HomeSarkaal Todobaadkan Madaxweynaha Maraykanka la kulmay oo laga helay Cudurka CoronaVirus iyo...

Sarkaal Todobaadkan Madaxweynaha Maraykanka la kulmay oo laga helay Cudurka CoronaVirus iyo Cabsida jirta

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Washington (SLpost)- Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada dalka Brazil oo Shan maalmood ka hor la kulmay Madaxweynaha Maraykanka, ayaa laga helay caabuqa CoronaVirus oo dhaliya cudurka Covid-19, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Brazil.

blankSarkaalka oo lagu magacaabo Fabio Wajngarten oo ah Xoghayaha saxaafadda ee Xafiiska Madaxweynaha Dalka Brazil, Jair Bolsonaro oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Maraykanka kulamona la yeeshay madaxweynaha iyo ku-xigeenka dalkaas.

Wajngarten ayaa madaxweyne Bolsanaro ku wehelinayey safarkaas, wuxuuna bartiisa twitter soo dhigay sawirro muujinaya isaga oo dhinaca taagan madaxweyne Donal Trump iyo madaxweynihiiisa.

Fabio Wajngarten oo wehelinayey madaxweyne Bolsonaro, ayaa sidoo kale kulan casho la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka Mike Pence oo ay weheliyaan inanta uu dhalay Trump ee Ivanka iyo Saygeeda Jared Kushner.

Dowladda Brazil ayaa sheegtay inay masuuliyiinta dalka Maraykanka ku wargelisay in sarkaalkan laga helay caabuqa CoronaVirus baadhitaan lagu sameeyey kaddib markii weftigii uu la socday dalkooda ku laabtay.

Warkan ayaa abuuray cabsi laga qabo inuu Trump halis u yahay inuu qaaday caabuqa cudurkan oo aan weli la ogeyn maadaama aan wax baadhitaan ah lagu samaynin madaxweynaha Maraykanka.

“Madaxweyne Trump lagama baadhin cudurka COVID-19, sababtoo ah ma jirin xidhiidh uu la sameeyey qof la xaqiijiyey inuu cudurka qabo, mana laha astaamaha cudurka ,” Sidaa waxa sheegay Afhayeenka Aqalka Cad.

Caabuqa CoronaVirus ayaa si xawli ah ugu fidaya gudaha dalka Maraykanka, iyadoo tirada dadka la xaqiijiyey in laga helay cudurka ay gaadhayso 1,319 qof oo 38 ka mid ah u dhinteen cudurka.

Madaxweyne Trump ayaa hore u shaaciyey xayiraad uu saaray isu-socodka dalalka qaaradda Yurub, iyadoo warbxinaha hay’adaha caafimaadka ee dalkaasi sheegayeen in dadka laga helay cudurkan ee gudaha dalkaas badankooda lala xidhiidhiyey qaaradda Yurub.

Madaxda Qaaradda Yurub ayaa si cadho leh u cambaareeyey go’aanka uu madaxweyne Trump kaga dhawaajiyey, waxaanay qaarkood ku tilmaameen mid siyaasadaysan oo aan wax shaqo ah ku lahayn Xiisadda Caafimaad ee ka taagan Caabuqa CoronaVirus.

Dhinaca kale, waxa hoos u dhac weyni ku yimi Suuqyada Saamiyada ee dalka Maraykanka oo xaaladdii ugu xumayd ee dhinaca dhaqaaluhu soo waajahday.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.nt  

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories