HomeShacabka UK oo u codeeyey inay Ka Baxaan Midowga Yurub iyo Natiijooyinkii...

Shacabka UK oo u codeeyey inay Ka Baxaan Midowga Yurub iyo Natiijooyinkii u dambeeyey ee codeynta + Saamaynta ka dhalatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Shacabka waddanka UK, ayaa u codeeyey inay isaga baxaan Midowga Yurub oo dalkaasi ka mid ahaa muddo 43 sanno.

Sida ay tilmaamaysaan natiijada codbixinta oo shacabka dalkaasi shalay dhiibteen oo ilaa xalay la tirinayey, waxa ilaa hadda horreeya tirada dadka u codeeyey in dalkaasi ka go’o Midowga Yurub intii badan.

uk VOTEMagaalada London iyo gobolka Scotland ayaa si xooggan ugu codeeyey inay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub, balse waxa codadka dadka doonaya Midowga Yurub waxa hoos u dhigay natiijooyin aan buurnayn oo ka soo baxay Woqooyiga gobolka England oo ka gaabiyey intii laga rabay.

In kasta oo natiijada codbixintu tilmaamayso in dalkaasi ka go’ay EU-da, arrimaha ugu saamaynta badan ee wakhtigooda ka soo deg-degay waxa ka mid ah in lacagta dalkaas laga isticmaalo ee Pound-ku gaadhay heerkii ugu hooseeyey abid ilaa sannadkii 1985 marka loo eego Isku beddelka lacagta Dollarka.

Idaacadda BBC-da oo si toos ah u tebinaysa natiijada codbixinta, ayaa saadaalisay in UK ka baxayso Midowga Yurub intiisa kale..

Inkasta oo tirada codadka la tiriyey ay Isku dhow yihiin isla markaana kala horreeyaan Hal Milyan iyo dheeraad, haddana sida waajibku yahay, tirada codadka Ka Bixitaanka Midowga Yurub ayaa laga doonayaa inay dheeraadaan kuwa ka soo horjeeda codad gaadhaya 1,196,678 (Hal Milyan Boqol Lix iyo Sagaashan Kun, lix boqol todobaatan iyo siddeed).

HALKAN GUJI SI AAD ULA SOCO NATIIJADA

Waxa hadda la soo gabo-gabeeyey tirinta codadka la dhiibtay. Waxa ogolaaday in dalka UK ka baxo midowga Yurub 17,410,742 (todoba iyo toban malyan, afar boqol iyo toban kun, todoba boqol afartan iyo laba) oo u dhiganta Boqolkiiba 51.9 halka cadadka dadka doonayey inay ku sii jiraan Midowga Yurub noqdeen 16,141,241 oo u dhiganta 48.1 Boqolkiiba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories