” – Maxamed Kaahin

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay waxa uu sheegay in Shirci ahaan cidda keliya ee awood u leh magacaabista Guddiga Fulinta iyo Guddoomiye-yaasha gobollada ee Xisbiga ay tahay keliya Guddoomiyaha Xisbiga.

Maxamed KaahinMaxamed Kaahin waxa uu sheegay in sharciga iyo Dastuurka Xisbigu ugu ogolaanayo Guddoomiye Xisbiga ku-tasrufka awoodda Xisbiga uu siiyey, waxaanu tusaale u soo qaatay oo uu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo markii uu guddoomiyaha Xisbiga ahaa uu magacaabi jiray Guddiga Fulinta, Muuse Biixina maadaama uu guddoomiyaha yahay uu sharcigu awood u siiyey magacaabista.

“Madexweynaha Somaliland isagaa magacaaba Golaha Wasiirrada ninkii la jecel iyo ninkii la neceba distoorkaa siiyay, Madexweynayaashii ka horreeyeyna dastoorkaa siiyay, kuwa dambena distoorkaa siinaya, Gudoomiyahana Distoorkaa Siinaya, shaley Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Guddoomiye ahaa isagaa magacaabayay Guddida Fulinta, maantana Muuse Biixi ayaa ah, isaga ayaana magacaabaya,” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo maanta ka hadlayey shir-jaraa’id oo hoggaanka Xisbigu ku qaaddaceen go’aan Shir-guddoonka Shirweynihii 3aad ee Kulmiye ku shaaciyeen liiska Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddiga Fulinta.

Maxamed Kaahin waxa uu sheegay in xubnaha Shir-guddoonkii Shirweynuhuay si cad u jabiyeen qodobbo badan oo ka mid ah qoddobbada Dastuurka Xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi, “Waxay soo saareen Liiskii Ergooyinka oo Ergo walba degmooyinka soo jeediyey oo xubnihii Ergada Shirweynaha oo Waayeelkii iyo Waxgaradka Deegannadu u soo xusheen ayaa la soo saaray. Liiska immika halkan yaalla ee ay soo saareen waxaa ku yaalla xubno fara badan oo ay iyagu beddeleen.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories