HomeSCOTLAND: Goobaha Codbixinta oo la xidhay iyo tirinta Codadkii la dhiibtay oo...

SCOTLAND: Goobaha Codbixinta oo la xidhay iyo tirinta Codadkii la dhiibtay oo socota. Maxaase laga filayaa?

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Codbixinta Scotland waxay socotaa, waxay go’aan doontaa mustaqbalka Britain oo kaliya maahee sidoo kale waxbay ka beddeli doontaa Yurub,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Glasgow (SLpost)- Waxa daqiiqado ka hor la soo xidhay goobaha Codbixinta, waxaana hadda socoto tirinta codadka la dhiibtay, taas oo go’aamin doonta in gobolka Scotland ka sii mid ahaan doonto Midowga Boqortooyada Britain ama inuu noqdo Waddan Madax-bannaan.

scotlandTirinta Codadka la dhiibtay ayaa la filayaa inay socoto ilaa caawa, waxaana la filayaa inay la shaaciyo oo ay ka soo horeeyaan natiijooyinka codadka laga dhiibta 32-ka degmo ee Scotland ka kooban tahay oo mid-mid ah, haseyeeshee waxa natiijada ugu horeysa la filayaa in lagu dhowaaqo subaxnimada Jimcaha Berri, waxaana ugu dambeyn natiijada oo dhammayestiran la sugayaa 5:30 GMT subaxnimo oo saacadda Bariga Afrika tahay 7:30 subaxnimo.

Tirada dadka codadkooda dhiibatay maanta, ayaa dhan 4,285,323 qof (Afar Milyan, laba boqol siddeetan shan kun, saddex boqol iyo saddexiyo labaatan), taas oo boqolkiiba 97 ka ah tirada dadka u diiwaangashan inay codkooda dhiibtaan.

Shuruucda Doorashooyinka waddanka UK, ayaa ka mabnuucaya warbaahinta dalkaas inay baahiyaan natiijo codbixin oo ka soo hordhacda wakhtigii loo muddeeyey ilaa guddiga doorashooyinku shaaciyaan natiijada ugu dambaysa.

Wasiirka 1aad ee Scotland
Wasiirka 1aad ee Scotland

 

Haseyeeshee, aragtiyo laga ururiyey dadweynaha Scotland wixii ka horeeyey intaanay u dareerin codbixinta maanta, ayaa iftiimiyey inay aad isugu dhow yihiin tirada dadka gooni-u-goosadka jecel iyo tirada doonaysa Midnimada UK.

Wasiirka Koowaad ee Scotland Alex Salmond oo hoggaaminaya gooni-u-goosata Scotland, ayaa codkiisa ka dhiibtay magaalada Aberdeshire ee Woqooyiga Scotland.

Waxa uu sheegay inuu qabo kalsooni ah in boqolkiiba 99 shacabka Scotland ay ku qanci doonaan natiijada ka soo baxda codbixinta.

brown
Raysalwasaarihii hore ee Britain, GORDON BROWN oo codkiisa dhiibtay (Wuxuu u dhashay Scotland)

 

“Codbixinta Scotland waxay socotaa, waxay go’aan doontaa mustaqbalka Britain oo kaliya maahee sidoo kale waxbay ka beddeli doontaa Yurub,” sidaa waxa yidhi madaxweynaha Faransiiska Hollande.

Haddii shacabka Scotland u codeeyaan inay noqdaan dowlad gooni ah, waxa ay soo gebo-gabayn doontaa muddo saddex qarni ku siman oo ay Boqortooyada UK ku midaysnaayeen England oo laga xukumo Dhaqaalaha iyo awoodda Milatari ee Britain.

Marka laga yimaaddo Scotland oo go’aankeedu natiijada codbixinta ku xidhan yahay, Boqortooyada UK waxa ku midaysan gobollada Wales, England iyo Northern Ireland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories