HomeSawir laga Qaaday Dadka Somaliland ee ku dhaqan Dalka Jabuuti oo ku...

Sawir laga Qaaday Dadka Somaliland ee ku dhaqan Dalka Jabuuti oo ku Guulaystay kaalinta 1aad ee Abaalmarinta Sawirrada Saxaafadda Dunida

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Amsterdam (SLpost)- Sawir laga qaaday Habeenimadii Jimcuhu Soo galayay , dad ku sugan xeebta Djibouti, korna u haya telefoonada gacanta si ay u helaan Anteenada (Signalka) shirkadaha telefoonada Somaliland , kuwaas oo damacsan inay la  soo hadlaan ehelkooda gudaha Somaliland ku sugan , ayaa ku guulaystay abaalmarinta sawirkii ugu fiicnaa sawirka Saxaafadda Dunida (World Press Photo Award).

sawirSuxufiga sawirka qaaday oo magaciisa la yidhaahdo John Stanmeyer ayaa ah sawir qaade ka howl galla wakaaladda VII Photo Agency, balse wakhtiga uu sawirkan qaadayay howl shaqo u waday shirkadda duubista iyo ururinta sawirada iyo xogaha dunida caanka ku ah ee National Geographic.

Xaflada guddoonsiinta abaalmarinaha kala duwan oo lagu abaal-mariyey sawir qaadayaal tiradoodu 19  tahay, qaybo kala duwan oo sawir qaadista ahna lagu kala abaalmariyey, ayaa ka dhacday magaalada Amsterdam ee wadanka Holland oo ah meesha ay ku taalo xarunta guddiga  abaalmarinahan bixiya sanad kasta ee WORLD PRESS PHOTO.

“Waa sawir koob-sanaya sheekooyin iyo xaalado aad u faro badan – wuxuu dood ka abuurayaa arimaha sida – technology-ga, aduun edegaynta (globalisation), tahriibka, faqriga, dal-tabyada iyo xaaladaha binu aadaminimo,” sidaas waxa yidhi,  Jillian Edelstein.oo kamid ahaa gudigii kala xulista sawirada abaalmarinta u tartamayay.

Stanmeyer , sawir qaadaha muuqaalkan , oo ay wakaalada wararka ee AFP khadka telefoonka kula xidhiidhay kadib markii lagu dhawaaqay cida ku guulaysatay ayaa sheegay inay abaalmarintani sharaf u tahay.

“Waa muuqaal sida suugaanta ah, wuxuu isku xidhayaa dhamaanteen xaaladaha aynu ku jirno,” ayuu yidhi Stanmeyer, waxaanu intaasi ku daray. “Waa uun dad isku dayaya inay xidhiidh la sameeyaan kuwii ay ugu jeclaayeen, cida ay la soo hadlayaan,  adiguu noqon karaa, aniguu noqon karaa, mid kastoo inaga mid ah ayuu noqon karaa.”

Sawiro tiradoodu gaadhayso 100,000 kuwaas oo ay qaadeen tiro 5,754  oo sawirqaade ah kana kala socda 132 wadan oo caalamka ah, ayaa qiimaynta ay mariyeen gudi garsoor oo kala xulanayay.

Qofka ugu sareeyey ee sawirkiisu kaalinta koowaad ka gallay oo ah Stanmeyer ayaa la siin doonaa abaal marintan oo qiimeheedu dhan yahay 10,000 euros (14,000 dollars) iyo waliba Kamarad nooca ugu wanaagsan uguna qaalisan ah bisha April ee sannadkan  xaflad lagu qaban doono isla magalaada Amsterdam.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories