HomeSaxaafadda Iyo Sahal-u-galkeeda! - W/Q : C/raxmaan C/laahi Warsame

Saxaafadda Iyo Sahal-u-galkeeda! – W/Q : C/raxmaan C/laahi Warsame

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

cabdiraxmaanInkasta oo sidii dalkan Somaliland loogu soo noqday, dhinac waloo nolosha ka mid ahi si isku dheellitiran u korayay, haddana waxa jira meelo badan ama shaqooyin badan oo si aan isleekayn u kobcayay. Taa waxaan uga jeedaa qofka dib u milicsada taariikhda saxaafadda tan iyo sagaashamaadkii ma arkayo amaba heli maayo horumar weyn oo la taaban karo oo ay saxaafaddu gaadhay tan iyo wakhtigaa.
Waxa laga yaabaa akhriste inaad tidhaahdo, ninkani muxuu sidaa u leeyahay, sowtan TV-yo badan la keenay, wariyayaal badan soo baxeen, jaraa’iddo ciiddaa ka badan aroortii magaalada Hargeysa dhallinyartu gidaar walba kula fooraraan.
Horumarka aan ka hadlayaa maaha dhanka tirada, waa  runtaa oo waxaad sheegtay oo dhammi way jiraan, inkasta oo tan jaraa’iddada aan kugu haysto oo iyada aynu xagga danbe kaga hadli doonno, laakiin waxan doonayaa inaad ila fahanto tayada ay leedahay saxaafaddeenna maantu maaha tii ay lahaan lahayd mid labaatan iyo dhawr sano jirtay.
Saxaafadda somaliland waxay ku bilaabantay, idaacadda Radio Hargeysa iyo dhawr jaraa’id oo min afar xaashiyood ka kooban, kuwaas oo qora wararka ku saabsan madaxda dawladda, safarradooda iyo aqoon is-weydaarsi la furay. Balse marnaba saxaafaddu lamay imman curin iyo qoraallo ama barnaamijyo toos u taabanaya arrimaha bulshada ee dadka inta badan noloshooda khuseeya.
Saxaafaddu maaha tan goor iyo ayaan ka hadasha uun siyaasad iyo wixii la hal maala, una adeegta afarta qof ee dalka ugu tunka weyn, balse saxaafaddu waa tan marwalba hoos u eegta kuna mashquusha dadka hoose ee bulshadu u badantahay iyo baahiyahooda sida nadaafadda, Biyaha, Korontada, waxbarashada IWM.
Saxaafadda dhabta ah ee wadaniyadduna ku dheehantahay waa ta xushmaysa islamarkaana soo gudbisa afkaarta iyo codadka dadka aan codkoodu meel gaadhayn, qof diyaar u ah inuu dhagaystaana aanu jirin. Saxaafaddu waa ta ka qayb qaadata horumarka dhinac walba leh ee bulshadu ku tallaabsanayso, iyada oo la barbar taagan bogaadin iyo dhiirrigalin, laakiin maaha mid ka shaqaysa isku dirka iyo isku soofaynta bulshada iyo madaxdooda.
Saxaafaddu waa ta iska dhaafta ee aan qorin ama baahin waxyaabaha liddiga ku ah qarannimada dalka iyo sharafta madaxda qaranka.
Haddaba waxyaabahaa aynu ka dignay oo dhan  oo ah kuwo maanta ka jira dalkeenna Somaliland aynu is weydiinnee, maxaa keenay?
Sababta ugu weyn ee aan anigu is leeyahay waa ka mas’uul arrimahaa aynu sheegnay waa sida fudud ama sahalka ah ee maanta saxaafadda lagu soo galo.
Waxaan odhan karaa anigoo isku kalsoon in maanta saxaafaddu tahay shaqada kaliya ee aanu qofna u baahnayn inuu cid uga fasax qaato si uu u soo galo ama cid weydiisto uu la shaqeeyo, sababtuna waxa weeyaan xeerkii saxaafadda oo aan wali meel mar noqon isla markaana aan la dhaqan galin, siib hay’adaha ku shaqada leh diiwaan galinta saxafiyiinta iyo goobaha saxaafadda.
Sababta kale keenaysa in maanta saxaafadda si fudud loo soo galo waxa weeyaan saxaafadda oo sidaynu hore u soo sheegnay  aan wax horumar aqooneed ah oo muuqda gaadhin. Taa macneheeduna waxa weeyaan in qofkii maanta soo gala warbaahinta uu qaban karo wax kasta oo uu qaban karo qofkii labaatan(20) sano ku jiray, oo ah war akhrin iyo waraysi dhawr su’aalood ka kooban. Akhriste ha ii malaynin qof warbaahinta iska dhaliilaya, waayo aniga laftaydu waxaan ahay saxafi ku abtirsada bahda warbaahinta, dhaliilahaa aan sheegayna ku jira.

C/raxmaan C/laahi Warsame
cbdrxmngeni@yahoo.comm
Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories