HomeShacabka Jabuuti oo Jimcaha u dareeraya Doorasho la filayo inuu markii 5aad...

Shacabka Jabuuti oo Jimcaha u dareeraya Doorasho la filayo inuu markii 5aad ku guulaysto Madaxweyne Geelle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shacabka Jabuuti ayaa Jimcaha Berri u dareeraya Codbixinta Doorashooyinka oo aanay ka qayb-gali doonin Xisbiyada mucaaradka oo hore u qaaddacay.

Madaxweynaha xilka sii haya Md Ismaacil Cumar Geelle, ayaa markii shanaad u tartamaya xilka madaxtinimada, waxaana la filayaa inuu mar kale guulaysto madaxweyne Geelle oo muddo 22 sanno ah majaraha u hayey talada dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

blank“Wax rejo ah kama qabno codbixinta, dad badan kama qayb geli doonaan, waayo waa doorasho dowladdu isku cumaamadayso,” sidaa waxa warbaahinta RFI u sheegay Cabdiraxmaan Maxamed Geelle oo ka mid ah siyaasiyiin ugu fadalka cad mucaaradka dalka Jabuuti.

Xisbiga talada haya ee Dalka Jabuuti, ayaa rejo fiican ka muujiyey in shacabka dalkaasi mar kale madaxweyne Geelle u dooran doonaan hoggaaminta dalka shanta sanno ee socda.

“Madaxweyne Geelle waxa lagu qiimayn doonaa wixii uu qabtay, rejo fiican ayaanu ka qabnaa maxaa yeelay wax wanaagsan ayuu qabtay hadday tahay dhinacyada dhaqaalaha nabadgelyada iyo caafimaadka,” sidaasna waxa sheegay Daa’uud Xaamuud oo ku hadlayey afka Xisbiga talada haya ee dalka Jabuuti 

Doorshada maalinta Berri looga dareerayo dalka Jabuuti, waxa madaxweyne Geelle kula tartamaya nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Zakariya Ismaaciil Faarax oo ololaha ku galay inuu wax ka qabanayo Shaqo la’aanta.

Madaxweyne Geelle ayaa markii u horeysay talada dalkaas la wareegay sannadkii 1999-kii, waxaanu si weyn ugu guulaystay doorashadii dalkaas laga qabtay sannadkii 2005-kii. Intuu xilka hayay muddo-xileedkaas waxa uu wax-ka-beddel ku sameeyey dastuurka si uu mar saddexaad ugu tartamo xilka, isagoo ku guulaystay doorashadii 2011-kii. Waxa uu mar kale isu-taagay Doorashadii 2016-kii isagoo ku guulaystay boqolkiiba 87 codadkii la dhiibtay.

Daahir Axmed Faarax oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee mustaafuriska kaga maqan dalka Jabuuti, ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashadan oo uu aamisan yahay inuu madaxweyne Geelle mar kale isku cumaamadayo.

“Wax isbeddel ahi kama dhalan doono doorashada, waa mid sharci darro ah. Laguma tilmaami karo Doorasho, waa doorasho isagu (Geelle) maamulayo oo isaga lagu qabtya,” sidaa waxa warbaahinta RFI u sheegay hoggaamiyaha xisbiga MRD Daahir Axmed Faarax oo tirada dhowr jeer la xidhay ka hor intii aanu dalka dibadda uga bixin.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories