HomeSannadkii 2019 iyo tirakoobka Hawlgaladii ugu waaweynaa ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland (SAWIRRO)

Sannadkii 2019 iyo tirakoobka Hawlgaladii ugu waaweynaa ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland (SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Ciidanka Dab-demiska Somaliland Waa Ciidan u tababaran isla markaana loo carbiyay la dagaalanka Aafada Dabka, Badbaadada, Samatabixinta iyo Gurmadka Bini’aadanimo iyo wixii kale ee shaqo qaran ah ee khusaysa Ciidanka inay ka hawlgalaan, iyadoo ciidanku 24 saacood ba heegan ku yahay dhamaan xarumaha kala duwan ee ciidanka.

· Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa sannadkii 2019 ka hawlgalay una gurmaday 942 Hawlgal oo iskugu jira Guryo gubtay, Ganacsiyo,samatabixino, gurmad gaadiid iyo hawlgalo kale.
· Guryaha gubtay ayaa ahaa 515 Guri oo iskugu jiray Guryo Daaro, Jiingado iyo Buulal ah.

· Gaadiidka gubtay 17 Gaadhi, 29 hawlgal oo shoodh laydh ah, 42 Ganacsi oo dab qabsaday,

· Ciidanka Dab-demiska Somaliland waxay sanadkii 2019 ka hawlgaleen una fidiyeen Gurmad Samatabixina Dad Gaadhaya 30 Qof kuwaasoo laga samatabixiyay Guryo gubtay iyo gaadiid Dab Qabsaday.samatabixinta dadkan kadib waxaa ciidanku gaadhsiiyay goobaha Caafimaadka kuwaasoo ka helay daawayn iyo daryeel.
· Gurmadka Dadka ciidanku ka samatabixiyay Daadad, Dhismayaal dumey iyo Gaadiid shilal galay ama rogmaday ayaa sannadkii 2019 ciidanka Dab-demisku ka hawlgalay, iyadoo wadarta guud ee hawlgaladaasina ay noqdeen 98 Qof.

· Dadka laga badbaadiyay gaadiid iyo dhisme dumey ayaa sannadkii 2019 ahaa 53 Qof.

· Samatabixinta Xoolaha laga soo saaray Musqul iyo Bullaacado ayaa ciidamada Dab-demisku gurmad u fidiyeen guud ahaan goobaha kala duwan ee ciidanka Dab-demisku ka hawlgalo, waxaana wadarta guud ee samatabixinta xoolahaasi noqdeen 273 Neef Iyadoo ciidanka Dab-demisku dhamaantood ku guuleystay inuu ka soo samatabixiyo godadkaas iyagoo badqaba.

· Sanadkii 2019 ciidanku wuxuu diiwaangeliyay dhacdooyin cusub oo ay ka mid yihiin in 6 Bissadood iyo 4 Ey oo yar yar laga soo samatabixiyay Musqul ay ku dhaceen. Dhacdooyinkan loogu gurmanayo xayawaanka ayaa ku cusbaa sannadkii hore hawlgalada ciidanka Dab-demiska, waxaana dhammaantood xayawaankaas laga soo samatabixiyay iyagoo nool.

· Dadka ku dhaawacmay Dabka, gaadiid,dhisme dumey,godadka iyo daadadka iyo shinni gadooday ayaa ahaa 70 Qof.

· Ciidanka ayaa ka hawlgalay gaadiid dadweynuhu leeyihiin oo kaga xannibmay goobaha Dooxyada iyo Laagaha, taasoo ciidanka dab-demisku u gurmaday kana caawiyay muwaadiniintaas gaadiidku ka xannibmay, iyadoo ciidanku adeegsanayo gaadiidka hawlgalada gurmadka ee wiishashka. Wadarta guud ee gaadiidkaasina waxay noqotay 186 Gaadhi.

· Dadka ku dhintay Dab ayaa ahaa 9 Qof halka dadka ku dhintay Ceelasha, Daadadka,Dhisme dumey, Gaadiid iyo shinni gadooday ee ciidanka dab-demisku ka hawlgaleen sannadkii 2019 ay ahaayeen 27 Qof.

Dhacdooyinkii ugu Mudnaa in la xuso sannadkii 2019 ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland ka hawlgaleen:

· 14/12/ 2019_ Saddex Caruur ah oo Dab ku qabsaday kadib markii gurigii ay degenaayeen Hooyadood dusha kaga sii xidhay, waxaana halkaa ku dhintay Ilmo yar oo Sagaal bilood jiray, halka labadii kale ciidanka Dab-demisku ka soo samatabixiyeen guriga. Hawlgalkan ayaa ka dhacay Degmada Maxamuud Haybe.
· 07/12/2019_ Laba Caruura Aabahood iyo Hooyadood oo Hoygii ay Degenaayeen Darbi ku soo dumay, waxaana halkaa ku dhintay dhammaan Qoyskii Gurigaa Degenaa, waxaana hawlgalkani ka dhacay Degmada 31 May.

· 14/12/2019, 17/09/2019 iyo 16/09/2019_ Intii u dhaxaysay muddadaas Waxaa Ciidamadu Dab-demisku ka soo saareen Lix Bissadood iyo Affar Ey oo ku dhacay Musqul Degmooyinka 26 June, Ibraahim Koodbuur iyo Degmada 31 May iyo Gobolka Gabiley.

· 15/05/2019_ Ciidanka Dab-demiska ayaa Ilmo yar isagoo nool ka soo Samatabixiyay Musqul, sida aanu xogaha ku helnay waxaa Musqusha ku ridday Hooyadii Ilmahaa yar dhashay. Hawlgalkani wuxuu ka dhacay Xaafada October ee Magaalada Hargeysa.

 

blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank blank

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories