HomeShacabka Caasimadda dalka oo bannaan-baxyo ku muujiyey Midnimada iyo jiritaanka Somaliland iyo...

Shacabka Caasimadda dalka oo bannaan-baxyo ku muujiyey Midnimada iyo jiritaanka Somaliland iyo hadallada Masuuliyiintii ka qayb-gashay (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 22 January, 2012 (SLpost)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda iyo Hoggaamiyeyaashii sadexda xisbi qaran ayaa saaka dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa kala qeyb galay banaan bax weyn oo lagu qabtay fagaaraha Beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa, kaas oo lagu taageerayay qaranimada Somaliland isla markaana lagaga soo horjeeday shirkii Taleex.

Dadweynaha reer Hargeysa waxay Banaan baxan caalamka ugu bandhigeen dareenkooda ku wahayn adkaynta qaranimada Somaliland iyo sugida xuduudaha dalka.

blankMadaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlayay ujeedada banaan baxan wuxuu yidhi “Banaan baxani waa mid aan ku muujinayno dareenkeena aan ku taageerayno midnimada Somaliland, nabadgelyada iyo wada jirka Somaliland, waxaan doonaynaa inaan u muujino siday qaranimadeenu inagoo go’an tahay.”

blankMadaxweyne Ku xigeenku oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Markii xukuumadda cusub ee Somaliland xilka la wareegtay 27-kii bishii July uu xilka la wareegnay waxa Madaxweyne Siilaanyo ku baaqay in cid kasta oo wax tabanaysa uu gogol nabadeed u fidiyay, gogoshii nabaddu sidii ayay u fidsan tahay. Walaalahayaga Taleex ku shiray inay aqoonyahano, salaadiin iyo waxgaradba inay gogoshaas nabadeed Hargeysa ama Laascaanood u yimaaadaan ayaa ka qurux badnayd oo ay nabadda iyo horumarka nala taam-yeelaan.”

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin inay wada hadal la galaan cid kasta oo danaynaysa oo wax tabanaysa, waxaanu tilmaamay inuu xataa haddii xal lagu helayo uu kursigiisa u banaynayo danta qaranka.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu u mahad celiyay dadweynaha reer Somaliland ee dareenkooda ku muujiyay banaan-baxaasi.

blankKu simaha Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay banaan baxaasi ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba yeelaynin dad kooban oo dibada ka soo weeraray qaranimada Somaliland.

“Dadka ku nool Sool iyo Sanaag bari waa dadkeenii oo waa dad wax inaga dhaxeeyaan oo aynaan sina ku kala tagayn, haddii ay wax jiraan tabasho way jirtaaye’e waa laga heshiin,”ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Ku simaha Guddoomiyaha UDUB wuxuu ku baaqay inaanay Somaliland ku deg-degin ka qeyb galka shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Britain, waxaanu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa in shirka Ingiriiska lagu qabanayo aad looga tashado oo aan lagu deg-degin. Ingiriisku barigii hore waxaad moodaa inuu la jiray Somaliland laakiin imika waxaad moodaa inuu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya. Somaliland imika may curan ee waligeedba way jirtay anagu (Somaliland) la kulmi mayno Soomaaliya oo noqotay boqol fariiqo.”

blankGuddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay fagaarahaasi wuxuu sheegay inay iskugu soo baxeen si beesha caalamka loo tuso siday Somaliland uga midaysan tahay qaranimadeena waxaanu yidhi “Waxaan banaan baxan uga dan leenahay inaan caalamka tusno inaanay Somaliland diyaar u ahayn in qas la geliyo oo la kala googooyo.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanay Somaliland waxba yeeli Karin koox qurbo joog ah oo uu ku eedeeyay inay u soo tafo-xayteen sidii ay nabadgelyada bulshadooda u dhaawici lahaayeen.

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka SSCD Md. Kayse Cabdi Yuusuf,ayaa isna si qoto dheer uga hadlay waaqaca ka jira Gobolka Sool iyo go’aanadii ka dhanka ahaa midnimada Somaliland ee ka soo baxay shirkii Taleex. shirkaasi oo uu sheegay inuu ahaa markiisii hore mid ay beesha deegaanka Sool kaga arrinsanayeen danahooda dhaqan, hase ahaatee ay marin habaabiyeen koox yari.

blankGudoomiyaha Urur siyaasadeedka SSCD waxa uu canbaareeyay mudaharaadkii khasaaraha keenay ee shalay ka dhacay laas-caanood,kaasoo masuuliyadiisa uu dusha ka saaray xubnihii soo abaabulay shirka Taleex. Waxaanuu xusay in shacabka gobolkaasi ay maanta u baahan yihiin in laga gacan siiyo adeegyada kaabayaasha Nolosha sida: caafimaadka, waxbarashada, Biyaha iyo wixii la mid ah.waxaanu ugu baaqay dadweynaha gobolka Sool inaanay dheg u dhigin wax kasta oo midnimadooda wiiqaya kuna ridaya tafaraaruq iyo colaad.

blankGeesta kalena Wasiirrada arrimaha Gudaha Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Madaxtooyada Md. Xirsi Cali X.Xasan oo iyana halkaasi ayaa mark kale incaalmiyay in xukuumaddu Nabad ku baaqayso, kana soo hor jeedo wixii fad-qalalo iyo nabadgelyo xumo abuuraya.waxaanay sheegeen in gogoshii nabaddu ay sidii u taalo, xukuumaduna soo dhoweynayso fikir kasta oo maslaxad u ah qaranka.
Gudomiyaha Golaha wakiiladda Mud, C/raxman Maxamed Cabdilahi ‘ (Cirro) oo la hadlayey dadweynaha isu soo baxan ka qayb galay waxa uu sheegay,in Qaranimada Somaliland ay tahay waxaan gor-gortan geli Karin,xuduudaha Somaliland-na ay yihiin kuwii 1960 Qarankani lahaan jiray.

blankMd. C/raxmaan (Cirro) wuxuu intaa ku daray,in aan loo baahnayn af-kaaraha gurracan ee lagu kala qaybinayo shacbiga Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay nabad-gelyo darrada ka jirta dalka aynu deriska nahay ee somaliya,oo ay mushkiladaha ka taagan siyaasiysiyiintoodu sabab u yihiin.

Dhanka kale, waxa bannaan-baxyo noocan oo kale ahi ka dhaceen degmooyinka iyo magaalooyinka gobollada Maroodijeex, Awdal iyo Togdheer kuwaa oo ay shacbigu ku muujiyeen sida ay lama-taabtaanka u tahay madax-bannaanida iyo midnimada Somaliland.

Somalilandpost News

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories