HomeShacabka Hargeysa oo Mar kale soo Bandhigay Cuddudooda Taageerada KULMIYE Maalintii Afraad...

Shacabka Hargeysa oo Mar kale soo Bandhigay Cuddudooda Taageerada KULMIYE Maalintii Afraad ee Ololihiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa mar kale soo bandhigay cuddudooda taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo maanta taageerayaashiisu isu soo baxyo miisaan leh ka sameeyeen guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka maalintii afraad ee ololaha xisbiga.
Kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmooyinka magaalada Hargeysa oo isu soo baxa maalinta afraad ee xisbiga isugu yimi fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si laxaadleh u muujiyey miisaanka iyo cudduda aan la loodin karin ee xisbul-xaakimku ku haysto Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna dabbaaldegga ismuujinta kala qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirro ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin iyo saraakiil ka mid ah xisbiga, guddiga ololaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex iyo madax kale oo badan.
Guddoomiyaha Guddiga Ololaha Gobolka Maroodijeex ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Kijaandhe, Guddoomyaha xisbiga ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamed Iid Dhimbiil, Maayar-ku-xigeenka caasimadda Hargeysa Md. Cabdicasiis Maxamed Cagowayne oo khudbado ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyadda, ayaa si wayn ugu mahadceliyey shacabka caasimadda Hargeysa ee isugu soo baxay muujinta taageerada xisbiga KULMIYE, waxaanay kula dardaarmeen inay halkaa ka sii wadaan muujinta taageerada Gobolka Maroodijeex iyo cidday la jirto.
Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Duulista Md. Farxaan Aadan Haybe, Qorshaynta Md. Maxamed Ibraahim (Qaybo-tire) iyo Xannaanada Xoolaha Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo weliba Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa iyaguna ku bogaadiyey dadweynaha reer Hargeysa sida hagar la’aanta ah ee ay u barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa uu hoggaamiye Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Siilaayo oo ay ka warrameen waxqabadka ballaadhan ee uu ka hirgeliyey dalka muddadii uu xilka hayey.
Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, ayaa isna tilmaamay isu-soo-baxa taageerayaasha KULMIYE ee Hargeysa ka sameeyaan Hargeysa uu markhaati u yahay heerka miisaanka iyo cududda uu xisbigu ku leeyahay Gobolka Maroodi-jeex.
Ugu dambayntii, Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna murashaxa isla jagadaas mar labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo khudbad ka jeediyey fagaaraha beerta Xorriyada Hargeysa, ayaa si faahfaahsan uga warramay waxyaabaha ummadda reer Somaliland ku dooranayso xisbiga KULMIYE mar labaad oo isugu jira waxqabadka ballaadhan ee uu fuliyey muddadii uu talada hayey, miisaanka iyo waayo-aragnimada murrashaxiintiisa u tartamaysa hoggaaminta waddanka iyo qorshaha cusub ee xisbigu doonayo inuu ku maamulo dalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories