HomeSaxaafadu Eed kuma laha oo Maaha ta caytanta

Saxaafadu Eed kuma laha oo Maaha ta caytanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa haboon in Saxaafada laga daayo eedda had iyo jeer la huwinayo balse waxa haboon in tallaabo sharciga waa faqsan laga qaado cidda saxaafada siinaysa waraysiyada aan qiyamka waafaqsanayn iyo aflagaadooyinka oo dawladdu ay waajibkeeda qabsato. Waayo Saxaafadu waxay waraysataa cidkasta, waxaanay soo ban dhigtaa wixii jira laakiin saxaafaddu ma caytanto mana aflagaatooto.

Haddaba, waxaa maalmahan dambe saxaafadda (jaraai’ddada iyo idaacadaha) aad uga socda warar xambaarsan cabashooyin, cay, aflagaadooyin iyo haddalo kicin iyo abaabul dagaal oo ay faafinayaan rag ka tirsan ha’addaha dawladda Somaliland.

Dhacdadii ugu dambeysay ee ugu xumayd waxay ahayd tii uu kaga hadlayey ninka xildhibaan ka ah ee Cali Macalin Araye, oo Aflagaado, cay iyo fadeexad u jeediyey Dawladda Somaliland isla markaasna hadaladiisa ay aad uga muuqato abaabul dagaal oo uu ku doonayo inuu iska hor keeno beelaha khalkhalna galiyo nabad galyada iyo wada noolaanshaha beelaha reer Somaliland, isagoo ku tilmaamay doorashooyinkii dimuqraadiyadeed ee golaha deegaanka ee ka dhacay dalka 29 Nov 2012, waxba kama jiraan iyo inaanay sharciba ahayn isagoo ka mid ah golayaasha sharci dajinta ee ansixiyey sharcinamada doorashayooninka dimuqraadiga ah ee ka qabsooma dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Cali Macalin wuxuu marar horena kaga hadlay saxaafadda (Idaacadaha iyo Jaraaidka) isagoo oo durayey 2%-ka miisaanayadda ee dawladdu ku takaalayso gobolada bariga ee dhibaatooyin badan ragaadiyeen kuna tilmaamay mid eex ah oo xaqdarro ah. Markaad u fiirsato waxaad moodaa inuu ninkani aaminsan yahay inaanu jirin wax sharci ah lagu qaadi karo ama oo aanu wadanka sharciba ka jirin.

Haddaba, dawladda waxa waajibaadkeedu yahay inay ka hortagto gacan bira ah na ku qabato cidkasta oo si qaawan fagaaraha iga iclaaminaysa abaabul ka dhan ah deganaanshaha iyo wada noolaansha beelaha walaalaha ah ee Somaliland. Islamarkaasna waa in ninkan xildhibaanka ah la mariyo sharciga oo impeachment lagu sameeyo lagagana xayuubiyo maamuuska xildhibaanimada, lana horkeeno sharciga.

Allaa Mahadleh

 

Abdikani Ibraahim

 

Hargesa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories