HomeSHACBIYOW, WAA UCID OO KA XOR AH XUURTADII FAYSAL – KU FARXA...

SHACBIYOW, WAA UCID OO KA XOR AH XUURTADII FAYSAL – KU FARXA ARAGTIDII JAMAAL IYO JIILKA CUSUB EE BEDDELAYSAY WADDANI IYO KULMIYE – W/Q: (Rasheed Ali Meigag Samater)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

rasheedMuddo aan dheerayn ayaan safar muddo igu qaatay ku soo kala bixiyay badiba gobollada iyo degmooyinka waaweyn ee dalkeenna Somaliland, anigoo muddadaas ururinayay aragtida siyaasadeed (Political Views Survey) ee shacbiga ku dhaqan gobolladaas iyo degmooyinkaas. Runtii waqtigu iima saamixin inaan Burco u dhaafo Bari – laakin waxan maray magaalooyinka Hargaysa, Burco Sheekh, Berbera, Balligubadle, Gebilay, Boorrama iyo Tog-Wajaale.

Baadhitaankaas shacbi weynaha aan waraystay 79.4% waxay ii sheegeen in codkooda ay siinayaan Jiilka Cusub (The New Generation) ahna Murrashaxa da’da yar ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein iyo Xisbiga UCID- waase haddii uu Faysal Cali Waraabe oo laba goor oo hore arkay mawqifka iyo dareenka shacabkaba, uu markan hanneeyo, Danta dalka, dadka iyo Xisbiga UCIDna ka hor mariyo hankiisa gaarka ah.

Dadkaa aan arkay waxay aad u rumaysnaayeen in isbeddel cusub oo keeni kara xal cusub, ama jiho cusub oo ka duwan aragtiyihii aan wax badan laga dheefin ee hore, aan marnaba laga filanayn Kulmiye – oo mar labaad xukunka ku soo noqda, amaseba Waddani oo Xukuumadda Kulmiye ay mar walba isku aragti dhow ahaayeen, balse laga filayo oo keliya, Fikirka Da’da yare ee u nugul fahanka iyo la qabsashada isbeddellada isdaba-joogga ah ee xaaladaha iyo siyaasadaha Dunida ee Aqoonyahan Jamal Ali Hussein.

Dareenkaa shacbiga waxa aad u sii xoojinaya, Wasiirro badan oo xukuumadda hadda joogta iyo Kulmiye ka tirsanaa, oo ficil iyo fikirba, ama shar iyo khayrba la qaybsaday – dhowaanna badhxay hoggaaminayana Xisbiga Waddani, kuwaasoo weliba shacbigu ka dheregsan yihiin inaanay Mabda’ ahaan kaga tegin Kulmiye ee ay  kaga tageen oo keliya kursiga ayaa nallaga riixay.Badhaxan wasiirrada soo digo-rogtay waxay sii xoojinaysaa dareenkii awalba shacbigu qabay ee ahaa in siyaasadda Kulmiye iyo Waddani aanay kala fogayn, oo aanay midkoodna haddii ay maamulka dalka qabtaan jeexi Karin toobiye siyaasadeed oo cusub – kana duwan fikradihihii ma-dhalayska ahaa ee siyaasiyiinta gabawday ee rubuc qarni muddo ka badan ragaadiyay siyaasadda dalkeena Somaliland.

Haddaba waxa shacbiga Somaliland bushaaro u noqonaysa, warkii uu Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID Mudane Engineer Xasan Osman Sabce warbaahinta ka sheegay maanta – in Faysal Ali Waraabe lumiyay xilkiisii guddoomiye ee Xisbiga UCID, laga bilaabo maantana xilkaasi lagu dooran doono shirka Golaha Dhexe.Waxa sidoo kale bogaadin mudan, magacaabistii dhowaan Murrashax Jamal u magaacaabay jagada Xooghayaha – Mudane Adan Suldan  CabdiRaxman Suldan Diiriye oo ah nin wax weyn ka tari dooona siyaasadda Jiilka Cusub.

Waxa hubaal ah, in shacbiga Somaliland muddoba naawilayeen, in sida keliya ee Somaliland kaga badbaadi karto Hoggaanka Kulmiye oo mar kale soo noqda, amaseba Koobbigiisa Waddani ay tahay – Faysal oo dib u joogsada, kuna farxa Xisbigii xisbiyada u da’da weynaa ee tacabka badani kaga baxay ee UCID oo ku guulaysta hoggaanka dalka – iyo Jamal Ali Hussein oo gadh-wadeen ka noqda salkana u dhiga siyaasadda baaxa-degaysa ee dalka iyo koboca dhaqaaleheenna maalin walba sii liciifaya.

Rasheed Ali Maigag Samater

(Hoggaamiyaha Xisbiga UCID U.K. Ahna-Xubin Golaha Dhexe UCID)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories