HomeSAXAAFADA DIIRKII MUWAADIN NIMADU KA HOODHAY, DAAWO HA LOO RAADIYO

SAXAAFADA DIIRKII MUWAADIN NIMADU KA HOODHAY, DAAWO HA LOO RAADIYO

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

MARKA HORE WAXAAN SALAAMAYA DHAMAAN SHACABKA REER SOMALILAND MARKA XIGTANA WAXAAN SALAAMAYAA SAXAAFADA SOMALILAND KUWOODA DANTA GARANKA U ADEEGA.
Intaa dabadeed, waxaan umada muslimka ah gaar ahaan reer Somaliland leeyahay ciid mubaarik kulu caam waa antu bikhayr,, ilaahay ciidankan ciidkiisa ha inagu gaadhsiiyo barwaaqo iyo nabad qab, aamiin aamiin

Hordhac

Indhawayto waataanan tiring duubcasaw gabaye,

Dibnahayga waataan ka jaray deelka maansade,

Marba aniga oo daayeybay igu danqaabaane,

Aan u digo raga dabin la xidhay daadah loo yidhi.

Aan ka digo xumaha debeda tagaa dubir ma lahayne,

Mudo dheer waan ka maqnaa warbaahinta oo rag badan oo aan ku jiraa way ka nasteen qoraalo aad u xiiso badanaa oo ay saxaafada u soo marin jireen bulshada afka somaliga ku hadasha gaar ahaan Somaliland.

Waxaana maanta oo ay tahay yuumul ciid, igu kaliifay in aan qoraalkan kalmadaha gabayga ahi ku jiraan saxaafada soo mariyo kadib markii ay soo baxeen warbaahin ku abtirsatay Somaliland oo hadana la moodo in looga gacan haadinaayo meel ka fog wadankeena, iyadoo qoraalo aan cidna wax tarayn ku soo celcelinaaya.

Ujeeddada Qoraalkan

Haddii kuugu bato maraqa ayaa xumaada waa maah maah somaliyeed oo xaqiiqada u dhaw waqtigan casriga ah wax badan war baahin oo leh faraaciyo aad u badan kuwaas oo laga yaabo in umadahu qaarba si uga faa’iidaystaan waayo waxaad arkaysaa mareego ay buuxiyeen sawiro dhaqan xumaha ah, halka qaar kalena aad arkayso in tafsiirkii qoraanka iyo axaadiistii buux dhaafiyeen,, waxayan noqotay aalad qofka wax uga faa’iidayso, waxaanay la mid tahay maskaxda bili aadamka oo noqotay qofka wuxuu amar ku siiyo in ay ogolaato.

War baahinta afka somaliga ku hadasha hada waxay tahay kuwa safaf ku kala jirta, marka ay sidaa tahay diirka mawaadin nimadu waa in uu wax ku diidaa oo aanad noqon qof la yidhaahdo mala meel diirta.

Waxa dhawaanan dhacday in waraabinta qaarkood soo daabaceen sir ay ka helaan emailka ama inboxka wasiirka arimaha debeda, iyagoo soo daabacay sida ay sheegeen qaar ka mid ah waraaqaha wasiirka iyo cid kale oo wada shaqayni ka dhaxaysay isu diraan taas oo noqonaysa danbi xun xitaa hadii ay dhacday oo ay helaan passwordka wasiir ay danbi tahay soo daabicidu,, hadii ay iyagu afduubeena ay kaba sii daran tahay oo danbigaasi la mid yahay kan budhcad badeedu malaayiinka maraakiibta ah loo soo diray.

Waxaana lagu maah maahaa ( ama afeef hore lahaw ama adkaysan danbe) in aad jabiso guri nin masuul ahi leeyahay hadana in aad tidhaahdo waxa lagu yidhi waa tuug, walibana aad run moodo hanbalyo iyo salaam uu kuu soo diro nin wadankaaga iyo dadkiiba oo dhan cadaw ku ahi isagoo ku leh waad ku saxsan tahay jabinta guriga masuulka iyo baahinta sirta wadankaaga (hasha geela cunta ee cabaada) qaraannews gaar ahaan maxamed jaamac waxaan leeyahay ( isma qabato qirashiyo, qiilbaan u haystaan).

Waxa taas ka sii daran markii 7/11/2011 subixii ka arkhristay meesha lagu magcaabo waagacusub oo uu leeyahay nin ay ilmaabti yihiin saado cali warsame oo la yidhaahdo daahir callasow ninkaas ku suntan war kuxumo ka sheega xukuumada iyo dhacabka reer Somaliland,, warkaas oo ciwaankiisu ahaa madax reer Somaliland oo xashka ku tagay sadaqo shiriif bixiyey, lamaan yaabin warka ninkaasi baahiyey,, waxaanse la sii yaabay markii mareegta halbeegnews oo uu leeyahay maxamed dirirdhaba mar kale lagu soo daamacay isla warkaas oo waji kale loo yeelay.

WAXA ISU KAY QABAN WAYDAY

Aniga iyo umada reer somalilandba waxaanu la yaabsan nahay danbiga qofkii sameeyey inta uu qirto hadana leeyahay khaladbaa la iga galay cajiib, milgaha saxaafada madax baanan ayaa ka khaldan malaa waxay moodayaan in uu sax yahay wargeystada soo daabac sawir gacmdeeda lagu aflagaadaynaaya nabi maxamed NNKH,, waayo hadii aanay taas raad joogin inta ay jabsadaan ciwaankii wasiirka may yidhaahdeen muxuu u leeyahay waa argagixiso oo hadaa maxaaa lagugu sheegaa ee hadhay,, intaa waxa dhimatay muwaadin nimadii iyo xaqii wadankaagu kugu lahaa.

WAXAAN KULA TALINAYAA RAGAA
Wax laga yaabaa maxamed jaamac iyo maxamed diridhaba in aad maalin uu wadankan xil u soo doonataan, wax la hadha CV waa qaali ( ninman yahay talimo waa dugsiye dunida jeedaashay salaam carabay)

Sacad ciise cumar

Berbera Somaliland

e- f_bihaary@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories