HomeSaynisyahanno Muuska ka Sameeyey Daawo Lagu Dili Karo Fayraska HIV, Jooniska iyo...

Saynisyahanno Muuska ka Sameeyey Daawo Lagu Dili Karo Fayraska HIV, Jooniska iyo Hargabka

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Saynisyahan muddo badan ku daba jiray sidii ay daawo ugu heli lahaayeen faryasyo kala duwan oo sababa xannuuno halis ah, ayaa ku guulaystay in ay muuska ka soo saraan maado lagu dili karo cudur dhaliyaha jooniska (Hepatitis C), Hargabka iyo AIDS-ka.

Waxa khubaradan rajaynaysaa in daawadan cusub ay muhiim u noqon doonto in fayrasyo badan lagaga hortago, gaar ahaan in bina’aadamka ay ka difacaan cudurro halis ah.

Khubaradan waxa ay daawadan ka sameeyeen booratiin ay ka heleen muuska, gaar ahaan booratiin la yidhaa Banana Lectin amma ‘BanLec.’

Waa markii ugu horraysay ee muddo shan sanno ka hor ah arrintan daboolka laga qaado, taasoo la rajaynaayo in ay daawo muhiim ah u noqon doonto cudurka AIDS-ka, balse khubaradu waxa ay sheegeen in ay sababto saamayn aan la ogayn waxyeeladeedu intay leeg tahay.

Sidaa darteed, waqtigan waxa ay saynisyahannadu sameeyeen daawo cusub oo ay muuska ka soo saareen oo la yidhaa BanLec, taasoo la dagaalami karta fayraska, iyagoo ku tijaabiyey jiir, sidaa darteedna aan wax dhibaato ah lahayn.

Maadadan cusub ee BanLec ee khubaradu muuska ka soo saartay waxa ay xidhmo sonkoreed ku dhejinaysaa oogada fayrasyada adduunka ugu khatarsan, kadibn marka ay xidho fayraska, waxa ay ka dhigaysaa mid aan dhibaato lahayn oo si fudud hab-dhiska difaaca jidhku u dili karo.

Tijaabada lagu tijaabiyey jiirku waxa lagu ogaaday in maadadan ay jiirka ka dishay faryaska hargabka dhaliya, iyadoo aanu wax dhibaato ah dareemin amma aanay saamayn ku keenin.

Sidoo kale, daawadan laga helay muuska waxa ay la dagaalami karta marka laabka lagu tijaabiyey cudur dhaliyaha AIDS, Jooniska, gaar ahaan nooca C-da iyo hargabka.

Cilmi-baadhayaashu waxa ay aaminsan yihiin in daawadan xataa ay la dagaalami karto cudurka Ebola, iyagoo sheegay in dhammaan cudurradaas oo dhan lagu dahaadhaayo unugyo sonkor ah oo ka yimaada maadada BanLec ee muuska laga soo saaray.

Khubaradan waxa kale oo ay ka digeen in si joogto ah loo cuno muuska, maadaama aanu daawo noqonayn, balse daawadan si cilmiyeysan lagaga soo saaray.

“Waxa aan samaynay waa wax aad u xiiso badan, sababtoo ah maadadama BanLec waxa loo beddeli kara hab lagaga hortagi karo faryaska, taasoo aan si toos ah muuska looga heli karin haddii qofku uu cuno,” ayuu yidhi Dr. David Markovitz oo wax ka dhiga kulliyada caafimaadka ee Jaamacadda University of Michigan.

Dr. Markovitz iyo khabiirka la qoray ee Dr. Hashim Al Hashimi oo ka tirsan Jaamacada Duke University, ayaa sheegay in kooxdoodu in ay xal u heli doonaan fayrasyo badan oo daawo loo waayey, maadaama qaababkoodu is bedbedalaan sida hargabka oo kale.

Xigasho: Maankaab.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories