HomeSeylac & Jaziiradda Sacaadadiin - W/Q: Hibo Ciise Maxamed

Seylac & Jaziiradda Sacaadadiin – W/Q: Hibo Ciise Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Seylac

Seylac waa  magaalo leh taariikh gabowday oo ilaa qarniyo hore la dagenaa, haatana waa magaalo madaxda gobolka Salal. Waxey dhacdaa Waqooyi Galbeed Soomaliland,  Waa magaalo ay baddu kaga hareeraysantay dhinacyo badan waa meelaha ay aadka iskaga dhaw yihiin Djabuti & Somaliland. Seylac waxa loosii maraa wadooyin adag oo aan dhisnayn taasi ayaa keentay in ay noqoto meel go,doon ah wakhti xaadirkan.

Haddii Hargeysa laga baxayo waxa jira dhawr waddo oo loosii maro marka loo jihaysan yahey Seylac. waxa ka mid ah wadada ka baxda waqooyiga magaalada Hargeysa ee sii marta Dawga Cad iyo Dawga Camuud halkaas oo marka xeebta la gaadho dhinaca galbeed loo wareegayo waana wadada ugu sahlan. Waxa kale oo jirta in laga baxo wadada Galbeedka Hargeysa ka baxda taasi oo lasii maro magaalada Boorama halkaasna looga laabto dhanka waqooyi, halkaas oo lasii maro dariiqyo kala gadisan.

Marka aad  ka baxdo galbeedka magaalada Hargeysa  waxa aad sii maraysaa Abaarso, Arabsiyo, Gabiley, Kala beydh, Dilla, Tulli, Shirwac, Gorayo cawl, Boorama, Quljeed, Boon, Fadhi Xun, Fardo lagu xidh, Geerisa, Ceel-Gaal, Caasha Caddo, Tokhoshidabadeedna Seylac  masaafada ay isku jiraan Hargeysa & Seylac qiyaas ahaan  waxa weeyaan 388 KMwadooyinka qaar way ka yartahey, masaafadaa u dhaxeysa ayaaba cajaa,ib ah buuraha waaweyn ee laga gudbayo, banka iyo banaanada, dooxyada, xayaawaanka iyo abuuraha Illahey ee badan.

 saylac

Seylac madaama oo ay ka mid tahey magaalooyinka ay Soomalidu degto kuwooda ku teedsan Xeebta waxa ka muuqda ilbaxnimooyin iyo taariikho wakhtiyo fog laga joogo waxa ka mid ah Masjidka Qiblateynka oo ah Masjid leh laba qiblo mid u jeeda masjidul Aqsa oo ahaa halkii loo tukan jirey intii aaney soo bixin diinta Islaamku iyo qiblada labaad oo ah tu u jeeda dhanka Xaramka oo ah jihadii kama danbeysta aheyd ee uu jideeyay Illahey (SW). waxa la aamin sanyahay in ay Seylac tahey meelihii u horeeyay ee uu islaamku gaadhey Afrika, ka sakow barriga dhexe.

saylac2

Soo if bixidii Diinta Islaamka ka dib magalaada Seylac waxa iskaga danbeeyay maamulo kala gadisan oo ay ka mid ahaayeen Masaari, Cusmaaniyiin, Turki iyo ingiriis. wakhti dabadeed magaalada Seylac waxey noqotey magaalo ganacsi oo waxna laga dhoofiyo sida Hargaha & Saamaha, Bunka Ethiopia iyo balka, sidoo kalena laga soo dajin jirey Shaaha Timirta iyo Hadba wixii loo baahanyahay. Ilaa hadda Dekadii Seylac way shaqeysaa in kasta oo aanay ahayn mid dhisan oo dhaqdhaqaaqeeduna badan yahay.

saylac22

Dhismahani wuxu ahaa Kastamkii u horeeyay ee laga dhiso Degmada Seylac, waxa la dhisay wakhtigii dawladda Turkiga waxaana la dhisay wakhti ku siman 1813 kii. Waxa uu shaqeynayey ilaa wakhtigii Ingiriiska sida ay sheegeen dad deegaan u ah Degmadda Seylac.

Magaalada wax ka muuqda raadad badan oo ay ka tageen dawladihii iskaga danbeeyay sida dhismayaashii ay gali jireen meelihii laga maamuli jirey iyo dabcan meelo lagu kaydin jirey taariikhaha iyo kutubta aqoonta.

saylac12

Dhsimahan sawirka ka muuqda waxa la sheegay inuu ahaa maktabad lagu ururiyo buugaagta waxaana la dhisay taariikh ku siman 1818 isla Turkiga ayaa dhisay. Buugaagtii lagu kaydin jirey iyo halkii ay ku danbeeyeen cid ka war haysaa ilaa hadda ma helin.

Seylac waxey caan ku tahey ciyaarta Seylicida oo sida ka muuqata loogu magac darey, waa ciyaar dhaqameed ka mid ah ciyaaraha loogu jecelyahay gayiga Soomalida idil ahaaba lagana ciyaaro dhul badan oo Soomaalidu dagto.

Seylac waxa ay leedahay Dugsi Hoose Dhexe iyo Sare oo lagu macaabo Sacaadadiin oo xadhiga laga jarey 09/09/2010 . sidoo kalena waxa ku yaal dhisme loogu talo galey in ay ardeydu u hoydaan (Boarding).

saylac17

Dugsiga Hoose Dhexe & Sare ee Sacaadadiin

saylac173

Hoyga ardeyda Dugsiga Sacaadadiin oo ku yaala meel badda u jirta ilaa 20 Mitir.

Iyana waxaan meesha ka maqnayn Xarunta xanaanayta Hooyada iyo dhalaanka iyo xafiisyadii Dawladda dhexe iyo Hoose ba.

saylac13Dhismahani waa guriga Badhasaabka Degmada Seylac. Waxa dhisay Ingiriiskii.

Seylac waxa ku yaala Qubuuro dad la sheego inay sheekhyo ahaayeen ay ku aasan yihiin oo layidhi waa la siyaarta

saylac132

Jasiiradda Sacaadadiin

Somaliland waxa ku yaala jasiirada dhawr ah waxana ugu caansan baaxad ahaana inta la ogyahay ugu weyn jaziirada Sacaadadiin taasi oo u jirta Seylac masaafo siximada amaba laashku u soconayo ilaa 20 daqiiqo , Jasiirada Sacaadadiin waa meel aad u qurux badan waxa ay caan ku tahey Geedka loo yaqaano Qandalka oo ah geed aad u cagaaran oo soo jiidasho leh isla markaan aan is badelin gu, iyo jilaalba, waxa dhex mara gacan ay biyihiisu aad u degan yihiin.

saylac122Jasiiradani waa mid lagu noolaan karo, caqabada kaliya ee adkeynaysa ku noolaanshaheedu waxa weeye biyo la,aan. Waxa ku taal barkad uu dhisay Turkigu oo ay ku dhacaan biyaha roobku muddo badana ku taaley. Runtii waa meel ay naftu ku nasanayso deganaanshaha, bilicda, iyo nimcooyinka badan ee Eebe ku galadey.

Haddii aad raadinayso meel aad u dalxiis tagto waa meelaha ugu quruxda badan ee ku yaala Jamhuuriyadda Somaliland amaba geeska Afrikaba, waa deegaan uu Alle ku manaystey nimcooyin badan oo ay naftu ku xasileyso isla jeerkaasna wax buuq ah iyo dad badana aydaan isku arkeyn.

 

W/Q Hibo Ciise Maxamed

hibafaakhir@gmail.com

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories