Home"Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho..waxaa ugu soo horaysa tii Ururada"...

“Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho..waxaa ugu soo horaysa tii Ururada” – Madaxweyne Muuse Biixi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in sannadkan gudihiisa ay dalka ka dhacayaan saddex Doorasho oo ay ugu soo horeyso doorashada tartanka ururrada siyaasadda oo uu sheegay inay qabsoomi doonto Badhtamaha sannadkan.

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu sheegay inay doorashada madaxtooyadu qabsoomi doonto xilligii loogu talo-galay oo ku beegan bisha November ee sannadkan, taas oo uu sheegay inay ku tartami doonaan saddexda xisbi ee ka soo dhex-bixi doona tartanka ururrada siyaasadda.

blankMadaxweyne Biixi oo ka qayb-galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Dalka oo loo tabobaray Layli-sarkaal, waxa uu yidhi, “Sannadkan waxaa inagu soo beegan Saddex Doorasho saddexdaba Ciidanka qaranku isagaa qeybta ugu weyn qaadanaya, mar waxaad kala ilaalinaysaan dadkaa xamaasadu eryeyso ee marka ay wax doorayaan aad moodo inay dagaalamayaan, caalamku sidaa maaha caadifadeena badan, mar labaad Ciidamada waxaa laga doonayaa inaanu inagu soo dhex dhuuman cadowgeenu oo marka ay ololeyaashu iyo xisbiyadu socdaan uu dhulku nabad ahaado.”

Madaxweynaha oo ka hadlayey sida ay u kala horeynayaan doorashooyinku waxa uu yidhi, “Saddexda doorasho ee inagu soo socda waxaa ugu soo horaysa tii Ururada haddii Alle yidhiaahdo Bisha June waxay guddidu ku dhawaaqi doontaa in la diiwaan gelinayo Ururadii oo waa la tartamayaa, Saddexda Xisbi ee jiraa waxay la xuquuq noqonayaan Ururadaa bilaabmay, waa in Ururadii tartamaan Saddex Xisbi ayaa soo baxaya, 13 November waxaa dhacaysa sida waajibku yahay tii Madaxtooyada sidii laysu waajin lahaa waa hawl u taala qaranka, waxaa ku xigta Guurtidii Insha allaahu, iyaduna waxay noqon doontaa in lasoo xulo oo aynaan doorasho badan gelin taa lafteedu waa hawl badan,” sidaas ayuu yidhi Md Muuse Biixi.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories