HomeShacbiga JSL Qarannimo Kuma Doorsan Karaan Qolonnimo!!

Shacbiga JSL Qarannimo Kuma Doorsan Karaan Qolonnimo!!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
  1. JSL waaQaran Guulaystay:

eng DeyrShacbiga JSL waxay marxalado iyo duruufo aad u adag u soo mareen si ay u xaqiijiyaan jiritaanka Qaranka Jam. Somaliland ee maanta taagan, taasoo guushiisii, gobannimadiisii, dawladnimadiisii iyo dheeftiisiibamaanta la wada hadhsanayo. Dhinaca kale, Ummadda karaamada leh ee Jam. Somaliland waxay maraxalado adag iyo waaye aad u qallafsanbakaga soo gudbeen waa nabad jacaylka, wada tashiga, isku-tanaasulka, is-qadarinta, qarannimada iyo danta guud ee ummadda oo loo tudho iyo cadowga JSL oo meel looga soo wada jeesto. Waa dhaqan suuban iyo tilmaamo togan oo Ummada JSL ay leeyihiin, taasoo lagaga dir-sooco ummadaha kale ee Gobolka geeska Afrika ku nool.

Shacbiga karaamada leh ee JSL iyagoo ku nool gobol ay Colaado iyo Khataro halis ahi ku gedaamanyihiin, haddana waxay ku guulaysteen inay ka wada shaqeeyaan nabad-gelyada iyo xasiloonida dalkooda. Waxay la dagaallameen arga-gixisada caalamiga ah, xag-jirnimada, budhcad-badeedda, ka hortagga boobka iyo wasakhaynta badahooda, ka hortagga colaadaha, iwm. Shacabka iyo Dawladda JSLwaxay hirgeliyeen, u hoggaansameen oo ay ku dhaqmeen nidaamka Dimuqraadiyadda, hannaanka xisbiyada badan iyo kob-cinta nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Midnimadu waa xoog iyo awood adag oo aanu cadow kasta loodin karin. Midnimada waxa lagu difaacaa karaamada, jiritaanka iyo xaqa ay ummadi u leedahay inay noqdaan Qaran jira oo madax-bannaan oo laga tix-geliyo bulshada caalamka. Haddii ay bulshadu mideeyaan maankooda, maskaxdooda, muruqooda iyo dareenkooda ummadnimo, waxa hubaal ah inay ka midho dhalin karaan hadaf iyo himilo kasta oo ay leeyihiin. Hadaf iyo himilo kasta oo ay ummadi leedahay waxa lagu gaadhaa waa Midnimada iyo Wadajirka Bulshada.

Dawladda iyo Shacabka JSL iyagoon weli aqoonsi ka helin bulshada caalamka, haddana waxay si buuxda uga soo baxeen masuuliyaddii iyo waajibaadkii ka saarnaa dalalka deriska ah iyo guud ahaanba bulshada caalamka. Jam. Somaliland waa Qaran Guulaystay oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay JSL ku sifowday muddo ka badan 23 sano!!

  1. Qarannimo Kuma Doorsan KarnoQolonnimo!!

Habar-Magaadle, Is-baahaysiga Jiidali, Sheekh Subeer Awal, ……, Waqtigan xaadirka ah waxa si cad u muuqda inuu socdo olole iyo mashruuc laga kala qaybinayo Ummadda walaaalaha ah ee samaha ku midowday. Waxa muuqata in qaybo ka mid ah bulshada JSL si weyn loogu guubaabinayo inay dib ugu noqdaan Astaanta Dib u dhacataasoo ah ku dhaqanka Qabiilka iyo Maan-dooriyaha Reer-hebelnimada.Ololahan dib loogu noqonayo Qubuuraha iyo Xumaha Qabiilka waxa dabada ka riixaya Siyaasiyiin ku Guuldarraystaymacnaha ay leedahay siyaasaddu iyoindhow-garaduuQabiilka iyo Reer-hebelnimadu u tahay Halbeegga iyo Minqiyaaska jiheeya fikirkooda Siyaasiga ah. Qabiilka iyo Reernimadu waa Cadowga Koowaad ee ay leeyihiin Shacbiga JSL waxayna Carqalad weyn ku yihiin hanaqaadka dareen-wadareedka-ummadnimo ee bulshada mideeya, isla markaana waxay inaga hortaagan yihiin inaynu mudnaanta iyo ahmiyadda koowaadba siino waddaninnimada, midnimada bulshada iyo ahaanshaha Ummadnimadeena.

Waxa beryahan dhegaha Shacbiga Jam.Somaliland ka batay shirar doceedyo iyo shirar jaraa’id salka ku haya qabyaalad iyo reer-hebelnimo ay ka soo burqanayaan hadallo xambaarsan xiqdi, xumaan iyo kala fogeyn bulsho. Waxa dhegaheenna ka batay ereyo dhiillo, xaalad abuur iyo turxaanba leh oo ay si joogto ah ugu dhawaaqayaan rag iyagu ahaa haldoor oo la is lahaa dalkan cidina ugama lexejeclo badna, balse aad haatan moodo in iyagii garba-duub looga hayo duminta dalka iyo tafa-raaruqa bulshada. Wax badan baynu noocyada kala duwan ee war-baahinta ka maqalnay iyagoo nimankaa odayaasha ahi ay ummadda u saadinayaan belaayo iyo baas aan jirin. Wax badan baynu maqalnay iyagoo leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado.” “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.”

Waxaynu hadh iyo habeenba ka maqalnaa ama ka aragnaa noocyada kala duwan ee war-baahinta haddallo xad-gudub iyo deelqaafba ku ah cirdiga iyo sharafta M/weynaha Qaranka iyo Qoyskiisa, Xukuumaddiisana lagu weerarayo. Hadallada noocan ahi waxay gef, meel ka dhac, maan-gad iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee shacbiga JSL iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland.

Haddaba, waxa nasiib darro ah in bulshadeenna oo aynu oganahay waayaha iyo dhibaatada ina soo martay, uu hadana aad innooguyar yahayDareenka-Wadajirka Ummadnimooo ah sida keliya ee Qaran lagu dhiso, halka uuDareen-Wadareedka Qabiilka iyoMaan-dooriyaha Reer-hebel-nimaduuu bulshadeenna aad ugu xoog badan yahay, kaasoo ah cadowga koowaad ee Qarannimada. Ummadda JSL waa ummad jecel samaha, nabadda iyo wada-noolaanshaha; laakiin waxaa qori-dab-leh kula dhex jira Siyaasiyiin badan oo weli hankooda iyo damacooda siyaasadeedba uu ku salaysan yihiin Tollaay Yaa Reer Hebelaay. Waa Astaanta Guuldarrada Siyaasadda marka uu Siyaasigu saddex hab oo aan is-qaban karin (Qabiil, Qarannimo iyo Hannaanka Xisbiyada iyo Dimuqraadiyad) uu is yidhaa hal mar wada adeegso!! Waa ma dhacdo in saddexdan hab mar la wada adeegsado, hadafka iyo hiigsiga uu Siyaasigu leeyahayna sidaa laguma xaqiijin karo. Ma kula tahay nin qawaday inuu noqdo Siyaasi Qaran, inuu Qolonnimo bulshada Cod kaga heli karo ama uu Ummadda sidaa ku hoggaamin karo?? Shacbiga karaamada leh ee Jam.Somalilandwaxa u dhisan Qaran Guulaystay oo kasbaday Kalsoonidii iyo Karaamada Beesha Caalamka. Sidaa darteed waajibka iyo masuuliyadda koowaad ee Shacbiga JSL saarani waxa weeyi inaanay marnaba Qarannimo ku doorsaninQolonnimo!!

  1. Qiraalka Shacbiga ayaa ah Daliilka Guusha:

M/weyne Ahmed Silaanyo isagoo si cad uga tarjumaya Dareenka iyo Rabitaanka Shacbiga Jam. Somaliland, isagoo si cad uga tarjumaya ballanqaadyadii ay Xukuumaddiisu la gashay ummadda JSL, isagoo si dhab ah u dareensan baahiyaha aasaasiga ah ee ummaddiisa, Xukuumaddiisu waxay la timid Horumar muuqda, Himilo toosan iyo Hiigsi dhab ah.Shacbiga JSL ayaa gar-soore ka ah wax-qabadka iyo horumarka baaxadda leh ee ay xukuumaddani soo bandhigtay muddadaa 4-ta sano ah waana wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin. M/weyne Ahmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisu waxay indhaha iyo dhegaha beesha caalamka ku baraarujisay Muhimadda iyo Qiimaha ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo bulsho-weynta kale ee Beesha caalamkaba.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay la timid hadafkii iyo hannaankii Siyaasadeed ee Qaranka Jam. Somaliland uu kula gar-naqsan lahaa dunida, xaqa ay ummadda reer Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran xor ah oo xaq u leh aqoonsiga beesha caalamka.Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weyne Axmed Silaanyowaxay kor u qaadday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba. Sidoo kale waxa dib u soo noolaaday qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba.

Shacbiga ayaa Qiray waxqabadka iyo horumarka ay ku tallaabsatay Xukuumadda hadda talada haysaa, taasina waa Daliilka Guusha iyo Garowshiiyaha ugu Sarreeya ee ay Madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumaddiisu ka heli karaan Ummaddooda.

 

Jam.SomalilandHA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh,

 

W/Q:Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories