Home"Shacabkeygu wuu i aaminsan yahay, aniguna waan aaminsanahay waxa shacabkeygu uu aaminsan...

“Shacabkeygu wuu i aaminsan yahay, aniguna waan aaminsanahay waxa shacabkeygu uu aaminsan yahay” – Buur-madow

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Si fiican oo wanaagsan oo aad arki doontaan baa la iisoo dhaweyn doonaa, oo aan uga dagi doonaa, wax cafis ahna ma qaadanayo, sabab aan u qaatana ma jirto” – Boqor Buurmadow 

Muqdisho (SLpost)- Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo waxa uu ka mid yahay madax dhaqameedka Somaliland, ayaa 14 kii November ee sanadkaan tagay magaalada Muqdisho.

Wareysi uu siiyay BBC Somali, waxa uu ku sheegay inuu u Muqdisho u tagay heshiisiinta siyaasiyiinta magaca Somaliland xilalka kaga doontay Soomaaliya.

blankIntii uu joogay Muqdisho waxa uu ka qayb galay xaflad-beeleedyo dhawr ah oo uu ka jeediyay khudbado uu uga hadlay wada dhalashada iyo Soomaalinimada.

Boqor Buurmadoow waxa uu dhawr jeer ka hor yimid talaabooyin ay qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana ka mid ahaa go’aankii Somaliland ku soo musaafurisay qoysas ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo degganaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Buurmadow oo ka hadlayay munaasabad uu ku raali-galinayay dadkaas, oo ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa sheegay in uu lacag dhan boqol kun oo Doolar oo raali galin ah ku wareejiyay dadkii la soo barakiciyay.

“Dadkii walaalahayaga ahaa ee dhibaatadu ku dhacday ee gobolada Somaliland daganaa, ee naga midka ahaa ee sida aan habooneyn loo soo tarxiilay, in aan ka daba nimaano oo raali galino, oo aan ogaano sida xaaldadoodu tahay ayaan u nimid.

Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya in Boqor Buurmadoow oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland uu yimaado magaalada Muqdisho, isaga oo ka shaqeynaya arimo siyaasadeed. Dib ugu noqoshadiiisa Hargeysa ayaa ka mid ah waxyaabaha sida wayn la isku weydiinayo.

Mar BBC-du wax ka weydiisay in ay u qorsheysan tahay in uu dib ugu noqdo Hargeysa, waxa uu yidhi, “Wax danbi ah ma aanan galin. Wax siyaasad ahna kama qayb qaadan. Si fiican oo wanaagsan oo aad arki doontaan baa la iisoo dhaweyn doonaa, oo aan uga dagi doonaa, wax cafis ahna ma qaadanayo, sabab aan u qaatana ma jirto”.

Isagoo ka hadlayay gooni isu taaga Somaliland ayaa waxa uu yiri, “Madax-dhaqameedku haddaan nahay ma goyno mowqifka siyaasiga ah. Siyaasiin ayaanu leenahay. Shacabka ayaanu racanaa anaga. Shacabkeygu wuu i aaminsan yahay, aniguna waan aaminsanahay waxa shacabkeygu uu aaminsan yahay.”

Xukuumadda Somaliland ayaa hore tiraba laba jeer xabsiga u taxaabtay Boqor Buurmadow

Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa sanadkii 2018 ku xukuntay shan sano oo xabsi ah, balse markii dambe racfaan uu ka qaatay xukunka waxaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Muddo laba bil ah oo uu xidhnaa kadib, waxaa lagu soo daayay cafis madaxweyne.

Sababta loo xidhay Buurmadoow ayaa ahayd kaddib markii uu degmada Carmo ee gobolka Nugaal oo uu kaga qayb galay munaasabad lagu celeema saarayay Beeldaajaha deegaankaas uu ka sheegay arrimo ku saabsan Ciidanka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale sannadkii 2012 ayaa ciidamada booliska ee Somaliland waxay Buurmadow ka qabteen gegida diyaaradaha ee magaalada Hergeysa, isaga oo ka yimid Imaaraadka Carabta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories