HomeShacabka Burco oo Dunida Islaamka la wadaagay Bannaan-baxyo laga soo horjeedo Madaxweynaha...

Shacabka Burco oo Dunida Islaamka la wadaagay Bannaan-baxyo laga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Burco (SLpost)- Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxa maanta ka dhacay bannaan-bax salmi ah oo shacabka magaaladaasi dareenkooda ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubyada ka dhanka ah Nebi Muxammad (NNKHA) ee uu ku kacay Madaxweynaha Fararsiiska Emmanuel Macron.

Muddaharaadka maanta ka dhacay magaalada Burco, ayaa qayb ka ah muddaharaado kala duwan oo ka dhacay Dunida Islaamka kaas oo lagaga soo horjeedo ficillada foosha xun ee Madaxweynaha Faransiiska  uu kula kacay Nabigeena suubbaan (NNKHA), kaddib markii uu difaacay hab-dhaqannada xun ee sawirrada aflagaaddada ah lagaga sameeyo Nebi Muxammad NNKHA isagoo sheegay inaanu waddankiisu joojin doonin sawirradaas.

blankGanacsatada gobolka Togdheer, ayaa ballan qaaday in ay joojin doonaan badeecadaha ka yimaadda dalka Faransiiska, iyadoo tallaabadan oo kale laga sameeyey caalamka Islaamka intiisa badan.

Bannaan-baxyo ay shacabku shucuurtooda ku muujinayaan ayaa maanta ka dhacay meelo badan oo dalalka Islaamka ah, iyagoo ku dhawaaqayey kalmado ka dhan madaxweynaha Faransiiska iyo in la xajiro badeecadaha dalkaas. Dalalka Bangladesh, Libya iyo Falastiin ayaa ka mid ah waddamada dunida ee maanta laga sameeyey bannaan-baxyada ka dhanka ah Faransiiska.

blank
Madaxweynaha Chechnya [File: Natalia Kolesnikova/AFP]
Hoggaamiyayaasha dunida Islaamka qaarkood oo ay ku jiraan Iiraan, Sucuudiga, Jeejniya ayaa cambaareeyey dalka Faransiiska iyo Madaxweynahooda. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Chechnya oo ka tirsan Midowga Federaalka Ruushka, Ramzan Kadyron, ayaa madaxweynaha France ku eedeeyey in hab-dhaqankiisu ku dhiirri-gelinayaan dadka inay xag-jir noqdaan, kaddib markii uu yidhi in soo-bandhigista sawirrada lagu af-lagaadaynayo Nebi Muxammad NNKHA qayb ka tahay xorriyatul-qawlka.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa dalalka Islaamka ku dhiirri-geliyey inay joojiyaan badeecadaha uga dhoofa dalka Fransiiska, isagoo madaxweynaha dalkaas ku tilmaamay nin waalan oo maskaxdiisu aanay caafimaad-qabin.

Dalka Faransiiska oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay dalalka Yurub ee ay Muslimiinta ugu badani ku nool yihiin, ayaa inta badan lagu soo bandhigaa sawirro lagu aflagaaddaynayo Nebi Muxammad NNKHA iyo Diinta Islaamka, waxaanay xiisaddani sii xoogaysatay kaddib markii 16-kii bishan magaalada Paris lagu dilay Samuel Paty oo ahaa macalin maaddada Taariikhda ka dhiga Dugsi ku yaalla magaaladaas. Macalinka ayaa la sheegay inuu ardayda tusay sawir uu sheegay inuu yahay Nebi Muxammad. Dowladda Faransiiska ayaa Dilka macalinka ku xidhiidhisay Islaamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories