HomeShacabka Itoobiya oo maanta u dareeray Codbixinta Doorashadii u horeysay oo Xor...

Shacabka Itoobiya oo maanta u dareeray Codbixinta Doorashadii u horeysay oo Xor ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- In ka badan 37 milyan oo codbixiyeyaal hore isu diiwaangeliyay ayaa maanta oo Isniin ah u dareeray goobaha codbixinta ee guud ahaan Dalka Ethiopia, waana doorasho muhiim u ah dalkan labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika.

Xisbiga talada haya ee Prosperity oo uu hogaamiyo raysal wasaare Abiy Axmed, ayaa soo sharraxay musharaxiinta ugu badan, iyadoo la filayo in uu ku guuleysto kuraasta ugu badan ee baarlamaanka.

blankRaysal-wasaaraha 44-jirka ah oo 2019-kii Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ku helay hirgelinta dib-u-habeyn dhanka dimuqraadiyadda iyo dhaqaalaha dalkaasi ah iyo heshiis nabadeed oo uu la galay dalka deriska ah ee Eritrea, ayaa sheegay in codbixintu ay tahay “isku-daygii ugu horreeyay ee doorasho xor ah xalaalna ah,” oo ka dhacda Ethiopia.

Laakiin doorashadan waxaa hadheeyay qaadacaadda qaar ka mid ah xisbiyada ugu weyn mucaaradka oo ku eedeynaya xisbiga talada haya dhibaateyn, cabsi-gelin iyo sidoo kale dagaalka wali ka socda gobolka waqooyi ee Tigray, halkaasi oo tan iyo bishii November ee sanadkii hore ay ciidamada dowladdu kula dagaalamayaan xoogag daacada u ah xisbigii gobolkaasi xukumi jiray ee TPLF.

Dagaalka, ayaa abuuray dhibaato bina’aadamnimo oo ka jirta Tigray, iyadoo ilaa 350,000 oo qof ay macluul waajahayaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.

Gobolka Tigray oo baarlamaanka ku leh 38 kursi ayaan wali la shaacin wakhtiga ay doorashadu ka dhici doonto.

Wareeg kale oo doorasho ah, ayaa dalka Ethiopia ka dhici doona bisha September ee sannadkan.

@BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories