HomeSannadkan iyo Dugsiyada Cusub – C/fataah M.Ahmed

Sannadkan iyo Dugsiyada Cusub – C/fataah M.Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sannad Dugsiyeedkii waxbarasho ee Somaliland Ayaa dib u Furmaya Wakhti dhow ka dib,Fasax,Farxadii Ciida iyo Soonkii Ramadaan ka dib waxa la sugaaba waa Socodkii iyo Baratankii Basaska kala duwan ee Ardeyda suga oo Dib u buux dhaafiya Wadooyinka iyo Xaafadaha Dhexdoodaba,Noocyada kala duwan ee Gadiidka sida Basaska yaryar iyo kuwa waaweyn Ayaa si Joogta ah u socon doona Waaga berigiisa ilaa Gelinka danbe.Lambarka Tirada baabuurka ka hawlgasha Dugsiga/Machadka/Madarisada iyo Magaca Goobta Ardeyga loo qaadayaba waxa aad ka Arkeysaa Dusha sare ee Basaska.Socodka Xawliga ah ee Basaskaasi Ardeyda Goobaha waxbarashada gaadhsiiyase waa Mid laga Hadlo lagana Digo Shilal ardeyda ka soo gaadha.

Xafladihii Sannad Dugsiyeedka cusub lagu Daah Furaayey,Abaal marintii kala duwaneyd iyo Ardeydii kaalmaha hore Gashey Ayaa Imtixaankoodii loogu Bilaabi doonaa ka hor intaan Fasalka dib loo Fadhiisanin,Ogeysiisyada Goorta iyo Goobta Xaflada lagu qabanaayo, iyo Wakhtiga Dib loo Furaayo Xarunta waxbarasho Ayeynu Sugnaa mar dhow oo aan Fogeyn,Barnaamijyo Saxaafada laga soo daayo oo Munaasibadahaasi furitaanka laga soo Duubey Ayeynu Dhageysan doonaa kuwaasi oo si is daba Joog ah uga bixi doonaa Televisionada kala duwan iyo Cod baahiyaha Radioga.

Imtixaankii Ardeyda Sannad dugsiyeedkan u fadhiistey Fasalka Afraad Ayaa la sugayaa,Jaamacadaha kala duwan ee Dalka Ayaa u tartamaya isla markaasina Bilaabey soo dhaweynta Xayeysiiska Ardeydaasi lagu qaabili lahaa iyada oo loo Diyaariyey gebi ahaanba Kuliyadaha kala duwan ee Waxbarashada Heer Jaamacadeed lagu Bilaabo,Ardeydu Ma dhici doonto,Tiro yar Ayaa la sheegi doonaa in ay Dhaceen,Inta badani wey baasi doontaa,Jawiga imtixaanka lagu qoro iyo sida loo Saxaba wax badan Ayaa laga badalay, 5,000 oo Ardey haddii ay Fadhiistaan 4990 Ayaa baasi doonta, 10 Ayaa dhaceysa,Waayo aragnimada sannadkii hore dib u xasuuso.Ardeyda Yaan la ridin,Yaan la niyad Jebinin,Wey tahriibayaan,Jaamacad kastaana 1500 oo Ardey Ayey rabtaa markaa ha la soo Fasaxo saxana iyada oo Danahaasi la eegaayo ha la fududueeyo Ayaa Dhab ah. Tartanka u dhaxeeya Nuradin,Ileys iyo Vitenery Sheekh Ayaana La sugayaa Sannadkana halka uu cago dhigto iyo kaalmaha dugsiyada Dawladu ay soo galaan.

Sannadkan Jaamacado cusub oo Dalka ku soo Biirey ama la Maqley Ma Jiraan,Keliya kuwii hore u Jirey Ayaa Sannadkana Qaar ka mid ahi ay Shaqeynayaan marka laga reebo Mid ama Laba Sannadkii hore la xidhey oo Iskood u hawl gabey.Sida Dugsiyada qaar u kacaan Ayey Jaamacaduhuna isku Xidhi karaan,inkasta oo ay Adag tahay sida loo Qaadan karo Jaamacad Weyn oo Suuqa ka baxdey.Marka laga tago Jaamacadahaasi,Waxa dhinaca kale Sannadkan Mar kale ku cusub Saaxada waxbarashada Somaliland Tiro dhowr ah oo Dugsiyada gaarka loo leeyahay ah,Sannad kasta 4 ama 5 Dugsi oo cusub Ayaa ku soo Biira,Sannadkan Waxa isheydu Qabatey,School of Today,Amaano Boarding School,Canadian SChool of Primary intaan ka Xasuusto.Dugsi ma leh Khasaare Lacag Mooyaane Waa Halku dhega rasmiga ah ee Jira.

Dugsiyada Cusub ee La Furayaa Haddaba Ma maxey soo Kordhin karaan?Lacagtii Ardeyda hore looga qaadi Jirey ma Jabeysaa,Mise Dadkii Dugsiyada dawlada la qori lahaa Ayaa is geyn doona,Qiimaha Lagu dhisaayo Dhismaha dugisiga,Dhulka,Agabka iyo Kharashaadkaba Sow sannadkan oo Qudha lagu soo Saari maayo.Tirada Ardeyda  Dugsiyada ku Jira Ayaa qaarkood 1,000 Ardey ah,Dhaqaale Ayaa ku Jira dad badanina Isha qudha ee shaqo iyo Lacag si sahlan loogu soo saaro Ayey u arkaan Furitaanka Dugsi waxbarasho.

Isku soo wada Duub,Xayeysiisyada,Ii Dhehda Maqalka Radioga,Daawashada Tevelisionka,Ogeysiisyada iyo Boodhadhka Suuqyada haddaba laga soo buuxiyey Ayaa Muujinaya in Tartankii xarumaha waxbarasho Ardeyda ku kala Baacsanaayeen in uu dib u bilaabmey,Agab,Gadiid,Deegaan waxbarashada ku haboon,Macalimiin tayo leh,Adeeg ku raali geliya,Lacag Macquul ah,iyo Waxbarasho Tayo leh waa Erayada la isticmaalaayo si loo soo Jiito ardeyda iyo Waalidka Caruurtooda waxbarashada la raba. Kibirnimada iyo Lacagta badan ee Dugsiyadaasi laga helaana dadka qaar Ayey Xumeysey oo Waalidiinta iyo Caruurta yaryar marka ay dhergaan sida ay doonaan ka yeela,Marka horena Qeylo iyo Soo dhaweyn afka u kala qaada.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories