HomeSAYLAC: Dugsi iyo Ardaydiisa oo halis ugu jira Biyaha Badda oo kaabiga...

SAYLAC: Dugsi iyo Ardaydiisa oo halis ugu jira Biyaha Badda oo kaabiga u saaran iyo masuuliyiin Booqasho ku tagay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

saylacSaylac (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin oo ay weheliyaan Maamulka gobolka Selal, ka degmada Saylac iyo masuuliyiin kale, ayaa maanta kormeer ku sameeyey Dugsiga H/Dhexe ee Degmada Saylac oo halis ka soo wejahday Biyaha Badda oo ku soo dhawaaday Dugsiga, taas dhalisay cabsi ah in dugsigu baaba’o oo biyuhu soo gaadhaan.

Dugsigan oo ay dhigtaan arday tiro badan, ayaa ah Dugsiga kaliya ee ku yaala xarunta Gobolka Selal ee ee waxbarashada H/Dhexe, waxaana dhibaatada ay biyaha baddu ku hayaan Dugsiga iyo halista ka soo fool warbixin ka siiyey wasiirka Maamulka degmada Saylac iyo gobolka Selal oo sheegay in loo baahan yahay sidii gurmad deg-deg ah looga gali lahaa badbaadin Dugsiga iyo in laga karan-tiimeeyo biyaha badda inta aanay soo gaadhin bogcadda dugsigu ku yaallo.

Badhasaabka Gobolka Selal iyo Maayarka magaalada Saylac waxa ay sheegeen inay halis ku sugan tahay dugsiga H/Dhexe oo dhisme ahaan ugu xidha darafka magaalada ee dhinaca badda, halka dugsiga Sare ee magaaladu aanu waxba ka durugsanayn. Masuuliyiintu waxa ay sheegeen in wax ka qabashada biyaha badda ee ku soo fidaya Dugsigu ay ka xoog-roontahay awooddooda wax-qabad, balse ay inta awooddooda ah dedaalleen kuna sameeyeen Moosas aan laysku hallayn karin.

Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha oo warbixinta masuuliyiinta degmada iyo gobolka kaddib hadal kooban jeediyey, ayaa ka garaabay dhibaatada biyaha baddu ku hayaan magaalada Saylac, gaar ahaan dugsiga Hoose dhexe ee magaalada oo ka kooban fasallada 1aad iyo 8aad, isagoo soo qaaday halis ay ardaydu ugu sugan yihiin biyaha badda ee ka soo dhawaaday agagaarka dugsiga. Waxa uu wasiirku tilmaamay in dugsigu ubaahan yahay deyr iyo moosas xooggan oo lagaga gaashaanto burbur ku yimaadda dugsiga, waxaanu ballan-qaaday inuu xukuumadda gaadhsiin doono wixii baahiyaad ah ee jira.

DAAWO MUUQAAL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories