HomeSaraakiil ka tirsan Ciidanka Dab-demiska oo Shil-baabuur ku geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dab-demiska oo Shil-baabuur ku geeriyooday iyo Madaxweyne Biixi oo ka hadlay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Allah haw naxariistee waxa maanta Shil baabuur ku geeriyooday laba sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska ee Somaliland oo gaadhigii ay wateen kula dhacay jidka laamiga ah ee u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.

blankSidoo kale waxa shilkaas ku dhaawacmay dhowr qof oo la socday gaadhiga ay saarnaayeen labada sarkaal, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo Cusbitaalka Guud ee Hargeysa.

Geerida labada marxuum waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo tacsi u diray Ehelka, qaraabada, asxaabta, Ciidanka Dab-demiska iyo Bulshadda reer Somaliland ee ay ka baxeen.

War-qoraal kooban oo xambaarsan tacsida Madaxweynuhu u diray labada marxuum, ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidanka dab-demiska Somaliland, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah Maxamed Cilmi Cali oo ahaa hoggaan ku xigeenkii Isgaadhsiinta ee ciidanka dab-demiska iyo Dr. Naasir Cumar Cabdi oo ahaa hoggaan ku xigeenkii caafimaadka ee ciidanka dab-deniska Somaliland oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 23/10/2019, duleedka magaalada Hargeysa oo uu gaadhi kula dhacay.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidanka dab-demiska, ciidamada qaranka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, intii ku dhaawacatay shilkaana uu caafimaad sareecana siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay madaxtooyada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories