HomeShacabka Somaalida Kililka 5naad Waa Inay Helaan Ismaamul Ka Wada Dhexeeya Kana...

Shacabka Somaalida Kililka 5naad Waa Inay Helaan Ismaamul Ka Wada Dhexeeya Kana Badbaadiya Xasuuqa Reeraysan Ee Jigjiga – W/Q: RASHEED ALI MEIGAG SAMATER

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

wwWaxa muddo dheer oo ku aroorta illaa iyo intii Somaalida ku dhaqan Kililka 5naad ay qaateen ismaamul daakhiliya, oo la mid ah Maamullada Qawmiyadaha Ethiopia, ayaa waxa si aad ah looga rajo qabay in isbeddelka cusub ee fedaaraalku horseedi doono nabad guud, iyo horumarkii muddada dheer ka baaqday ee ay ragaadisay colaadda muddada dheer ka taagnayd dhulka Soomalidu degto ee Ethiopia.

Dhaqdhaqaaqii hubaysnaa ee Tigreega ee uu hoggaminayey Malles Zinawi, ee iyagu ku guulaystay inay xukuumaddii Amxaarada ee Mengistu Haile Mariam kala wareegaan xukunka, ayaa aasaas ka ahaa in dhismaha Federaal Caddaalad ku dhisan, oo kor u soo qaada qawmiyadihii sida aadka loo liciifayay ee Tigreega iyo Somaliduba ka mid ahaayeen ay beddeli karto qorshayaashii goonni u goosadka ahaa, isla markaana daakhil hoosaad Federaal  oo leh dawlad dhexe oo qawmiyaduhu wada yeeshaan ay keento in aan mar dambe la is-gumaysan, oo marka nabadda,dhaqaalaha,tacliinta, iyo fursadahaba laga sinmo, xataa qawmiyad waliba iyadoon hub adeegsan si dimoqraaddi ah madaxbannaani buuxda u gaadhi karto hadday ku go’aansadaan.

Fikraddan oo uu aabbo ka ahaa Dr. Cabdi Majid (AHUN) oo ka tiirsanaa Somalidii Killilka ayaa noqotay mid qancisay Males Zinawi iyo madaxdii Tigreegaba, waxana dhidibada loo taagay Ismaamul Qawmiyad waliba leedaahay, marka laga reebo Eritrea oo iyagu ahaa xoog milateri oo muddo dheer madax-bannaani u soo dagaallamayay goonnina isu taagay.

Haddaba waxa talo fara-ka-haadday markii ismaamulkii federaalka ee Somaalidu gacanta u galay beel ka mid ah beelihii Killilka 5naad ku dhaqnaa, isla markaana Siyaasaddii cusbayd ee Federaalka ay u beddeleen habkii iyo dhaqankii xukunkii meesha laga saaray ee ku dhisnaa kala sarraynta, gobolaysiga,kala sooca iyo xasuuqa shacabka aan hubaysnayn.

Dadkii iyo beelihii Killilka ee rajada weyn ka qabay in Soomaali oo ismaamusha ay kaga nasan doonaan hagardaamooyinkii iyo dhibihii maamulkii hore, ayaa ku hungoobay maamulkii Federaalka ee ka dhismay JigJiga. Waxa joogto noqotay in dad Somaali ah oo xidhan drayskii dawladda oo la magac baxay “LIU POLICE Ethiopia” ay boobaan hantidooda, kufsadaan dumarkooda oo iyagoon u kala aabbo yeelin xasuuqaan shacab aan hubaysnayn oo dumar, carruur iyo cirroolaba leh. Hantidii iyo fursadihii Federaalka cusub ee Maamulka Jigjiga wuxu isu beddelay mid Beel keliyihi leedahay, ku faanto kuna horumariso oo keliya kolba dhulka inta ay beeshu ka degto, ciddihii iyo magaalooyinkii beelaha la deggaana Kililku waxay noqdeen goobo loo boob iyo dhac tago, jidh-dilka, caga-juglaynta iyo xasuuquna noqday mid maalin walba taagan.

Haddaba beelihii ku dhaqnaa Kililka 5naad iyagoo ka dhursugaya in wax is-beddelaan ayay muujiyeen dulqaad fara badan, marar bandanna ay u qayshadeen madaxdii federaalka ee Jigjiga. Inkastoo mar walba loo ballan-qaadayay, haddana inay ka sii darto mooyee waa ka soo rayn wayday.

Dhacdadii Bishan Ramadaan kowdeedii ka dhacday Gaashaamo iyo meelo kale oo Killilka ahba, ayaa arrintu gaadhay in inta dumar iyo carruur lagu xasuuqo guryihii ay ku dhasheen weliba lagu yidhaahdo ma barooran kartaan, maydka ma aasan kartaan haddii aydaan lacag bixin. Malaha Liu Police waxay illoobeen inay rasaastii kaga khasaartay dilkoodana ay lacagteedii ka qaadaan dadka dadkoodii la xasuuqay.

Arrimahan is-dul buuxiyay waxay markhaati ma doon ka yihiin, in Beel gaara oo maamulka loo daayo, ama Somaalinimo loo aamini karaa ay meesha ka baxday, ballanqaadyo loo sameeyo odayaal iyo cuqaalina ay soo dhammaatay – xalka keliya  ee hadhayna wuxuu ku soo gabgaboobayaa in Dawladda Dhexe ee Federaalka Ethiopia si degdeg ah u kala dirto ciidammada mamay ee Liu Policeka kuwasoo ceebeeyay dhaqankii ciidan dawladeed lahaan jirey, iyo inay Guddi u saarto muwaadiniintii maamulka Jigjiga gardarrada ku laayay oo dhan, isla markaana ehelledoodii iyo qoysaskoodii  magdhaw ka siiso iyo in ugu dambayn , Somaalida Killilka 5naad oo dhan loo suurto geliyo inay isugu yimaaddaan Dhismaha Maamul ka dhexeeya beelaha wada dega Killilka 5naad oo dhan kana badbaadiya dhiig iyo dhimasho intaa ka badan.                      

WA Billahi Tawfiiq

RASHEED ALI MEIGAG SAMATER

(Hoggamiyaha Jaaliyadda W. London

Ahna Xubin Golaha Dhexe EE Xisbiga UCID)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories