HomeScotland (YES) iyo England (NO), keebaynu taageernaa? - W/Q: Faysal Cumar Madar

Scotland (YES) iyo England (NO), keebaynu taageernaa? – W/Q: Faysal Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

FaysalKhamiista barri ee 18ka Sebtembar waxay dadka Scotland qaadi doonaan talaabo taariikhiya. Waxaanay haystaan fursadii ay Aftida ugu qaadi lahaayeen in ay Madaxbanaani kaqaataan England iyo in ay kusii hoos jiraan Taashka Boqorada. Scotland waxa ay bari ka jawaabayaan su;aal fudud oo ah ma tahay in ay Scotland madaxbanaanaato?.

Aftida Scotland waxa ay xiiso wayn u leedahay dadweynaha ku nool daafaaha dunida oo eegaya dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyadeed iyo sida ay iskaga rogaan heeryadii gumaysiga ee uu ilaa Africa ku haystay. Sida naadirka ah qaaradan afrika wayku yartahay in laga xiiseeyo ka warhaynta go’aanka aftida Scotland waayo waxa guuxbadani ka taaganyahay dalal badan oo qaarada ka mida, hadana waxa ay fursad wayn u tahay sida loo maamulayo iyo dhaqdhaqaayada caalamiga ah eek a qayb galayaa Aftidaasi, waxay dhanka kale u tahay dhiirigalin dhaqdhaqaaqyada yaryar ee madaxbanaanida ah eek a socda qaarada ee ay ugu muhiimsanyihiin Somaliland iyo Zanzibar.

Somaliland oo gooni isku taageeda AFTI u qaaday 2001.taas oo natiijadeedii noqotay 97% in ay gooni isku taagto taasoo ay aad u amaaneen goobjogayaal caalamiya oo ka socday INITIATIVE & REFERENDUM INSTITUTE (IRI) iyo University of Southern California, waxaanay ku tilmaameen in Aftidaasi u dhacday si caadaalad ah iyo waliba daacadnimo ka muuqato oo waliba loo raacay ayay yidhaahdeen habka caalamiga ee laysla ogolyahay ee loo qaado doorashooyinka caalamiga ah.

Aftida imika Scotland laga qaadayaa maaha midku cusub qaaradan afrika kuwii ugu danbeeyay ee laga qaado waxa ugu danbeeyay tii south Sudan bishii January 2011 kii 99.57 boqolkiba ayku codeeyeen madaxbanaani, iyo tii Eritrea tiro taa leeg ay Ethiopia 1993 kaga go’een.

Guusha ugu wayn ee Somaliland ugu jirta Aftidani waxa weeyaan in ay waayo aragnimo ka helaan iyo in ay garankaraan hababka lamaro, marka laga eegayo qowaaniinta caalamiga ah inkastoo ay faraqwayni udhaxeeyo madaxbanaanida Somaliland iyo ta Scotland waayo? Dawladii Scotland iyo dawlandii England waxay galeen heshiis markii ay midoobayeen. Halka Somaliland iyo Somalia madawbadani ku jiro midawgii 1960kii. Hadana yeelkadeede waxa ay dunidu u laadahay wax ay uga dhigto caqabad in Somaliland madaxbanaani hesho marka laga eego xeerashii caalamiga ah.

Waayo Somaliland waxay qabsatay ka dib 1991 markii ay ka goday Somalia, waa ta horee waxay ka qaaday dadkeeda Afti ay ku muujinayso madaxbanaanida dadkeedu halka ayka joogaan, waxa kale oo iyana jira in aanay Somaliland iyo Somalia dhex oolin muran xaga xuduuda ah iyo in Somaliland qabsatay doorashooyin badan oo aan qarada inteeda badan ka hirgalin.

Hadaba inkasta oo aanay jirin in ay aqoonsadaan UNta iyo African Union waayo jimcada quruumuhu waxay dadbadani aaminsanyihiin leeyihiin in UN ku ay ka baqayaanin in nabada jilicdasan ee geeska ka jirtaa ay burburto halka ay AU ay iyadu ka baqayso marka Somaliland gooni isku taagto in buuqka dhalankarto dalal badan oo qaarada ka mida uu ka dhexjiro dhaqdhaqaaqyo gooni u goosi.

Inkasta oo aanay cadayn halka ay ka taagantahay xukumada Somaliland hawsha AFTIDA Scotland oo aad moodo in ay ku tahay laba daran mid dooro waayo? Hadii ay Somaliland tageerto Scotland in ay waayayso taageerada ayku qabto dawlada England oo xidhiidh jireen aha aka dhexeeyo iyo dalka Scotland ooay wadaagaan qadiyada gooni isku taaga oo ay ahayd in imika xidhiidh dhaw lasii samaysato si uu hadii uu ku guulaysto gooni isku taaga, oo ay waxbadan uga tari lahaayeen fagarayaal aanay Somaliland tagi karayn.

Su’aasha aadka u muhiimka ahi waxa weeyaan hadiiba aykala go’aan Scotland iyo England keebaa inaga noqonaya gumaystihii in haysan jiray ka hor 1960kii,maadaama oo iyaga oo wada jira xiligaa ina gumaysanyeen? Ma kulatahay in aynu labadaba la hadlikarno hadiiba ay laba dal kala noqdaan

Anigu waxaan ku talin lahaa in qarankeena Somaliland yeesho siyaasad cad oo lagaga hawlgalayo aqoonsi raadinta oo leh hab qeexan oo aynu kula hadlayno dalkasta oo danteenu gasho. Waxakale oo iyaduna lagama maarmaana in aynu ku dadaalno sidii sawir inaga iibgala dunida ugu bandhigno oo aynu yarayno hadii ayaynaan tirtirikarayn musuqa iyo qabyaaladan ina ragaadisay. Waxa kale oo aad u muhiima in la dhiso ciidamada qaranka iyo in kor loo qaado Somaliland nimada ama wadiniyada oo laga daayo in dadka loo nugleeyo in dadku ay meel dhaw ka taagnaadaan qadiyada qarankeena.

QALINKII:  Faysal Cumar Madar

faysalqumuj@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories