HomeSaxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo Kulan loo Dhanyahay ka Yeeshay Cabudhinta Xukuumadda...

Saxaafadda Madaxa-bannaan ee Somaliland oo Kulan loo Dhanyahay ka Yeeshay Cabudhinta Xukuumadda Siilaanyo ku hayso Warbaahinta, Bayaan-na ka soo Saaray Xukunka Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shir balaadhan oo ka dhacay hotelka Maan-soor oo ay maanta iskugu yimaadeen Hoggaanka Qaybaha kala duwan ee Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland oo ay kaga tashanayeen Go’aanka ay ka qaadaynayaan Xukunka Sharci-darrada ah ee Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ay maanta ku riday Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatire Xasan Xuseen Cabdilaahi ( Keef-keef) oo ay Maxkamadu ku Xukuntay Xadhig iyo Ganaax,  ayay Saxaafaddu ka soo saartay bayaankan:-

“Hadii aanu nahay Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxaanu Cod dheer ku cambaaraynaynaa  Xukunkaasi oo ahaa mid Cadaaldda ka fog, waxaanu u aragnaa mid sharci darro ah, sidoo kalena Gar-daro ah.

Xukunkan maanta lagu riday Madaxda Hubaal waxa loo Cuskaday Xeerka Ciqaabta Guud (Somali Penal Code), arrintaasi oo meel ka dhac ku ah Dastuurka Somaliland, iyo Xeerka Saxaafada Xeer No: 24/2004-tii oo si cad u qeexaya in Dacwada ka dhanka Saxaafada loo maro Xeerka Saxaafada iyo Xeerka Madaniga ah, Nidaamka dacwadani loo maray waxay muujinaysaa in sharciga la baalmaray isla markaana laga soo saaray Xukun Cadaalada ka Fog.

Saxaafada Madaxa Banaan Iyadoo Ogsoon in Mudo Laba Bilood ka hor Weerar Hubaysan lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, isla markaasina Dhaawacyo la Gaadhsiiyey Maareeyaha Wargeyskaasi Maxamed Caloolay, weerarkaasina ilaa hadda aanay jirin tallaabo sharci ah oo laga qaaday,  fal dambiyeedkaasi oo lagu Eedeeyey Xukuumada Somaliland, Xukuumaduna ilaa hada Eedayntaasi kama ay Jawaabin.

Wargeyska Hubaal oo dhibbane u ahaa dhacdadaasi Cadaaladna ka sugayey in Kiiskooda la dhagaysto waxa Nasiib darro ah in Xayiraad, Xadhiga iyo Ganaax layskugu darro. Waxa kale oo ayaan-darro ah in arrimahani ay dhacayaan iyadoo la wada og yahay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku lug leedahay.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland maaha Mid gar-diid ah, waxa ay diyaar u tahay inay sii waddo waan-waan iyo wada hadal ay kula jirtay Xukuumada Somaliland  si xal loogu helo Dhibaatadan taagan ee soo noq noqonaysa.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland waxay Xukuumada ugu baaqaysaa in si dhakhso ah Xoriyadoodii loogu soo celiyo Labadaasi Suxufi ee xidhan, isla markaana Xayiraadda laga Qaado Wargeyska Hubaal, waxa kale oo aanu ku baaqaynaa in Dacwadaha Saxaafada loo maro nidaamka Sharciga ah, si dhakhso ahna loo joojiyo Dacwadaha Saxaafada ee loo cuskado Xeerka Ciqaabta Guud.”

 

ALLAA MAHAD LEH.

Saxaafada Madaxabanaan ee Somaliland

Hargeysa/ Somaliland

03/07/2013

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories