HomeShalay cod la duubay ayaa lagu dirayay, maantana Hawada ayaa la isu...

Shalay cod la duubay ayaa lagu dirayay, maantana Hawada ayaa la isu soo marinayaa – W/Q: Xasan Axmed Abokor

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xasanGanacsiyada qaarkood baa qofka leh uun aan faa’iido u lahayn ee qofka macmiilka ah ee waxii uu u baahnaa ka helayna ay faa’iido u tahay. Marka macmiilku helo wax aan deegaankaas uu joogo lagu hayn ama aan suuragal ahayn in la helo, Ganacsadaha keenaa lacagta iyo faa’iidada ka sakow, waxa uu dadka ka helayaa duco iyo abaal.

Waxaynu halkan ku falaqayn doonaa ganacsade waqtiyo adag bulshadeena la soo dedaalay, duruufo adag oo ay ku jireena kala soo dabaashay.

Shirkaddani waxay dadka qurbaha jooga ee lacagta soo dira codkooda kaga soo duubi jirtay cajalad, kuwa ay u soo dirayaana codkooda ayay kaga duubi jireen cajalad in lacagtii soo gaadhay, Tusaale ahaan: Qof magaalada Jiddah ee Sacuudiga jooga ayaa boqol doolar u diraya walaalkiiya oo qaxoontigii itoobiya joogay ka tirsan, waxa qofkaas laga soo duubi jiray ‘Anigoo hebel hebel ah waxaan kuu soo diray boqol doolar oo aan kuugu soo dhiibay Maxamed’ marka uu soo gaadhsiiyo lacagtii qofkii joogay qaxoontiga waxa isna la dhegaysiinayaa fariinta codka ahayd ee laga soo duubay walaalkiisii Sacuudiga joogay iyadoo isagana laga duubaya xaqiijinta in lacagtii uu helay oo ah ‘anigoo hebel hebel ah waxa maxamed ii keenay lacagtii aad walaal ii soo dirtay oo dhan boqol doolar’.

Waxay ahayd baynu odhan karnaa xirfad aad u horumarsan marka aad garab dhigto waqtiga lagu jiray iyo duruufaha jiray. Waxaanay ahayd talaabo uu maxamed kaga qayb qaatay gurmadkii dadka qaxoontiga ahaa u baahnaayeen, waayo waxa markhaati ah inta qof ee iyagoon dab shidan lacag uu la soo baafiyay xeradii qaxoontiga ugu keenay Maxamed. Ducadoodiina waa ta uu ku helay horumarka iyo hantida uu maanta haysto.

Talaabadii taas xigtay waxay ahayd in shirkaddu dad wakiilo ah ka samaysatay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka iyo wakiilo qurabaha ah, kuwaas dalalka dibadda ka ha oo kuwa dalka gudihiisa ah telefoon ugu soo sheegayay in ay qofka hebel la yidhaa lacag u soo diray qofka hebel la yidhaa ee meel heblaayo degan, ka dibna wakiilka dalka gudihiisa ayaa baafin jiray qofka lacagtaas loo soo diray oo marka lacagta uu gaadhsiiyo ka soo saxeexi jiray in lacagtaasi soo gaadhay.

Waxa iyana waqtiyadii u danbeeyay shirkaddu la talaabsaday dunida casriga ahi horumarka ay gaadhay ee isticmaalka internetka amaba online-ka oo marka imika lacagta lagaaga soo diro maraykan isla daqiiqadiiba xarunta dahabshiil ee kuugu dhow aad ka helayso lacagtii laguu soo diray.

Maanta waxa shirkadda Dahabshiil daaha ka faydaysaa oo la filayaa in dhawaan si rasmiya loo wada isticmaalo habka ugu casrisan dunidan ee isku diriska lacagta oo ah in moobilka la iskuugu xawilo loona bixinay E-DAHAB, iyadoo qofka dunida halka ugu shishaysa joogaa isagoo gurigiisa dhex jiifa kuugu soo xawilayo waxa lacag uu kuu soo dirayo moobilkaaga adigoo isticmaalaya kaadhka Somtel.

E-DAHAB waxa uu kaga kalsooni badan yahay hababka kale ee moobilka lacagta lagu isticmaalo;

  • In marka aad lacagta ku shubanayso moobilkaaga aad tegayso xarumaha dahabshiil amaba Somtel E-Dahab oo lagu siinayo waraaq tilmaamysa in lacagtaas laguugu shubay moobilkaaga oo shaambadaysan,
  • In Account-ka aad ku leedahay Dahabshiil kuugu xidhmayo lacagta kuugu jirta moobilkaaga.
  • In shirkaddaha Dahabshiil iyo Somtel ay damiin kaaga yihiin hantidaada ku jirta moobilkaaga.

Gebogebadii waxaynu arkaynaa in Dahabshiil E-Dahabka uu maanta inoo sameeyay ka soo bilaabay E- Cod La duubaygii qaxoontiga uu inaga dhex baafin jiray, waxaana hubaal ah inuu waqtiyo adag inala soo dedaalay oo uu abaal ku leeyahay dadka iyo dalkaba oo ta kaliya ee aynu abaalkiisa ku gudi karnaa ay tahay in aynu wada isticmaalo habka isku dirista lacagta E-DAHAB,inagoo adeegsanayna kaadhka Somtel. Waxaanad ogaataan in tartankuna uu dan u yahay danyarta.

Xasan Axmed Abokor (Xasan Sonkor)

Hargeisa, Somaliland

+252 2 905 8949

+252 63- 4422309

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories