Home“Shacab iyo Dowladba Waxa Innagu Waajib ah Qorshihii aynu Ku heli lahayn...

“Shacab iyo Dowladba Waxa Innagu Waajib ah Qorshihii aynu Ku heli lahayn Koronto Jaban” – Wasiirka Maaliyadda JSL

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacab iyo dowladba dedaal lama-huraan ah loo galo helitaanka Koronto qiimaheedu jaban yahay.

Wasiirka Maaliyadda oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad ay wasaaradda Ganacsiga Somaliland ku daah-furtay barnaamij cusub oo loo dejiyey qaabka bixinta Liisamada Ganacsiga oo casri ah, waxa uu sheegay in shacabka iyo dowladdaba waajib ka saaran yahay sidii dalka looga hirgelin lahaa Koronto Qiimaheedu jaban yahay.

Hadalka Wasiirka oo ka tarjumaya mowqifka Xukuumadda ee ku wajahan Qiimaha adeegga Korontada ee dalka oo ay bixiyaan shirkado gaar loo leeyahay isla markaana ay shacabku cabasho xooggan ka muujiyeen, ayaa ku soo beegmaya xilli uu kor u kacay qiimaha Halka Unit ee Korontada ah oo xilligan maraya $0.60.

Shirkadaha Bixiya adeegga Korontada, ayaa dhawaan qiimaha Halka Unit ee Korontada oo markii hore ahaa $0.50 ka dhigay $0.84 haseyeeshee waxa go’aankaas oo shacabku ka qayliyey joojiyey Komishanka Tamarta oo kulamo ay la yeesheen maamullada shirkadaha Korontada kaddib go’aamiyey in qiimaha Korontada lagu daro $0.10 iyadoo la tixgelinayo qiimo-bararka ku yimi Shidaalka Caalamka.

Shirkadaha Bixiya Adeegga Korontada oo ka biyo-diiday go’aanka xukuumaddu ku jaan-goysay qiimaha Korontada, ayaa ku hanjabay inay soo koobayaan wakhtiga isla markaana ay dhimayaan saacadaha 24-ka saacadood ah ee ay macaamiisha u adeegaan.

Guddi-hoosaadka Kheyraadka Dabiiciga ah, Deegaanka iyo Tamarta ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay shirkadaha bixiya adeegga Korontada oo ay ugu hanjabeen inay gole ahaan go’aan ka soo saarayaan.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Hadalka Wasiirka

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories