HomeSAYLAC: Xisbiga Waddani oo Duray Cashuuro Wasaaradda Maaliyaddu ku soo Rogtay Dadka u...

SAYLAC: Xisbiga Waddani oo Duray Cashuuro Wasaaradda Maaliyaddu ku soo Rogtay Dadka u Kala Gudba Xuduudka u Dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Saylac(SLpost):-Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si adag u cambaareeyey lacago dheeri ah oo wasaaradda Maaliyadda waaxdeeda gobalka Salal ee degmada Saylac ay ku soo rogtay dadka socotada ah ee u kala gudba Somaliland iyo Jabuuti, waxaana ay sheegeen in lacagahaasi ay yihiin kuwo sharci darro ah oo kaliya ku eeg dadka ka kala gudba xuduudka Lawya-caddo.

Guddoomiyaha gobalka Salel ee xisbiga Waddani Farxaan Maxamed Yuusuf, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Saylac ee xarunta gobalka Salal, waxaana uu carabka ku dhuftay in maamulaha wasaaradda Maaliyadda u qaabilsan gobalka Salal uu dhibbaato aad u badan oo isagu jira xadhig, cago-juglayn iyo handidaadba uu ku hayo shacabka gobalka iyo guud ahaanba kuwa Somaliland, isaga oo tibaaxay in hada uu ku soo rogay shacabka masaafurka ah ee ka kala gudba xuduudka Lawya-caddo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti lacago sharci darro ah oo aanay awoodi karin in ay bixiyaan.

“Aniga oo ah guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobalka Salal, waxa aan halkan ka cambaaraynayaa shaqaalaha wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Salal, gaar ahaan maamulaha Kastamka Saylac oo dhibbaatooyin fara-badan ku haya shacabka gobalka Salal iyo dadka Masaafurka ah ee ka kala gudba xuduudka Somaliland iyo Jabuuti. Maamulaha oo ugu hanjaba ama ugu cago-jugleeya shacabka gobalka Salal in uu awood dheeraad ah ka haysto dhinaca Madaxtooyada Somaliland oo inta madaxweyne Siilaanyo uu talada hayana uu joogayo, waxaana uu sida oo kale uu dhibbaatooyin fara badan oo isagu jira xadhig iyo cago-juglayn uu kula kacaa dadka u kala socda deegaanada Somaliland iyo Jabuuti isaga oo dusha ka saara cashuur xad dhaaf ah oo aanay qaadi karin, waxaana uu qofkiiba ka qaadaa lacag dhan 31 dollar iyada welibana aan cashuurtaasi ahayn mid sharci ah oo laga ansaxiyey golaha Wakiilada Somaliland kalina ku ah oo qudha xuduudka Lawya-caddo oo aan laga qaadin xuduudada kale ee Somaliland. Arrimaha kale ee cajiibka ah ayaa iyaguna ah in mareeyahaasi uu sida uu doono ugu tagri falo hantida umadda oo uu gobalka ka noqday Badhasaab, Taliye Qeybeed, Taliye Saldhigeed iyo Maayar.” Ayuu yidhi Farxaan.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Salal oo ugu dambeyn hadalkiisa sii wata, ayaa ugu baaqay madaxda wasaaradda Maaliyada Somaliland in si deg-dag ah ay wax uga qabtaan dhibbaatada uu shacabka ku hayo Maamulaha wasaaradda Maaliyadda ee gobalka Salal, isaga oo sida oo kalena tilmaamay in gobalka Salal uu yahay meelaha ugu badan ee uu sida aadka ah u saameeyey musuq-maasuqu, waxaana uu dhanka kalena xukuumadda u soo jeediyey in ay si deg-dag ah wax uga qabato cabashooyinka ka taagan gobalka Salal.

“Haddaba waxa aan ugu baaqayaa wasaaradda Maaliyadda Somaliland in ay wax ka qabato Maamulahaas, haddii kale waxaad u sheegtaan shacabka in gobalka Salal ka madax-bannaan yahay oo uu si toos ah looga xukumo Madaxtooyada, waxa kale oo aanu leenahay gobalka Salal waxa uu noqday meelaha ugu musuq-maasuq badan dalka, xukuumadduna dhagaha ayey ka furaysatay waana in si deg-dag ah wax looga qabtaa dhammaanba cabashooyinka ka jira gobalka Salal.”.Ayuu yidhi guddoomiyaha gobalka Salal ee xisbiga Waddani.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories