HomeSaynisyahanno Sheegay In Qaab-Dhismeedka Dadku Uu Is-Beddeli Doono Si Ay Ula Qabsadaan...

Saynisyahanno Sheegay In Qaab-Dhismeedka Dadku Uu Is-Beddeli Doono Si Ay Ula Qabsadaan Cimilada Iyo Duruufaha Adduunka Ee Soo Kordhay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London(SLpost)- Saynisyahan Ingiriis ah ayaa arbacadii toddobaadkii dhowaa sheegay in qaab-dhismeedka qolfoofka aadamaha uu hadda kadib isbeddel ku dhici doono, si uu ula qabsan karo isbedellada adduunka iyo deegaanka ku imanaya sida la filayo. Tusaale ahaan casriga labaad ee barafka oo ay saynisyahannada qaar qabaan in dunidu baraf ku dambaynayso, dadka oo degi doona meerayaasha kale ee aan dhulka ahayn, buuraha barafka ah ee cidhifyada dunida oo dhalaali doona, kadibna biyahoodu inta ay ku darsamaan badaha kordhin doonana biyaha badaha, taasina keeni doonto in baduhu ay ku faafaan dhulal ay magaalooyin iyo dalal imika jiraa ka mid yihiin oo bad isu beddeli doona.

Dr. Matthew Skinner oo ka tirsan jaamacadda Kent ee dalka Ingiriiska kuna takhasusay isbedellada abuur ee qaab-dhismeedka aadamaha ayaa sheegay in isbeddel uu ku iman doono qaabdhismeedka qolfkoofa iyo guud ahaan abuurta aadamaha lagu yaqaanno, sida in gacmuhu inta hadda ee dabiiciga ah ay ka yara ballaadhnaadaan, baabacooyinku weynaadaan faraha gacmaha iyo lugaha ee imika mid midka u kala furanina ay yeeshaan cad dhexe oo laba farood oo kasta isku dhejiya si ay ugu habboonaadaan dabbaasha.

Untitled1-150x150 Untitled-150x150

Matthew Skinner oo ah khabiir caan ka ah dalka Ingiriiska ayaa Daily Mail oo uu Geeska Afrika warkan ka soo xiganayo u sheegay in isbedelladan bilowgoodu waqti aan fogeyn bilaaban doono, laakiin isbedellada qaarkood gaar ahaan kuwa aadka u weyn laga yaabo in ay yimaaddaan boqollaal jiil kadib. Isaga oo sidoo kalana saadaaliyey in aadamuhu uu yeelan doono indho aad ugu dhow indhaha bisadaha si uu u yeesho awood uu gudcurka wax ku arki karo, weliba mararka qaarkood isaga oo biyaha hoostooda ku jira, kadib marka buuraha barafku ay dhalaalaan ee ay mararka qaarkood ku qasbanaadaan in ay biyaha ku dhex noolaadaan. Waxaa iyaduna suurtogal ah in jidhka ay fuusho dabaqad dufan ah oo ka sarraysa maqaarka taas oo ka hortegi doonta in biyuhu ay u gudbaan jidhka gudihiisa.

“Marka uu xilliga barafka ee labaad dunida ka dhaco, jidhka dadku waxa uu yeelan doonaa xaydh dheeraad ah, si uu awood ugu yeesho in ilayska aadka u yar ee qorraxda uu ka soo nuugo xaddiga Faytamiin D ee uu u baahan yahay, sidoo kale waxaa la arkaa in jidhka aadamuhu uu yeesho timo ka badan kana cufan inta hadda lagu yaqaanno” ayaa uu yidhi. Dr. Skinner. Isaga oo intaas ku sii daray in dadka sankoodu uu aad uga ballaadhnaan doono inta uu dabiici ahaan imika u badan yahay, taas oo u sahli doonta in uu qabsado shaqadiisa ah in hawada uu nuugayo uu diirimaad ka dhigo ka hor inta aanu gudaha jidhka u sii gudbin.

Ugu dambayntii Dr. Skinner waxa uu ka hadlay qaabka kale ee laga yaabo aadamuhu abuur ahaan in uu isu beddelo qolfoofkiisu haddii la dego meerayaasha aan dhulka ahayn, waxa aanu xusay in jidhku uu ku qasbanaan doono in uu yeesho qaab-dhismeed la qabsan kara nolosha aan cuf-is-jiidadka lahayn ee meerayaasha aan dhulka ahayn, “Taas macnaheedu waa in qofku uu yeelan doono gacmo dhaadheer iyo lugo gaagaaban, in ilkuhu gebi ahaan meesha ka bixi doonaan, suurtogalna ay tahayba in afkuna uu aad u soo ururo” ayaa uu yidhi Dr. Matthew Skinner.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories