HomeShacabka Somaliland oo saaka u dareeray Doorashadii u horeysay nooceeda ee dalka...

Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray Doorashadii u horeysay nooceeda ee dalka ka qabsoonta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Somaliland, waxa saaka oo taariikhdu tahay 31 May 2021 looga dareeray codbixinta doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha wakiillada iyo degaanka.

Shacabka Somaliland ayaa subaxnimadii hore ee saaka safar dhaadheer u galay sidii ay codkooda ugu dooran lahaayeen Xildhibaannada beddelaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaannada, waxaana goobaha qaarkood lagu arkayey safaf dhaadheer oo ay codbixiyeyaashu ku jiraan kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax.

Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka mid ah muwaadiiniinta subaxnimadii saaka codadkooda ka dhiibtay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha dowladda ee magaalada Hargeysa.

blankDoorashadan oo noqonaysa tii u horeysay nooceeda ee dalka ka qabsoonta maadaama mar kaliya la wada qabtay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada, waxa ka qayb-qaatay in ka badan Hal Milyan oo Codbixiye hore loo diiwaangeliyey.

Doorashada ayaa ku qabsoomaysa 23 degmo-doorasho oo guud ahaan dalka ah, kuwaas oo ay ku yaallaan 2,709 goob-doorasho, waxaana guud ahaan ka qayb-qaadanaya 798 murashax oo u tartamaya Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada, kuwaas oo ay ku jiraan 28 Haween ah.

blank
Madaxweynaha Somaliland oo codkiisa dhiibanaya

246 murashax ayaa u tartamaya 82-ka kursi ee uu ka kooban yahay Golaha Wakiillada Somaliland, halka ay Goleyaasha deegaanka u tartamayaan 552 murashax oo laga soo dhex-dooran doono 249 xildhibaan oo Goleyaasha deegaanka ah.

Doorashada Golaha Wakiillada ayaa noqonaysa tii labaad ee ka qabsoonta dalka tan iyo 2005-tii oo ahayd markii la doortay mudaneyaasha xilligan ku sii fadhiya kuraasida Golaha Wakiillada.

Halka Doorashada Goleyaasha Deegaanku noqonaysa tii saddexaad ee dalka ka qabsoonta tan iyo 2001-dii oo ahayd markii ugu horeysay ee Somaliland laga qabto doorasho shacabku codkooda wax ku doortaan, waxaana ugu dambaysay sannadkii 2012-kii oo la doortay Goleyaasha deegaanka ee wakhtigoodu dhammaaday.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories