HomeSaxarraha Ayuu Ku Dhintay…!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Saxarraha Ayuu Ku Dhintay…!! W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

—————————————————————————————–

Waa 20 jir aan facii dhaafin,mana arkin intii nolashiisa soo martay dhib,kadeed iyo darxumo sabab u noqota inuu raadiyo nolol tan uu maanta ku jiro dhaanta.waxa uu nasiib u yeeshay inuu ku indho dilaacsado Waalidiin heegan u ah,kana jawaabaya dhamaanba baahiyaha nololeed ee lasoo darsa.waxa uu kusoo kacaamay dal uu ka hano-qaaday Sharciga iyo kala danbayntu.meel wali xabbadi ka dhacayso uma hoyan,inuu qoxoonti noqdana iskabadaa.

Waalidkii waxay dedaal badan ku bixiyeen sidii uu Wiilkoodu barri u noqon lahaa mid isagu is-anfaca,umadda kalena waxtara oo la mahadiyo mustaqbalka dheer iyo ka dhaw labaddaba.

Haddii cidi uun ay fursad u heshay helitaanka fursad nololeed oo ladan,isla markaana werwer iyo walbahaar ka dheeryahay,waxa uu ahaa ka haysta ee aanay cidina ugu manno-sheegaynayn.waxa uu ahaa shaqsi kaga tilmaaman Caruurta kale iyo dhalinyaradda uu la xaafadda yahay ama uu waxlabarto caalamaddo muujiinaya sida loogu hagar baxay ee looga dhawray dhib iyo darxumo deris la noqota.waxa xil weyn layska saaray korniinkiisa jidh-ahaaneed iyo kan maskax-ahaaneedba.

Waxa uu heli jiray fursaddo waxbarasho oo aanay heli jirin Ardayda dhiggiisa ah ee waxlabarata. Inta badan wax kasta oo uu doono,dubaaqiisuna jeclaado waa la siin jiray,waxaana laga ilaalin jiray inuu ku kacaamo deegaan iyo gurri ay ka muuqato colaad,khilaaf qoyseed iyo wax kasta oo loo arko inay mustaqbalkiisa saamayn taban ku yeelanayso.

Muddo ayaanu wada-ahayn arday goob waxbarasho usoo wada jarmaadda.waxa uu ahaa shaqsi dabeecad ahaan wanaagsan,shaqsi fur-furan,kaftan iyo xifaalo badan,dhalinta ay isku lodka yihiina si weyn uga dhex muuqda,rajaddiisa mustaqbalna u arka mid ifaysa,haatana nolol la mahadiyo ku jira.

Waxa uu dhameeyay waxbarshadii Dugsiga sare.waxa kale oo uu dhawr meelood oo waxbarasho ka bartay Xirfaddo iyo koorasyo la jaanqaadaya marxaldiisan waxbarasho.waxa soo dhamaanaya mudadii waxbarasho ee aanu wax wada dhiganayaynay,waxaana haatan loo diyaar garoobayaa is-sagootintii iyo qaadashadda Shahaadooyinkii iyo abaal-marinihii kale ee waxbarasho.

Wax walbaaba waxay kusoo idlaadeen jawi fiican iyo waji farxad leh,waxaana la wada qaatay kulano iyo casuumaddo sagootis ah,waxaana laysu rajeeyay mustaqabal fiican iyo in ruux kastaaba uu sii kordhiyo yoolkiisa waxbarasho iyo ka dhabaynta himiladda guud ee nolosha.

Dhawr tobaad ka dib,ayaanu ku kulanay badhtamaha Magaaladda Hargaysa.waanu is-xaal weraysanay.qof kastaba waxa u qorshaysan iyo talaabooyinka uu ilaa qaaday ayaanu isla soo qaadnay.anagga oo wali hadalkii sii wadna,isla markaana wali halkii aanu ku kulanay wada taagan,ayaa waxa mar kaliya afkiisa kasoo baxday inay qorshaha ugu jirto inuu bilaha soo socda dalka ka xamaan urursaddo,isla markaana uu rabo inuu naftiisa qaaliga ah ku biimeeyo Saxarraha lamadaagaanka Afrika iyo Baddweynta u dhexaysa Libiya iyo Talyaaniga!!!

Hadalkaas ayaa si weyn ii damqay,waxaanan ka codsay bal horta in aanu fadhiisano mid ka mid ah goobaha laga Shaaheeyo oo markaas noo dhawayd. Ka did markii aanu dhamaysaynay Shaah,Shaarab iyo cunto fudud waxii aanu dalbanay,ayaa waxaan si degan u weydiiyay waxa wakhti xaadirkan ku kalifaya inuu qaato go’aankaas aan saacidayn mustaqbalkiisa nololeed iyo inuu ku khamaaro Nolashiisan tacabka badan la galiyay,haatana la dhawrayo inuu abaalkii soo celiyo…?

Waxa uu ii sheegay haddalo inta badan ay dhalinyarrada wakhtiyadan danbe qabatin-tay tahriibtu ku andacoodaan,kaas oo odhanaya inay Dalka ka jirto shaqo la’aan baahsan,jihayn la’aan dhalinyaro iyo danayn la’aan mustaqbalka dhalinyaradda Dalka.waxaan isku dayay in aan siiyo hogo-tusaalayn badan oo ku aadan siday muhiimka u tahay inuu qofka dhalinyaradda ahi fahmo qiimaha uu dalkiisu leeyahay iyo haddii ruuxa bini’aadamka ahi uu ciiddiisa qawado aannu meel kalena waxba ka noqonahayn.waxaan ku dadaalay in aan u sawiro jidka khatarta badan ee ka horeeya iyo inuu ka waantoobo inuu naftiisa ku haligo xaaladaas kala garan waaga ah.

Runtii intii aanu wada fadhinay wuu ka garaabay dhaaman waxii talo iyo tusaale ahaa ee aan siiyay.waxaanu ku kala tagnay inuu dalkiisa aamino,waxii Allah u qorayna ay halkiisa ugu imanayaan.hawraarsan iyo gudoon ayaanu ku kala dheemaalay.

Iyada oo xaal sidaas yahay,ayaa waxa dhawr todobaad ka dib, goor danbe oo Habeenimo ah khadka telafanka igula soo hadlay Wiil aanu isku arday ahayn,isla markaana isku kaaya yaqaanay in aanu wada ahayn saaxiibo is-xaal og.waxa uu ii sheegay in Wiilkii aanu saaxiibka ahayn uu todobaadyo ka hor dalka ka baxay,isla markaana uu tahriibay.waxa uu intaas ii raaciyay in warar xogo-ogaal ah oo soo gaadhayaa u sheegeen inuu geeriyooday intii lagu sii jiray Saxarraha weyn ee Afrika!!!

In-naalilaah!!! Ilayn war xumi geed ma fadhiisto…!!! Habeenkaasi waxa igu noqday mid ka mid ah Habeenaddii igu murugadda iyo naxdinta badnaa ee nolashayda soo mara.aniga iyo hurdo waanu kala maagnay,waxaana I hor yimid hirar,humaagyo iyo musalsalo xusuuseed oo ku dherernaa saaxiibtinimaddii iyo waayihii wacnaa ee aanu soo wada qaadanay iyo halka ay maanta nolashiisii ku so af-jarantay.

Ilaahay dhamaanteen Khaatumadda,Khayr haynoogu khatimo!!!!

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Daacad409@homail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories