HomeSannad guuradii 11-aad ee ka soo wareegtay geerida Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum...

Sannad guuradii 11-aad ee ka soo wareegtay geerida Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland, marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran, Library & Museum na loo dhiso

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin  Allaha awoodda leh  idiinka bar yayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaana, cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda iyo dulmigana ka fogaada.

Marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,Ilaahay naxariistii Janno Fardawsa ha ka waraabiye,wuxuu ahaa shaqsi aan weli soo marin taariikhda dhammaan dadka af Somaliga ku hadlla,magaciisuna sharaf ,qadarrin iyo karaamo huwan yahay.Wuxuu ahaa Siyaasi ruug caddaa ah,si weynna looga qadariyo mandaqadda G eeska Afrika iyo dhammaan caalamkaba. Marxuum Cigaal (AHUN),wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horreey ey ee Somaliland,ee gacantiisa ku soo sexeexay xoriyaddii aynu ka qaadanay Dawladda Ingiriiska,26 June 1960 kii.

ENG MOHAMED ALI MUSE1993 kii ,ayaa Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim  Cigaal , mar labaad Madaxweyne ka noqday Somaliland, waqtigaas oo  Dalka iyo dadkuba ay ku sugnaayeen xaalad aad u adag,jihadaad u jeedsatana ay ka soo yeedhayso dhiillo colaadeed , amnni darro , kala danbayn la’aan ,geyigana dhammantii ay ka muuqato bur burkii , xasuuqii iyo dakharadii ay Daalimintii Huwantu iyo kaba qaadkoodiiba inoo geysteen. Marxuum Cig aal (AHUN), isagoo hawshaa baaxaddaa leh u muuqato, oo aan Dawlado iyo kaalmo shisheeye toona gac anta hoos dhigan, ayuu ku guuleystay inuu shacabkii boggooda burcad isku mariyo,walaaleeyo ,hannaan dawladnimo iyo kala danbeynna u yag leelo ,seeskana u qotamiyo. Maanta oo bishu tahay 3 May, 2013, a hna sannad guuradii 11-aad, ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Q aran , Library & Museum na loo dhiso……..Geesi innaga baxoo , Guul dhashuu ahaa iga dheh.

Inkastoo aan qalin,buug iyo website lagu qoro toona , aan lagu soo koobi karin taariikhdiisa, waxtarkiisii iyo wax qabadkiisii , bal aan dhowr shay ka tilmaammo:

• Sameyntii Dastuurka Somaliland

• Sameyntii Calanka

• Sameyntii ciidanka Qaranka

• Hub ka dhigistii Beelaha

• Nabadayntii Beelaha

• Dib u dhiskii Dalka

• Sameyntii lacagta Somaliland

• Sameyntii Baasboorka Somaliland

• Sameyntii hannaanka Dawladnimo

• iyo kuwo kale oo badan

3 May,2002, oo ahayd maalintii marxuum Cigaal ku geeriyooday Cusbitaal ku yaalla magaalada Pretoriya ee Dalka Koonfurt Afrika,waxay ahayd maalin madaw, murugo leh ,naxdin iyo dhiillana u soo hoyatay dh ammaan inta jecel jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland. Walaw ay adag tahay in qoraal lagu sifeeyo sida uu noqday ama uu ahaa  dareenka Somalilandersku meel ay maalintaas joogeenbba , bal waxaan isku da yi doon aa inaan idinku maansheeyo Gabay baroor diiqa ah, oo uu maalintaa tiriyey  Cali Adan Cawaale , waxaanu yidhi :

Waxaan soo jeedinayaa , in marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal , Aabihii Jamhuuriyadda Somaliland,la gu maamuuso, lagu qadariyo , laguna sharfo , dhaxalkii iyo wanaaggaa faraha badan ee uu inooga tagay ,  ahna ta  maanta Somaliland heerkaa ku soo gaadhay , kuna naaloonayso . Maanta oo bishu tahay 3 May,2013, ahna sannad guuradii 11-aad , ee maalintii uu geeriyooday marxuum Cigaal, waa in loo aqoonsado maalin Qaran , Library & Museum na loo dhiso.

Qalinkii Maxamed Cali Muuse

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories