HomeSepp Blatter Oo Iska Casilay Madaxweynenimadii FIFA

Sepp Blatter Oo Iska Casilay Madaxweynenimadii FIFA

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Zurich, (SLpost)- Madaxweynihii xidhiidhka kubada cagta aduunka ‘FIFA’ Mr Sepp Blatter ayaa ku dhawaaqay caawa inuu iska casilay xilkii todobaadkan uun loo doortay ee jagada ugu saraysa ahaa.FIFA

“In kastoo xubnaha FIFA ay i siiyeen codkoodii iina doorteen muddo xileed kale , muddadaasi ayaa u muuqan weyday mid shaqaynaysa maadaama aanay guud ahaan dunida taageersanayn.” ayuu ku yidhi Shir jaraaid oo caawa ka dhacay xarunta FIFA ee magaalada Zurich. “Waana sababtaas ta aan u dalbanayo shir degdeg ah oo ay xubnaha kongereska Fifa isugu yimaadaan si ay u doorteen cid xilka igala wareegta.”

Sepp Blatter: “Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo cid kastoo mar walba taageero ila garab taagnayd mudaddii aan xilka madaxweynaha Fifa soo hayay. Fifa wax badan ayay u soo qabatay kubada cagta.”
Waxay u muuqataa in Sepp sidaas ku soo af-jaray, 17 sanno oo uu soo ahaa madaxweynaha FIFA iyo sidoo kale ku dhawaad 40 sanno oo uu ka soo mid ahaa xubnaha ugu firfircoon xidhiidhka kubada cagta Caalamka.

Xidhiidhka kubada cagta Qaarada Yurub ee UEFA, ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aanka Blatter.

Platini, gudoomiyaha UEFA ayaa go’aankaas ku sifeeyey mid adag balse geesinimo ka muuqato.

“”Wuxuu ahaa go’aan aad u adag, go’aan geesinimo ah, iyo midkii saxda ahaa ee la rabay.”ayuu yidhi Micheal Platini oo warbaahinta la hadlay waxyar kadib markii uu soo baxay Warka iscasilaada Madaxweynuhu.

Dhinaca kale, gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Ingiriiska ayaa si jees jees ah oo aad moodo inuu u muuqdo mid ku guuleystay shirqool uu dhigay, u soo dhaweeyey Go’aanka is casilaada madaxweynaha FIFA.

Greg Dyke, gudoomiyaha FA-ga wadanka Ingiriiska, isagoo la hadlaya idaacada BBC, wuxuu yidhi: “Guud ahaan ururka Fifa wuxuu u baahan yahay dib u habayn, ururka oo dhami wuxuu u baahan yahay in dib loo eego dhaqaalihiisa. “Mustaqbalkii cadaalad iyo sinaan ayaa soo muuqday, laakiin go’aan weyn oo farxadeed ayaa maanta soo yeedhay.”

Dyke wuxuu sidoo kale xusay in Blatter intii uu xukunka hayay uu qabtay howlo dhawra ah oo wanaagsan, oo ay ku jirto in markii ugu horeysay koobka aduunka lagu qabtay Afrika sanadii 2010, wuxuuse sii raaciyey: “Dhamaan hawlahaasi waxay ku qabsoomeen ceeryaan muqus maasuq ah hoostood, maantana tii ayaa dhamaatay.”

Warbaahinta Ingiriiska oo colaada u badan iyo dagaalka aan kala go’a lahayn ee Blatter u taagnayd muddooyinkan u dambeeyey ayaa sheegaysa in is casilaadiisa si weyn loo soo dhaweeyey, waxaanay xuseen in ilbidhiqsigii ugu horeeyey ee uu ku dhawaaqay inuu jagada ka tagay, Twitterka lagu qaybiyey 324,000 oo fariimood oo soo dhaweyn ah.

Shaqo ka tagista Blatter ee Fifa ayaa ka dambeysay sida khudbadiisaba ku jirta, kadib markii dib u doorashadiisa ay ka horyimaadeen wadamo uu hormood u yahay wadanka Britain, kuwaas oo bangiyadooduna baadhis ku bilaabeen akoonada FIFA ee lacagahu u yaaleen, maadaama lagu eedeeyey musuq maasuq.

Somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories