Home“Saxaafaddu way Dadaashay Horumar badan ayey samaysay, Qaybaha dalka ee horumar ayey...

“Saxaafaddu way Dadaashay Horumar badan ayey samaysay, Qaybaha dalka ee horumar ayey ka mid tahay, Waanu Bogaadinaynaa” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost) Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa bogaadiyey saxaafadda Somaliland oo uu sheegay inay horumar baaxad leh ku talaabsatay.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay ilaalinta madax banaanida saxaafadda sidoo kale warbaahinta looga baahan yahay inay khalaadkeeda saxdo isla markaana ay birma gaydo yeelato.

aWasiirka ayaa arrimahani kaga hadlay tabar uu soo qabanqaabiyey ururka SOLJA oo khubado ay ka jeedinayeen Culimada dadka iyo khubro kaas kuu ku saabsanaa war tabinta togan.

Mudane Maxamuud Xaashi oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Ugu horayn Ilaahay ayaa ku mahad san halkan isu keen keenay, mar labaadka waxaan u mahd celinayaa madaxda ururka  suxufiyiinta SOLJA oo hawshan isku duba ridkeedka iyo hal abuurkeeda lahaa, waxa aan u mahad celinayaa dhalinyarada suxufiyiinta ah kulanka ka soo qayb galay iyo culimada barnaamijka ka hadli doona ee Sheekh Cabdilaahi Berberaawi ka mid yahay iyo kuwa iman doona ee lagu xusay inay qayb ka yihiin. Bil ramadaan oo khayr leh ayaa lagu jiraa, in aynu cibaadaysano, in aynu wax kala korodsano, in aynu ducaysano iyo inaynu isa saaamaxno intuba waa waajib, binu aadan ayeynu nahay waynu gafaynaa, gef ayeynu u bandhigan nahay, bani-aadamkana waxa u khayr badan kuwa gafka ay galaan ka soo noqda”

“Bulsho ahaan waxa aynu u baahan nahay inaynu is qiimayno, wixii inaga khaldan inaynu toosisano, Saxaafaddu way dadaashay horumar badan ayey samaysay, qaybaha dalka ee horumar ayey ka mid tahay, waanu bogaadinaynaa, waxaannu qiraynaa saxaafaddu inay waxbadan qarankan ku soo kordhisay, dhinaca siyaasada,  horumarka iyo nolosha bulshada, waxa kale oo iyaduna xaqiiq ah saxaafadeenu ma wada khaldana laakiin khaladaad ayey leedahay mana jirto cid ku doodi karta in aanay khalaad lahayn ama gef galin, mar bini-aadam ayaa tihiin oo waa gafaysaa oo qof qof ayaa u gafaysaan, marna Waax ahaan maysiga saxaafaddu wuu gefi karaa, sidaas oo kale ayaa dadka xilalka hayaana u gefi karaan ma aha macsuumiin, madaxweynaha qaranka ayaa gefi kara, waxa gefi kara kaaliyeyaashiisa, markaa in nolosha la qiimeeyo wixii khaldana la saxaa waa daw.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena itaasi ku daray “ Waxa aan doonayaa inaan bogaadiyo in waxa wanaagsan ee ay suxufiyiintu wadaan, iyo in aan ku baraarujiyo in dib u qiimeyn weyn laggu sameeyo saxaafadeedna oo khaladaanka yaryar ee ku jira laga waantoobo, khaladaadkuna wuu kala culus yahay qaar baa saameyn ku leh ammaanka qaranka, nolosha bulshada, nolosha dad qoysas ah, qaar baa saameyn ku leh dad ILAHAY sharaf siiyey, waxyaabahaas oo dhan in loo miidaan dayo, oo saxaafadeenu birma gaydo yeelayo ayaa muhiim ah, oo tiirarka dhaqanka iyo diinta ay ixtiraamto, sidoo kale saxaafadda in xuquuqdeeda la dhawro, xoriyada iyo xuquuqda saxaafadda iyo madax banaanideedna in la dhawraa waa waajib, in iyaduna ay dhawrto xuquuqda muwaadiiinta kale waa daw.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories